Jen. Galaal: “Dacwada Lagu Soo Oogay Maxamed Cali Samatar Waa Wax Sax Ah, Waana Dambiile”
Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid Saraakiishii hore ee Ciidamada Xooga dalka Somaaliyeed ayaa taageeray dacwada lagu soo oogay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Jen. Maxamed Cali Samatar oo haatan ka bilaabatay Maxkamad ku taal dalka Mareykanka.
Jen. Galaal oo ay isla soo shaqeeyeen Cali Samatay ayaa ku eedeeyay inuu sabab u ahaa xasuuqii loo geystay dadka ku nool Gobolada Waqooyi, isagoo tilmaamay in dadkaas la rafaadiyay.
“Runtii Dacwada lagu soo oogay Maxamed Cali Samatar waa wax sax oo uu ku muteystay dhibaatooyinkii xumaa ee uu ka geystay Goboalda Waqooyi”ayuu yiri Jen. Maxamed Nuur Galaal.
Waxaa uu sheegay Galaal inuu isaga dhagaystay amarka uu bixiyay Jen. Cali Samatar, kaasoo uu sheegay in diyaarado lagu garaacay deegaanada Gobolada Waqooyi ilaa dadkii ay ka gaareen xuduuda Ethiopia.
“Dad badan ayay meeshaas ku rafaadiyeen, wixii qaxayay ayay dayuurado kala dabatageen ilaa xuduuda Ethiopia ay ka galayeena waa ay sii garaacayeen, Maxamed Cali Samatarna halkaasi ayuu joogay oo waxaan dhageystay isagoo dhahaya amarkaasi aniga ayaa bixiyay marka dad shacab ah in la xasuuqo diin fasaxeysa iyo nidaam fasaxa malahan”ayuu yidhi Galaal oo eedeyn kulul u jeediyay Cali Samatay.
Xigasho: Jowhar.com
By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com
Submitted: M.S.Cumar,
APTEN, Hargeysa/Office



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali