Cabdilaahi Dhoodaan waa kuma by Cabdalle Xaaji

Waa qaybtii saddexaad ee Cabdillaahi Dhoodaan waa kuma?
Waxa qoray Cabdalla Xaaji Cismaan

MAR KALE WAAKII LAHAA

Muusalliina baa u Sheekh ahaa, waana Maafiyo e
Waa innagu maxaabsaday waase, tuug Majuusiya e
Mufsid iyo basaas buu ahaa, maakhadayn jiraye
Kol hadduu Masiixiigii la dilay, uba masayraayo
Mabda’uu masaafada u galay, muuji caawaba e
Madfac kula tegyaa iyo shacbiga, lays ku madhiyaaba
Inkastoo miyi iyo magaalaba,badiyey maydkooda
Makhnuudka makhluuq badan ka dhigay, muu’dal Kiristaana
Wuxuu saaka marayaa inuu,maydho diintaba e
Quraankana haddaynaan mintidin, wuu masaxayaaye
Mashqac buu hortii nagu dayiyo,madaqsi xeeleede
Maqadhooyinkuu xidhay siduu, noo mashquulinayey
Hadba wuxuu miiq nagu hubsado, oo mus noo galaba
Iyo wuxuu malluugada rogoo, xadhig maleegaaba
Ayaamahanba waa ka is mutaxay,Ina Makaaryoose

Soomaaliyo Marreexaan kolkii, aad isu miisaanto
Meel madhan inay noqonayaan, kama murmaysaane
Maryihii guduudnaa kuwii, madaxa loo saaray
Muftiyaashii iiddana la dhacay, mootiuiyo baaska
Ee boqol Masiixigii u dilaan, murugsan doonaaye
Mashaqada intaa le’eg hadduu, falay Marreexaanku
Malcuunkii Habaar biiray bay, midigta saareene
Maroorkiyo xumaatooyinkii, uu macaamilayey
Dadna waa ka wada maagtay ways, kala muquurteene
Wuxuuse u hormuudaaba waa, moolki geerida e
Oo malakumawdkiinnii baad, malabsanayseene
Mar dhaw waxaan filaaba kuwaa, dawladda is mooday
Inay magacyadoodii dafiri, amay mamnuucaane
Amay niman Marreexaan ahaa, ay Midgaan qirane
Maslax iyo midhaa Xoosh kibroo, laba madqaal sheegtay
Kolla mudashaday kaa aqbali, maanka yey geline

Bishii Janaweri 1991kii markii ay dhacday dawladdii Soomaaliya ee uu madaxa ka ahaa M. Siyaad Barre waxa sii xumaaday dagaalladii sokeeye ee dalka ka socday. Xilligaa waxa dagaalladii ka qaxay dad lagu qiyaasay boqollaal kun oo qof oo u tallaabay dhinaca xuduudda Keenya.Haddaba Cabdillaahi Dhoodan qaxootigaa xadka ka gudbay buu ka mid ahaa.Inta sannadood ee uu qaxootiga ku ahaa dalka Keenya cid noo sheegta ma arag, waxase rag xog ogaal ah warkoodana lagu kalsoonaan karo ii sheegeen inuu muddo ka dib uu Xamar ku soo noqday,dabadeedna uu uga soo gudbay dhulka deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu haatan deggan yahay gaar ahaa magaalada Diridhaba. Sannadkii 2005tii ayuu Cabdillaahi Dhoodaan safar iskii ah ku tegey magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland. Intii uu socdaalka ku joogay magaalada Hargeysa waxa ogaaday niman aqoonyahaanno ah oo ka tirsan madaxna ka ah akaadaamiyaha nabadda iyo horowmarka ee Soomaaliland. Nimankaa waxa ka mid ahaa Dr.Bulxan oo xilligaa guddoomiye ka ahaa hay’ddaa iyo Boobe Yuusuf Ducaale oo qoraa ah kana tirsan madaxda sare ee akadaamiga. Akaadaamiyaha nabadda iyo horowmarka ee Soomaaliland oo isagu dawladda ka madax bannaan, hawlaha uu u xilsaaran yahay waxa ka mid ah nabadaynta dalka, dhexdhexaadinta wixii khilaaf soo dhex gala beelaha, dawladda iyo asxaabta siyaasadda ee dalka. Hawlaha kale ee akaadaamigu qabto waxa ka mid ah ilaalinta deegaanka iyo ururinta, kaydinta iyo ilaalinta dhaqanka, suugaanta iyo xeerarka ay ummadda Soomaalidu leedahay. Haddaba isagoo akaadaamigu waajibaadkiisa gudanaya ayuu Abwaan Dhoodaan ku casumay una goleeyey mid ka mid ah hudheellada Hargeysa si ay uga duubaan amma ay uga reebaan wixii uu ka hayo taariikhda, dhaqanka iyo xeersankii Soomaalida. Waxa kale oo xafladdaa lagu casumay dhallinyaro, abwaanno iyo aqoonyahaan bulshada dhexdeeda magac ku leh. Caajaladii laga duubay oo uu koobbi I soo gaadhsiiyey saaxiibkay Boobe Yuusuy Ducaale, raggii madashaa ka muuqday waxa ka mid ahaa Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne) oo ah aqooyahaan, abwaan Gaarriye, Muuse Cali (Faruur) iyo dhallinyaro fara badan oo reer Hargeysa ah

Ugu horreyn waxa hadallo kooban oo soo dhawayn iyo xogwarran ah ku furay Dr. Bulxan, waxa uga dambeeyey Boobe Yuusuf Ducaale oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey kulankaa la iskugu yimid.Intaas ka dib Boobe waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Abwaan Dhoodaan. Dhoodaan waxa uu hadalka ku bilaabay salaan iyo mahadnaq uu u soo jeediyey dadkii golaha joogay iyo dhammaan shacabka reer Soomaaliland. Salaan ka dib waxa uu yidhi, wax cuqdad ah oo aan ka qabay amma aan u qabay amma reer Hargeysiyo Soomaaliland ii qabeen ma jirin, sharaf baan isku arki jirray,sharaf baannu ku kala tagnay,sharaf baannu ku kala maqnayn, sharaf baanan ku imaan jiray. Wuxuu ammaan u soo jeediyey nabadda wanaagsan iyo dimuqraadiyadda ay kasbadeen dadka reer Soomaaliland. Durba sidaa u booddeen Afrikaanku boqol sano oo dambe ma gaadhi baa ka mid ahaa hadalladii uu Dhoodaan fagaarahaa kaga dhawaaqay. Intaas ka dib wuxuu carrabka ku dhuftay inuu ka mid ahaa dadkii reer Hargeysa ku caayi jiray dharqanyooyin,isagoo aan faahfaahin macnaha uu ula jeeday. Waxaan u malaynayaa in dadku iga sugayaan gabaygii
la igu bartay, gabaygana waxa iigu dambaysay markii uu ninkii odayga ahaa ee dalka haystay uu dhacay buu yidhi. Dabadeed wuxuu halkaa ka tiriyey gabay culus oo murti,maahmaah iyo araar miidhan ahaa oo dadkii goobtaa joogay aad iyo aad u soo jiitay,hase ahaatee abwaanku muu sheegin milaygii uu tiriyey iyo sababtii uu gabaygu ku soo baxay midna, dadkii dhageysanayey qofna su’aashaa ma weydiin abwaanka, suugaantuna waxay ku fiican tahay oo ay dhadhan iyo macno yeelataa marka la ogyahay goortii, goobtii iyo sababtii ay ku curatay.Gabayadii jacburka ee uu caanka ku ahaana qaar buu halkaa ka tiriyey.

Gabaygadaa ka dib waxa hadalka qaatay abwaan Gaarriye oo halkaa ka soo jeediyey cashar heer sare ah oo ku saabsanaa hummaagga maansada Soomaaliyeed oo runtii anigu faa’iido badan aan ka helay. Mar kale ayaa Dhoodaan lagu soo dhaweeyey inuu hadalka sii wato. Qof dhallinyaradii madasha fadhiday ka mid ah baa abwaanka weydiintan u soo jeediyey. Adiga iyo ninkii Siyaad Barre maxaad ku collowdeen? Wuxuu ku jawaabay, 1964kii aniga iyo rag kale oo
ciidankii xoogga dalka aannu ka wada tirsanayn oo xilligaa joogna tuulada xadka ku taal ee Ina-Guuxa ayaa waxa noo sheekeeyey niman askartii hore ka mid ahaa ee la odhan jiray Cali-tubaako, nimankaasu waxay noo sheegeen inay mar askarta wada galeen, waxa Siyaad Barre askarta qoray bay yidhaahdeen, nin walaashii qabi jiray oo la dhihi jiray Digaastiro( waa sida uu magaca ugu dhawaaqay) oo waliba laba alifle ku qoray markii dambana askartii Ingiriika ayuu galay. Talyaanigii makuu soo noqdayna uu ku soo wareegay mar labaad. Xilligaa annu Ina-Guuxaa joognay bustayaal kuwii dhaxanta ah oo Janaraal Daa’uud noo soo dirayna inuu Baladweyne ku iibsadaa la sheegay. Nimankaa Cali-tubaako waxa kale oo ay noo sheegeen, sannadihii kontonnadii dadka xorriyaddoonka ah marka la soo xidho in loo geyn jiray Siyaad Barre oo uu jidh-dil ku samayn jiray, siyaabaha uu ula dhaqmayey waxa ka mid ahaa, intuu xiniinyaha maro kaga xidho ayuu weliba ka qaniini jiray. Dhoodaan isagoon ka jawaabin su’aashii laweydiiyey ayuu halkaa ku dhaafay.Intaa dabadeedwuxuu Dhoodaan ka sheekeeyey qodobbo badan oo ka mid ah xeersanka Soomaalida. Xeersanka ayaa habeenkaa ahaa aqoonta u badan ee laga korodhsaday.Intaa waxa uu ku daray taariikhda Soomaalida oo uu wax ka soo qaatay, wuxu yidhi kumanyaal sannadood ayaan ka soo sheekayn lahaa haddii wakhti iyo cid qorta loo hayo, waxa uu ku bilaabay isagoo taariikhda Soomaalida wax ka tilmaamaya,Carra Edeg baa la inna dhihi jiray
oo dawlad baan ahayn 1500 ilaa 2000 oo sannadood ka hor oo xeer Soomaaligaan ku dhaqmi jirnay. Cadawgii innagu soo duulay ee Yurub waxa abbaanduule u ahayd Arraweelo oo Boortaqiis ahayd iyo Dhegdheer oo Ingiriis ahayd, intaa waxa uu raaciyey boqortooyadii Amxaarad ayaa waagaa innoo soo gurmatay oo duullaankaa Yurub innaga badbaadisay. Abwaanku taariikhdaa uu ka soo sheekeeyey wax la taaban karo oo caddayn ah marnaba muu soo bandhigin. Haddaba qofkii caqligiisa la kaashada ee raadraacna ku dara waxa u soo baxaya in taariikhdaa uu abwaanku badka soo dhigay ay
tahay khuraafaad.Intii aan daawanayey caajaladda waxan sugayey inay dadkii madasha joogay weydiiyaan abwaanka caddaymo ah halka uu ka keenay taariikhdan dhagaheenna ku cusub,waxa kale oo aan sugayey in la weydiiyo gabayadiisii hore,kuwiisii dhexe iyo kuwii dambe ee iska wada hor imanayey nasiibdarrose may dhicin. Taas waxaan u qaatay inay reer Hargeysa is yidhaahdeen martida haka nixinnina, ku darsoo weliba waxay siiyeen sooryo iyo ambabax wanaagsan, waa gobnimo iyo xeerkii Soomaalida lagu yaaqaan. Midhse yaan la illaawin, qofkii magac ku leh bulshada
dhexdeeda sida abwaannada Soomaaliyeed ee uu Dhoodaan ka midka yahay waa lama huraan in su’aalo laga weydiiyo gabayadooda, taariikhdooda iyo wixii ficil ay ku kacaan gef amma sax midkuu doono ha ahaadee iyo in weliba maqaallo iyo buugaagba laga qoro.Ugu dambayn waxaan maqaalkan ku soo xidhi isla cinwaankii aan ku bilaabay ee ahaa;
Cabdillaahi Dhoodaan waa kuma?

Cabdalla_xaaj@yahoo.fr