Wasiir Warancadde oo Nidar ku maray in aanu Wajigiisa ku Shaqaalaysiin Wiil uu Adeer u Yahay

Hargeysa (APTEN)- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa dhaar ku maray in aanu waligii isaga oo xil haya wajigiisa ku wastayn (Shaqaalaysiin) wiil uu adeer ama ehel yihiin.
Wasiir Warancade oo waxa uu sheegay in waxa uu ifka ugu neceb yahay in la waydiiyaa ay tahay inuu qof ehelkiisa ahi waydiisto inuu u shaqaalaysiiyo ama wajigiisa shirkad shaqo ugu waydiiyo wiil ama gabadh ay ehel yihiin Wasiirka.
Wasiirku waxa uu sidaasi u sheegay Rawax masuuliyiin, wakiillo iyo hawl-wadeenada shirkada Xawaalada ee Qaran Express oo uu maanta shir la xidhiidha tayaynta iyo tababarida shaqaaluhu uga furmay Hoteelka Ampassador ee magaalada Hargeysa.
Waxaana uu uga digay masuuliyiinta Xawaaladan inay shaqaalaha ku qortaan hab qabyaaladaysan ama xigtonimo, isaga oo u soo jeediyay inay ka dheeraadaan nin jeclaysiga si ganacsigooga ay uga helaan faa’iido wax ku ool ah. “NInka ganacsatada ah ee umada ka ganacsadaa xoolaha gurigiisa kalamuu iman, bulshadaa uu ku dhex-dhaqan yahay ayuu ka soo saaraa. Marka ay timaado in dadka looga faa’iideeyo, haduu qoyskiisa ku koobo ama gurigiisa wiilkuu adeerka u yahay iyo kuu abtiga u yahay, dee noqon mayso shirkad Qaran ee waxay noqonaysaa mid qoys.” Ayuu yidhi Wasiir Warancade, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyay oo yidhi; “Anigu waxaan ahay Wasiir, waxanaan ahay dadka inta badan la waydiiyo shaqada dadka iigu dhaw dhaw waxay iigu yimaadaan waar nin odayabaad tahoo waxaad istaqanaan Dahabshiil u tagoo waxaad tidhaahdaa wiilkan iyo Gabadhan ii shaqalaysiiya kuma diidayaane, waa kelmadaan ugu necebahay aduunyada inaan maqlo waligay intaan xil hayay wiil aan wax u ahay meel kama shaqaalaysiin. Dadkaa ehelkaa ah waxaan ku idhaahdaa oo hadii kani wasiir leeyahay, kii shalay ay maqaaxida ku wada shaqada la’aayeen uu yidhaahdo goormaad shaqo gashay oo uu yidhaahdo adeerkay Warancadaa Wasiiro u shaqo geeyay sow kaasi maroora-dilaaci maayo hadaanu adeerkii Wasiir ahayn. Waxaan leeyahay cadaaladu shaqo la’aanta lafteeda ayay ku jirtaa. Intaan kaan adeerka u ahay soo kaxayn lahaa, ee kii aan wasiirka lahayni suuqa ku maroora-dilaaci lahaa, Ilaahay baa idinku dhaariyee waxaan idinka codsanaya 10% ehelkiina ka dhiga 90-ka kalena waad ka najixi doontaane bulshada kale ee aan awooda u helin.”
Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo lagu tilmaamo inay weji ku qaadato shaqaalaha dawlada ayaa ay noqonaysaa markii u horaysay ee uu masuul xil-wasaaradeed ka hayaa uu isla taag dhaar uu ku marayo inuu ka fog yahay shaqaalaysiinta ehelkiisa.
Geesta kale, Cali Maxamed Warancade ayaa lagu tilmaamaa wasiir ugu firfircoon dhinaca waxqabada ee ku jira xukuumada Somaliland. Isaga oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii Cigaal-Rayaale oo soo maray wasaaradaha Waxbarashada, Warfaafinta iyo Duulista Hawada oo uu hada Wasiir ka hayay.
APTEN MEDIA
HARGEYSA
SOMALILAND



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali