Darussalaam Masjid ee waqooyiga London Xaggee Marayaa?

March 9, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

mosqueWaxaa mahad kulligeed iska leh Allaha Awoodda leh ee inoo sahlay in aynu mashruucan sida dhakhsaha iyo fudaydka leh ugu guulaysano, nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato nebigeenii suubanaa Muxamed ibnu Cabdullaah, kaas oo Alle inooga dhigay mid aynu kaga dayano sidii aynu u noolaan lahayn nolosha aduunyo uguna diyaargaroobi lahayn ta aakhiro.

Anaga oo ah Maamulka Masaajidka Darussalaam Southall eewaqooyiga magaalada London, Waxaan jecelnahay in aan halkan kusoo gudbino warbixin ku saabsan Masaajidka Daarussalaam, taasoo isugu jiri doonta siduu ku bilawday, meesha uu marayo hadda iyo waxa laga rabo mustaqbalka.

Masaajidka daarussalaam waxaa uu ku yaallaa meesha ay ku kulmaan Southall (London Borough of Ealing), Hayes (London Borough of Hillingdon) iyo Heston (London Borough of Hounslow) oo ah saddex xaafadood oo soomaali aad u badani deggan tahay, waxaa la bilaabay hawshiisa taburucaad aruurinta ah bishii Ramadaan (2009) bilawgeedii iyada oo la isticmaalayay idaacadda la iska arko ee Universal TV, mashruucaas waxa ilaahay ka dhigay mid midha qaaliya u dhala ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan , waxaa tabarucaadda laga soo dirayay shanta qaaradood.

Mashruucan ayaa waxaa la odhan karaa waa mashruucii ugu horeeyay ee tusay shacabka soomaaliyeed in haddii ay niyadda wanaajistaan Ilaahayna talo saartaan iyaguna u midoobaan ay qabsan karaan wax walba oo baniaadam qabsan karo.

Waxaa xusid mudan in la sheego baahida masaajidadu u leeyihiin muslimiinta ku nool dhulalka aan islaamka ahayn; masjidku waa meesha ay bulshooyinku Ilaahooda ku caabudaan, ubadkooda ku baraan diintooda iyo dhaqankooda, kuna xanaaneeyaan waayeelkooda. Waxaa xaqiiqa ah iyaduna in masaajidada ku yaalla qurbuhu ay ka duwan yihiin kuwa ku yaalla caalamka islaamka ee aynu inteena waaweyni kusoo barbaarnay; dhulalkeenii masaajidku wuxuu ahaa meel lagu cibaadaysto , diintana lagu barto, laakiin waxaa ku soo kordhay wadamadan in uu noqday meesha laga baraarujiyo ama laga saxo bulshada masaajidkaas ku xidhan amaba caruurtoodu ay u soo doontaan meel ay ku nefisaan kuna ciyaaraan waqtiyadooda firaaqada ah, waayeelkooduna ku nastaan, laga caawiyo ciddii dhibi hayso, lagu xalliyo arrimaha qoyska iwm (community centre or cultural centre). Maqnaanta uu masjid soomaalidu gacanta ku haysaa ka maqnaa Southall waa ta sababtay muuqaallada rajo la’aanta ah ee ka muuqda qaybo badan oo bulshada halkaa ku dhaqan ah haba u badnaadeen Jiilka soo koraya.

Baahidaasi waa ta ku dhalisay dad khayr doon ah inay u istaagaan hawshaas iyaga oo kaashanaya Alle, kuna tashanaya shacabkooda soomaaliyeed inay garab istaagi doonaan, ilaahay mahaddii waxaa ah inay hawshii sidii la filayay u dhacday.{fadligeedana Alle ayaa iska leh}

Maalintii ciidda soonfur waxaa soo xerootay in ku dhow saddex meelood laba meel (2/3 lacagtii lagu iibin lahaa daarta masjidka laga dhigayo, sidii laga sheegay fagaarihii ciidda lagu tukaday, aadna ka daawateen Universal TV; waxaa ilaahay sahlay in bishii December 2009 aanu idiinka sheegnay Universal TV inay soo wada xerootay lacagtii daarta lagu iibsan lahaa.(AlxamduLilaah)

Reg Charity No: 1134548 North Hyde House, North Hyde Wharf, Hayes Road, Heston UB2 5NS.

Waxaan akhristayaaasha sharafta leh xasuusinaynaa in daarta la iibsanayaa ay tahay meel xafiisyo ah, taas oo sida aad dareemaysaan aan ahayn masjid, markaa waxaa lagama maarmaan ah in daarta loo beddelo Masjid . Masjidka waa in loo sameeyo meelihii weysada iyo musqulo ku filan raga iyo dumarkaba, waxaa intaa sii dheer albaabadii ay ka soo geli lahaayeen ragga iyo dumarku iyo weliba meeshii meydka lagu dhaqi/maydhi lahaa. Waxyaabaha la soo xusay ayaa waxay u baahan yihiin dhismo hor leh amaba in la beddelo siyaabihii meelaha qaar u dhisnaayeen; Ka dib markii loo tegay dadkii khibrada u lahaa dhismaha waxaa ay noo sheegeen in ay ku baxayso lacag ka badan nus milyan (500 oo kun).

Waxaa maamulka masaajidku idiinku soo gudbiyeen universal TV sawiradii tusayey sida loogu talo galay in loo dhiso masjidka iyo qiimahooda iyaga oo ku magacaabay mashruuca darusalaam masjid qaybtiisii labaad, uruurinta lacagtaasina waa socotaa ilaa iyo hadda; haddii Alle idmona waxaa la idiin sheegi doonaa mustaqbalka dhow.

Waxaa arrin xasuusin mudan ah in dhisidda masaajidadu aanay ahayn arrin u gaara bulshada soomaaliyeed ee ay tahay arrin diini ah oo Alle loogu dhowaado rasuulkeeniina uu (SCW)inagu boorriyay; taas oo loo baahan yahay in la isu tilmaamo in laga qayb qaato .

Nebigu ( SCW ) markii uu Madina yimi shaqadii ugu horeeysay ee uu qabtay waxay ahayd inuu dhisay masjid ;hadaba sadaqada aad Alle dartii uu bixisay waa in aysan kula badan, maadaama ay adiga uun meel kuu taallo haddii Alle kaa aqbalo. ha illaawin noloshan qofba ilaahay wax buu u fududeeyay , qofbaa loo fududeeyay inuu jidka Alle u taagan yahay oo maal iyo wakhtiba ku bixiyo isaga oo doonaya keliya in Alle raali ka noqdo, meesha qof kale lagu mashquuliyay inuu aduunyo keliya u jeedo aakhirona uusan warkeedaba hayn.

Intaas waxaan kaga soo gudubnay meesha hadda la marayo, waxaa is waydiin mudan maxaa intaas ku xiga haddaba? Masaajidka waxaa haddii Alle idmo lagu bilaabi doona dhismaha iyo dibuhabaynta aan soo xusnay, waxaan alle ka rajaynaynaa in masaajidku diyaar noqdo inta aan la gaadhin bisha Ramadaan ee soo socota 2010. Wixii dib udhac ah ee yimaadda(Alle ha inaga hayee) waa la idinla soo socodsiin doonaa.

Masaajidku marka uu si buuxda u furmo waxa uu yeelan doonaa qaybahan:

Musalla ay raggu ku tukadaan .

Musalla ay dumarku ku tukadaan.

Makhaayad, Dukaan iyo makhtabad isla socda, laba xafiis iyo Xarun lagu jimicsado.

Malcaamad iyo meesha maydka lagu maydho/Dhaqo.

Dabaqa ugu sareeya (saddexaad ayaa isagu noqon doona mid loo isticmaalo waxyaalo kala duwan

sida: musalla, classes, xarun dhalinyaro iyo wixii la arko in bulshadeenu u baahan tahay.

Ugu dambayntii waxaa halkan uga mahad celinaynaa shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay

joogaan, waxaan Allaha awoodda leh u waydiinaynaa inuu aduunka iyo aakhiroba wanaag siiyo.

Waxyaabaha aan soo sheegnay qaar ka mid ah ayaa waxa ay u baahan yihiin ogolaansho dowladda hoose, wixii war ahna waan idinla soo socodsiin mar walba.

Wixii faahfaahina nagala soo xidhiidh xarunta taburucaadda ee masjidka:

Mamulka.

Tell:(+44) 208 571 4848

E-mail: info@dmcc.org.uk

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.