Somaliland oo Si wayn Looga Xusay Maalinta Haweenka Caalamka

March 8, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

maalinta haweenka4Hargeysa (APTAN)- Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka ayaa maanta si wayn looga xusay maalinta Haweenka Caalamka oo sanad walba maanta oo kale (8 March) looga dabaal-dego.

Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa munaasibad ay soo qaban-qaabisay oo si qurux badan loo soo agaasimay ku dhigtay Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Md Cabdiraxmaan Maxamed Maal, oo ka hadlay munaasibada xuska Haweenka ayaa hambalyo u diray dhammaan haween waynaha Somaliland, isaga oo sheegay in wasaaradoodu u taagan tahay sidii ay haweenka dalka u horumarin lahaayeen “Maanta waa maalin haweenka adduunka oo dhami dabaal-dagayaan, maalintan waxa la cayimay 1977-kii, waxaana loo gartay inay noqoto maalin la xuso sidii xuquuqda dumarka loo dhowri lahaa, waxaana laga xusaa adduunka oo dhan” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada qoyka, waxaanu intaa ku daray “Wasaarada xilkeedu waa inay daryeesho haweenka Somaliland. Wasaaradu waxay qaaday talaabooyin horumarineed oo wax loogu qabanayo dumarka.” Ayuu hadalkisii ku soo xidhay agaasimuhu.” Ayuu yidhi Md. Maal.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Md Cabdiraxmaan Xueen Cadami oo isna halkaas ka hadlay, ayaa hambalyada uu haweenka u diray ka dib xukumada iyo xisbiyada qaranka ku canaantay in aanay fulin balanqaadyo ay haweenka hore ugu qabteen. “Madexda dalku xukumada iyo xisbiya-ba waxaay ku balan qaadeen in ay dumarka wax la qabtaan, laakiin balanqaadkaasi muu fulin, taasina waxay cadaynaysaa in aanay diyaar u ahayn in gacanta laaban kala furaan” ayuu yidhi.

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Md Jaamac Yaasiin Faarax oo isna halkaas kalamado kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin xuska maalinta haweenka aduunka taas oo uu sheegay in ay tahay maalinta kaliya ee haween weynaha aduunka loo asteeyey.

Munaasibadan oo ay ka hadleen shakhsiyaad muhiim ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyaradda Ciyaaraha Somaliland Md Maxamuud Siciid Muxumed, ayaa waxaa soo gabo-gabaysay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshadda, ayaa ugu horeyn hambalyo u dirtay haween waynaha Somaliland. Iyada oo tilmaamtay sida mar kasta wasaarada Qoysku diyaarka ugu tahay daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Xuska maalintan oo ay ka qayb-qaadanayeen kooxa muusigada ee ciidanka booliska ee Baamboyda loo yaqaano ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo la xidhiidha maalintan iyo heeso muujinaya muhiimada hooyadu leedahay.

Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland ka kooban yahay ayaa Wasaarada Qoysku ay ku soo bandhigtay munaasibadaha loogu dabaal-dagayo maalintan 8 March oo loo asteeyay in caalamka sanad walba maanta oo kale looga dabaal-dago.

Sidoo kale caawa ayaa Hoteelka Ambassador ay ka dhacaysaa xaflad loogu dabaal-dagayo maalinta Haweenka.

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.