Somaliland: Roobabkii Gu’ga oo curtay iyo Baaxada Khasaaraha ay Gaysteen
Hargeysa (Apten)- Roobabkii Gu’ga ayaa ka curtay gebi ahaanba geyiga Somaliland.
Saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa laga war-helay roobab aan kala go’ lahayn oo si isdaba joog ah uga da’ay magaalooyinka waawayn iyo deegaanada Somaliland.
Hadaba, iyada oo ay wadanka Somaliland ka jireen abaaro mug leh oo ay ku le’deen xoolo tiro badan, isla-markaana uu la darsay dadyawga reer guuraaga iyo beeralayda ah xaaluf dhuleed ayaa dhinaca kale roobabkan da’ayna ay sababeen khasaare xoogan oo dhinacyo badan.
Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku geeriyooday, boqollaal kun oo neef xoolo ahna way ku dhinteen roobab aad u culus oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey si aan kala joogsi lahayn uga da’ayey degaannada degmooyinka Tog-wajaale iyo Alleybaday oo ka tirsan Gobolka Gabiley.
Waxa kale oo roobabkaas mahiigaanka ah khasaare maaliyadeed oo ballaadhan gaadhsiiyeen ku dhowaad kala badh hantidii taallay meheradaha magaalo-ganacsiyeedka Wajaale oo daadadka roobabkaas ka dhashay galeen.
“Roobab aad u laxaad weyn oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey si aan mar qudha joogsi lahayn uga da’aya magaalooyinka Tog-wajaale iyo Alleybaday, ayaa sababay khasaarihii ugu ballaadhnaa ee abid roobabku u geystaan degaannada Gobolka Gabiley.
Inta la ogyahay ilaa hadda waxa geeriyooday oo daadadku la tageen saddex qof gudaha degmada Wajaale. Sidoo kale waxay roobabku dileen badi xoolihii noolaa ee dadka degaankaas lahaayeen, waxana baaxadda dhimashada xoolaha lagaga qiyaas qaadan karaa qoys keliya ayey roobabku ka dileen 200 neef oo adhi ah.
Waxa kaloo aannu aragnay qoys wax xoolo ah lahaa 25 lo’a ah oo dhammaantood roobku dilay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Gabileya Mr. Maxamed Axmed X Cabdi (Xabiib) oo ka waramay baaxada khasaare ee ay roobabka da’ay u gaysteen deegaanada Galbeedka Somaliland.
Badhasaabka oo sii faahfaahinayey baaxadda khasaaraha roobabku u geysteen degaannada ka tirsan Gobolka Gabiley, waxa uu intaa ku daray, “Marka laga yimaad khasaaraha nafeed iyo dabargo’a xoolaha, waxa kaloo daadadka roobabka culus ka dhashay khasaare hantiyeed oo aad u ballaadhan sida meheradaha ganacsiga degmada Wajaale oo 40% daadadku galeen, isla markaana qooyeen inta badan hantidii hoostaallay oo aad u tiro badan.
Waxa kaloo roobabku baabi’iyeen dhammaan balliyadii biyaha ee ku yaallay inta u dhexaysa magaalooyinka Alleybaday iyo Togwajaale, sidoo kalena waxay waxyeello weyn u geysteen oo roobabku dumiyeen laba sakadood oo ka mid ah dhismayaasha guryaha degmada Alleybaday.
Sidoo kale waxay daadadku khasaare soo gaadhsiiyeen oo inta badan burburiyeen kaabaddii kala qaybinaysay xuduuudka Itoobiya iyo Somaliland, moosaskii biyaha toga ka qaban jiray magaalada Wajaale. Waxa kaloo daadadku xannibeen gebi ahaanba isu-socodkii gaadiidka ee gudaha magaalada, alaaboyinkana tunka ayaa lagaga gurayaa bakhaarrada camiran ee ganacsiga, jidka carro-tuulka ah ee xidhiidhiya Wajaale iyo Kallabaydh ayaa isagana daadadku waxyeello culus u geysteen oo aan hadda gaadiidku mari karin.”
Ugu dambayn, Badhasaabku waxa uu si adag ugu baaqay in gurmad qaran iyo mid bani’aadamnimo oo degdeg ah lala soo gaadho dadka ku dhaqan degaannada degmooyinka Wajaale iyo Alleybaday oo uu sheegay inay ku sugan yihiin xaalad nololeed aad u qallafsan, gaar ahaan dadka reer miyiga oo uu carrabka ku adkeeyey inay qarka u saaran yihiin dhimasho iyo macaluul, kadib markii daadadku la tageen gurihii ay ku noolaayeen iyo xoolihii ay munaafacaadsan jireen.
Magaalada Aw=barkhadle oo uu maro jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa waxa daadkii roobabka shalay ka dhashay ay baabiiyeen beero tiro badan.
Geesta kale, Guddoomiyaha Tuullada Aw- Barkhadle Md. Jaamac Ruush, ayaa sheegay in khasaare xoog leh ay gaadhsiiyeen deegaankaas roobabkii shalay da’ay. Waxaana uu intaasi ku daray in daadadkii ka dhashay roobkii shalay ay baa’biiyeen 28 beerood oo ku yaalay degaankaas, isaga oo warbaahinta arrintaasi uga waramayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Waxa daadkii roobabkii shalay ka dhashay ay baa’biiyeen 28 Beerood, 21 Ceel Biyood, isla markaana ay qaadeen 25 Mishiin Biyood iyo 85 beebabka biyaha ah.”
Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Tuulada Aw Barkhadle intaasi raaciyay in daadkii ka dhashay roobkaasi ay la tageen gaadiid tiradoodu dhan tahay Laba Gaadhi oo rabay inay ka gudbaan dooxa wayn ee badhtamaha magaaladaasi oo uu maro jidka laamiga ahi, iyada oo dadka deegaankaasi ay u gurmadeen oo ay ka samato bixiyeen labadaasi gaadhi ee uu la tagay daadku. “Waxay dadweynaha deegaanka Aw Barkhadle ay badbaadiyeen laba baabuur oo nooca xamuulka qaada ah oo daadkii la tagay, waxa kale oo roobabku ay khasaare u geysteen Jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera oo ay Gaadiidku maanta aad ugu xanibmeen.



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali