Xisbiga Kulmiye oo ku Baaqay in Loo Gurmado Deegaanada Roobabku Waxyeeleen
Hargeysa (Apten)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan in ay gurmad degedg ah u galaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha naf iyo maalba leh ee roobabku gaadhsiiyeen magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale.
Md. Axmed-Siilaanyo warsaxaafadeed uu shalay ka soo saaray xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu tacsi u diray dadweynaha magaalooyinkaas oo khasaaraha naf iyo maalba leh ka soo gaadheen roobab mahiigaan ah oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey guud ahaan gobollada dalka Somaliland.
Warsaxaafadeedka Guddoomiyaha KULMIYE oo faahfaahsanna, isla-markaana soo gaadhay xafiiska APTEN MEDIA ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Sidaynu wada ognahay waxa bilowday raxmaadkii roobka gu’ga, Ilaahayna aynu ugu shugri naqayno, maadaama uu innaga soo jabiyey abaartii baahsanayd ee guud ahaan ka jirtay Somaliland. Roobabkaasi waxay khasaaregaadhsiiyeen magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, waxaanay waxyeelleeyeen goobo kala duwan oo ku yaal magaalooyinkaas.
Haddaba, xisbiga KULMIYE waxa uu ka tacsiyadaynaya khasaaraha naf iyo maalba leh ee soo gaadhay magaalooyinka Wajaale iyo Berbera. Sidaa darteed, xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, dawladaha hoose iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah inay u gurmadaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha soo gaadhay magaalooyinkaas.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa, kuna talinayaana xukuumadda Somaliland inay qorshe habboon ka yeelato waxyeellooyinka sida caadiga ah roobabku gaadhsiiyaan magaalooyinka Somaliland, sida daadadka galay bakhaarrada Wajaale iyo Maxjarka Xoolaha ee Berbera.
Ugu dambayntii, waxaannu kula talinaynaa xukuumadda Somaliland in la sameeyo qorshe lagaga faa’iidaynayo biyaha roobabka ee sannad walba iyagoo qulqulaya badda toos u taga, dadweynahana waxaannu ku boorrinaynaa inay xoogga saaraan sidii ay u kordhin lahaayeen wax-soo-saarkooda dallagga beeraha, iyagoo ka faa’iidaysanaya roobabka. Bulshow aynu isku tashano, nimaan dhididini ma dhargee,” ayuu yidhi Guddoomiye Siilaanyo.
APTEN MEDIA
HARGEYSA OFFICE
SOMALILAND



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali