Munaasibad ilyartu isqabsatay oo Daaha Lagaga rogay Adeegyada Shirkada Cusub ee Somtel

March 6, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

MunaasibadaMunaasibad ilyartu isqabsatay oo Daaha Lagaga rogay Adeegyada Shirkada Cusub ee Somtel

Hargeysa (APTEN)- Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel oo ku soo biirtay saaxada shirkadaha ka ganacsada isgaadhsiinta Somaliland ayaa maanta si rasmi ah daaha uga rogtay adeegyo casri ah oo ay dalka ka bilawday.

Munaasibad xadhigaga lagaga jaray adeegyada ay qaban doonto Somtel oo ka dhacday Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, Goleyaasha Baarlamaanka Shirgudoonadooda Xildhibaano, Wasiiro xukuumada ka tirsan, Salaadiin, Culimo-awdiin caan ka ah wadanka, Madax-dhaqameedyo, Abwaano, Aqoonyahano,  Masuuliyiinta Jaamacadaha ka jira Somaliland iyo Ardaydooda, Haween, Dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee ay bulshadu ka kooban tahay.

Shirkada Somtel oo hore uga shaqayn jirtay meelo ka mid ah gobolada Somaliland, isla-markaana ay mataano yihiin oo uu leeyahay mulkilaha shirkada Dahabshiil ayaa waxay maanta shaqadeeda ka bilawday guud ahaanba dalka, iyada oo munaasibado lagu furayaana ay ka dhaceen isku wakhti guud ahaan gobollada  iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay.

Gudoomiyaha Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay munaasibada furitaanka ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada isgaadhsiineed ee ay u soo bandhigayaan bulshada iyo waxyaalaha ay kaga duwanaanayaan kuwa ay hada qabtaan shirkadaha wadanka ka

jira ee iyagu ka shaqeeya isgaadhsiinta. “Waxaanu bulshada Somaliland ugu bushaaraynaynaa inaanu bilownay adeeg cusub oo kala ah Mobilo laba kaadh leh oo kaadh aad u isticmaali karto SOMTEL midka kalena shirkada aad adigu jeceshahay.waxaanu keenay Mobilo cadceeda ku shaqeeya.Internet deg deg ah oo aan filayo in baahidiisii laga haqab beeli doono oo isugu jira GPRS-ka, Wireless,  kaadhka yar laga geliyo Kombuyuutarka iyo kuwa kaleba waxaana qofka isagoo dariiqa maraya inuu adeega Internet-ka uu galo.”sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha shirkada Somtel, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaanu ku soo kordhinay Shirkada Adeegga cusub ee loo yaqaano GSM-ka iyo adeegyo kale duwan oo casri ah oo uu ku jiro Internet-kii oo aad qiime jaban oo macquul ah aad ku helaysid, sababta keentay in SOMTEL ay dib u habayntan samaysay isla markaana bulshadu ay u baahan tahay tartan ganacsi oo xalaal ah oo ku salaysan Ganacsiga Xorta ah, sidaasi ayaanu u damacnay inaanu soo kordhino adeegyadan. Anagoo ka duulayna in loo baahan yahay qalab tayo leh oo aan ahayn qiimahiisa ayaa jabane’e soo iibso. Qalabka malaha cida ugu horreysaa waa dunida reer Galbeedka qalabkayagan waxaanu ka soo iibsanay shirkad Faransiis ah oo ku jirta kuwa ugu horreeya. Waxaanu adeegan dadweynaha ku siinaynaa qiime macquul ah oo duruuftooda la jaan qaadaysa. Telefoonkayagu maanta laga bilaabo waxa laga heli karaa Laascaanood Illaa Lawyacaddo.”

Gudoomiyaha oo ka hadlaya adeegyada cusub ee ay qabanayaan ayaa sheegay in Saddexda Murashax ee u tartamaya madaxtinimada dalka ay siin doonaan Tilifoono ay dadka shacabka ah ee la hadlaya bilaash uga dhigayaan adeega hadalka. “Waxaanu sadexda murashax ee Madaxweynaha Somaliland waxaanu u samaynaynaa Telefoonada dadka soo garaacayaa waa bilaash.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Mr. Xirsi in Dawlada, Axsaabta iyo Ciidamada Qaranka intaba ay u samayn doonaan nidaam isgaadhsiineed oo ay number-doodu isku xigayaan, isaga oo intaa ku daray in Saddexda Ciidan ee dalka ay si gaar ah u dhaqaalayn doonaan.

Arrinta sida wayn loogu sacaba-tumay isla-markaana dareenka dadka soo jiidatay ayaa ahayd markuu Gudoomiyuhu ka dhawaajiyay in shirkadoodu samaynayso adeeg u gaar ah dhamaan Saldhigyada Booliska ee guud ahaan dalka, Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada)  oo si lacag la’aan ah loogu xidhayo Macaamiisha Somtel ee u baahda. ““Waxaanu soo kordhinay adeeg telefoon oo isku xidhaya Saldhiyada Booliska ee gobolada dalka. “Waxaanu bulshada u soo kordhinay oo aanu daymo gaar ah u leenahay dadka dhaqaalahoodu hooseeyo sida ciidamada qaranka waxaana aanu ka qaadi doonaa qiime gaar ah. Waxa intaasi dheer  waxa jirta in had iyo jeer lacag uun lagu bilaabee mudada tijaabada ee tijaabadu socoto  oo aanu hubinayno in qof waliba ku qancay nidaadka Isgaadhsiintayadda waa lacag la’aan.”

Arrinta kale ee xusidda mudnayd ayaa ah in shirkadu bedeli doonto habkii xadhkaha (Cables-ka) ha noqdaan kuwa laga laadlaadiyo biiraha ee jidadka dhinac-mara amaba kuwa dhulka hoostiisa la mariyo, iyada oo dhamaan adeegyada shirkada sida Internetka iyo Land Line-kuba ay noqonayaan kuwo Wireless ah. “Ma jiri doono waayiro Telefoon oo aanu dhulka u qodayno iyo kuwo aanu dusha marinaynaa.waxaanu isticmaalaynaa adeeg kale oo ka casrisan oo ah madaxyo guryaha la dhiganayo.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu, waxaana uu intaas raaciyay in shirkada ay ka soo iibsadeen qalabka isgaadhsiintu tahay shirkad Faransiis ah oo aad looga yaqaano adduunka Alcatal.

Muftiga Caanka ah ee Reer Somaliland Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir oo munaasibada xadhigaga laga jaray Shirkada Somtel ka hadlaya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay adeegyada casriga ah ee ay bulshada wakhtiga kooban ku horkeentay shirkadan cusub, waxaana uu ku dheeraaday baahidii loo qabay isgaadhsiinta oo haatan la daboolay iyo dhibaatooyinkii lagala kulmi jiray isgaadhsiinta wakhtiyo aan fogayn, iyada oo loo tagi jiray wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Itoobiya.

Geesta kalena waxa uu sheekhu hadalo kaftan ah ku tuuray maamulka shirkada Somtel oo uu ugu baaqay in inay Shuyuukhda wadankana u sameeyaan adeega ku-hadalka bilaashka ah ee ay ugu u shaaciyeen hogaanka Saddexda Xisbi Qaran isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaan odhan lahaa waa mahadsan tihiine’e haddii aad tidhaahdeen sadexda Murashax Telefoonka lagala soo hadlayo waxaanu ka dhignay bilaash, waxaan odhan lahaa Anigoo aan ku hinaasayn dee sadex wadaadna iyaba dhinacii diinta ayaa lagala soo hadlayaaye’e bilaash ka dhiga.”

Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Md. Abiib Xasan Filfil ayaa ku dhawaaqay inay xukuumadiisu soo dhawaynayso shirkadan cusub iyo kuwa dhigeeda ah, waxaase uu farta ku fiiqay in aan loo baahnayn inay shirkadaha ganacsiga ku loolamayaa ay noqdaan kuwo isku dumiya awood dhaqaale. Isaga oo balan-qaaday inuu si buuxda ula shaqayn doono shirkadan cusub, una fududayn doono wixii sharciyan kaga xidhma ka wasaarad ganacsi ahaan.

Gudoomiyeyaasha Axsaabta Mucaaradka ah Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo iyaguna hadalo ka jeediyay madasha furitaanka Shirkada Somtel ayaa ammaanay shirkada Dahabshiil ee iyadu ka ganacsata lacag xawilaada taasoo mulkiilaheedu hirgeliyay shirkadan soo bandhigtay adeegyada lala dhacay.

Xoghayaha Xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax ayaa isaguna soo dhaweeyay dhinaciisa adeegyada ay la timi shirkada Somtel, isaga oo sheegay in loolanka ganacsigu uu dan yahay bulshada.

Mulkiilaha Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel  Maxamed Siciid Ducaale ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Axsaabta qaranka in ay kaga daydaan anshaxa tartanka xorta ah masuuliyiinta ganacsiga, isla-markaana ay ka dheeraadaan cayda iyo aflagaadada ay isu mariyaan warbaahinta. “Annagu ismana cayno mana yooyantanee hoostaasaan ka tartanaaye sidaasaan idinka filaynaa hadii aad tihiin Axsaabta Qaranka Somaliland.”

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida, Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh, Wasiir ku xigeenka Boosta iyo Isgaadhsiinta, Marwo Adna Aadan Ismaaciil ayaa dhamaantood ka mid ahaa masuuliyiintii kale ee munaasibada furitaanka adeegyada shirkada Somtel hadalada ka jeediyay.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland, Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo uu soo wakiishay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibada lagu marti-qaaday hase yeeshee la sheegay inuu ugu baaqday hawl shaqo ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray shirkada Somtel.

Ugu dambayntii, waxay shirkadu madashaasi ku qaybisay hadyado ay ugu talo-gashay dadkii ka soo qayb-galay xaflada furitaanka.

Dhamaan gobolllada iyo degmooyinka dalka ayaa munaasibado noocan oo kale ay shirkadu ku soo bandhigtay adeegyadeeda casriga ah.

Cabdiqani Xuseen Baynax

APTEN Media, Hargeysa

email:baynax@gmail.com

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.