Xukuumadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Gaadiidka Gaadiid lagu haysto Puntland

March 1, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

question“Gaadiidka la haysto waxaanu kala hadalnay Wasiirka Arr. Gudaha Puntland, waxaanu yidhi..”
Wasiiru-dawlaha Arrimaha gudaha Somaliland

Hargeysa, 01 March, 2010 (APTEN)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horraysay ka hadashay Gaadiid laga leeyahay Somaliland oo afduub loogu haysto maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu sheegay inay arrintaa ay kala xidhiidheen Maamulkaas.

Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Somaliland Farxaan Jaamac Ismaaciil ayaa sheegay in qaar ka mid ah Gaadiid kala duwan oo lagu haysto Deegaano ka mid ah maamul-gobolleedka Puntland, kuwaas oo loo kala haysto ujeeddooyin kala duwan. “Gaadiidkaas la haystaa way jiraan, gaadiidkuna wuxuu ka mid ahaa Gaadiidkii qaaday Raashinkii WFP-da, waxaa markaa jirta gaadiidkaa la haystaa waa lix Gaadhi. Laba gaadhi waxa lagu hayaa Garoowe, afar gaadhina waxa loola gudbay baa la yidhi meel la yidhaa Garacad. Markaa labadan gaadhi ee Garoowe lagu haysto waxa jira kiis inan (Gaadh yar) oo gabadh Oromo ah iyo gabadh reer Garoowe ahi isku haystaan oo leeyihiin caddaalad-daraa lanagu sameeyey, sidaa darteed labadaa Gaadhi waxaa loo haystaa sidaa.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha oo shalay u waramay Telefishanka UNIVERSAL. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa waxaanu xidhiidh la samaynay Wasiirka Arrimaha guddaha Puntland si ay arrintaa wax uga qabtaan, markaa waxay naga ballan qaadeen inay afartan gaadhi ee ku maqan Garacad ay hawl-galkoodii ku jiraan oo ay wax ka soo qaban doonaan, labadana Garoowana ay wada hadal ka wadaan oo ay gacanta kula jiraan.”

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in 25 Gaadhi oo laga leeyahay Somaliland oo ay Maamul-gobolleedka Puntland ka soo ururiyeen deegaanno ka tirsan maamulkaas lagu soo wareejiyay Xukuumadda Somaliland. “Shan iyo labaatan Gaadhi xalay (habeen hore) ayey soo gudbiyeen oo ay soo galeen Somaliland, markaa ka Xukuumad ahaan arrinkaas sidaas ayaanu ku dhamaynay. Afarta Gaadhi ee kale siday sheegeen waxa loo haystaa qoladan Budhcad-badeedda ku xidhan Berbera, taasina waa mid qayrul-sharci ah, sababtoo ah nimankan Budhcadda ahi waxay ahaayeen niman ku soo xad-gudbay Baddeenii, sifo sharciyana ku xidhan.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu.

Farxaan Jaamac Ismaaciil waxa uu sheegay in arrinta Gaadiid lagu haysto deegaanka Garacad ee Maamul-gobolleedka Puntland ay kala hadleen Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland. “Wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland-na markaanu wada hadalnay wuxuu yidhi, taasi wax la aqbali karayo maaha, anaga waajibbaa naga saaran inaanu Baabuurta si kastoo oo ay noqoto soo celino.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa anaguna si aanu amniga u adkayno waxaa kale oo aanu samaynay Baabuur badan oo laga leeyahay Puntland, ayaa joogta Somaliland, sidaa darteed, si aan ay dadkii ay Gaadiidku ka maqnaayeen u samaynin tacaddi oo aanay iyana u dhicin Gaadiidkan, ayaanu amni ahaan u nidhi ha la geeyo Gaadiidkaas qaybta Booliska ee Burco oo aanu badankooda gaynay, halkanna (Hargeysa) way joogaan. Sidaa awgeed, si aanu u ilaalino amnigooda ayaanu mar wada kaxaynaynaa ama sidii kale ee loo kaxayn karayo.”

Dhinaca kale, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ka hadlay Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo dhawaan ku soo caariday Xeebta Gobolka Sanaag, kuwaas oo ay shalay Xukuumaddu shir ka yeelatay sidii laga yeeli lahaa. “Tahriibayaashaasi waxay ahaayeen dad Badda ku soo caariday oo waliba dhibaato badani ka soo gaadhay. Waa lix iyo konton qof, waxaanay intooda badani hal nin mooyane u dhasheen Itoobiya oo waa wada Oromo. Markaa Ceerigaabo ayey joogaan, markii ay soo caaryeenna waxa u gurmaday Gobolka Sanaag hadday maamulka gobolka tahay iyo hadday shacabka tahayba, Hay’adihiina halkan baa loogu yeedhay, dabadeedna wixii Cunto iyo Raashin gaadhsiin karayeen afar iyo toban cisho ayey gaadhsiiyeen, imikana waxa gacanta ku haysa Dawlada hoose ee Ceerigaabo oo Raashinkooda iyo arrimahaas sii wada Bisha Casina way la waddaa.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu. Waxaanu sheegay in ay shir ka yeesheen sida laga yeelayo, waxaanu yidhi, “Saaka (shalay) waxaanu qabanay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradaha arrimaha gudaha, dibu-dejinta, Arrimaha dibada, Caddaalada, Xuquuqal Insaanka iyo Socdaalka, waxaanu isla qaadanay in arrinkooda aanu muddo 21 cisho ah ku soo dhamayno.”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha guduhu wuxuu sheegay in aanay ku degdegayn in ay dadkan dib ugu celiyaan dalka Itoobiya, waxase uu sheegay inay marka hore dersayaan xaaladahooda dhabta ah, isla markaana ay Waraysiyo la yeelan doonaan.

Source: Wargeyska Ogaal

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.