Aftahan Press » Book

Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
Buug dhowaan ku soo biiray maktabadda afsoomaaliga. Waxa qoray wiil dhallinyaro ah, waa Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Wuxu ku xasuusinayaa noloshii dhallinyaronimo iyo xiisaha ay leedahay.  Wuxus si gaar ah ii xasuusiyey xilli aniga iyo dhallinyaro badan oo sheeko qorayaal ahi aannu ku hawllanayn qoraalka sheekooyin gaagaaban iyo kuwa taxane ah oo salka ku hayey jacaylka iyo xidhiidhka lammaanaha.

Waagaasi mindhaa taasi waxay ahayd waxa keliya ee la oggolyahay in wax laga qoro. Buuggan akhriskiisu waqti badan iguma qaadan, qofka maanta dhallinyarada ahna waqti ka sii yar buu ku qaadanayaa, weliba kama fursanayso in mar in ka badan dib loogu celiyo akhriskiisa. Taas waxa ugu wacan xiisaha uu ku gelinayo habqoraalkiisa iyo hannaanka sheekadu u dhisan tahay.

Waa buug ka hadlaya jacayl. Jacaylkuna markuu yahay ka dhabta ah ee ujeeddadiisu tahay guur iyo yagleel qoys, ma aha wax laga boodo. In qalad laga fahmo oo waddo qalloocan lala maro uun baa daran. Ereyada buuggu ku qoranyahay kalama kulmaysid xanaf iyo wax dhaqanku diido.  Buugga akhriskiisa waxan ka bilaabay bogga jaldiga sare ka hooseeya waxanan ku gebagebeeyey  jaldiga dambe ee  sawirka  qoraaga iyo ereyada buugga laga yidhi ku yaallaan.

Berigaas aannu buugaagta sheekooyinka ah qori jirnay oo malahayga labaatan gu’ ka soo wareegeen (sidaa uma wayniye) ayey dadku uga akhris badnaayeen buugaagta sida la yahay maanta oo aqoontii dunidu furfurantahay, qofka aan wax akhriyinna ka qatan yahay dhadhanka nolosha.

Qoraaga, MuuseMaxamuud Ciise (Dalmar) waxan leeyahay hambalyo, waa bilow wanaagsan, dadaalka halkaa ka sii wad. Innagana, haddaynu nahay akhristayaasha, waxa innala gudboon iibsiga iyo akhriska buuggan. Inaynu iibsanno oo akhrinno buugaagta Af Soomaaliga ku qoran waa u taageero afkeenna iyo dhaqankeenna sii lumaya, waana u dhiirrigelin qoraaga waqtigiisa iyo dadaalkiisa u huray wax ku soo biirinta dadkiisa.

Xasan C Madar

nabaadiino@yahoo.com

Ladaneey Magazine

Adiguna bal nooga sheekee buugii kuugu dambeeyay ee aad akhrisay!

HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
HAL AAN TEBAYEY:

Baal-taariikheedkii iyo Suugaantii

Xaaji-Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc).

Hal Aan Tebayey ( The One I Yearned For Most)  waxa uu ka kooban yahay afar qaybood oo xidhiidhsan iyo lifaaqyo ku taxmaya.

Qaybta koowaad waxa ay ka hadlaysaa Xaajiga iyo noloshiisii carruurnimo, hanaqaadkiisii iyo noloshiisii qurbaha; mar libaax qawlallada ku lalansado oo habeen qoyskooda ka dhex qaato, mar loox badda ka soo caaryey la sabbeeyo oo moolka badda caano-maallo kula dibjiro, mar niman shisheeye ah oo doonyo wataa qabsadaan oo kaxaystaan oo sannad badhkii la maqnaadaan, iyada oo qoyskiisu aanu u hayn war iyo wacaal halka uu inankoodii ku dambeeyey, wax laga samro oo raq iyo ruux la waayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, mar doonniyi badda kula halliganto, wax uu kolba markab khankiisa hoose ku dhuunto oo waddan kale laga soo qabto oo dib loo masaafuriyo, mar shufto meel u gasho oo dagaal gondihiisa ka dhasho, wax kolba la xidho oo dil lagu xukumo iyo wax uu bado iyo dhulal u kala goosho oo aqoon, magac, maskab iyo maal gacantiisa ku taabo ilaa uu isaga oo toddobaatanka is daba mariyey waddankiisa ku soo laabanayo, kana bilaabayo gayllankiisii gobannimo-doonka ahaa.

Qaybta labaad ee buuggu waxa ay ka xog bixinaysaa halgankaas xornimo raadinta iyo gabayadii Xaajiga ee dareenka kulul ee waddannimo, aqoonta dheer iyo waaya-aragnimada ka soo jeedda ilbaxnimooyinka badan huwanaa.

Qaybta saddexaadna waxa ay ku saabsan tahay waayihii gobannimada la qaatay iyo dawladihii rayadka ama sibilka ahaa ee talada u kala dambeeyey sagaalkii sannadood ee gobannimada ka dib. Waxa qaybtan loogu tegayaa suugaan halis ah oo duruufihii xilligaas ka curatay, badankeeduna la jaanqaadayso waayahan haddeerto la joogo oo aad moodaysid in iminka la tirinayo.

Qaybta afraadna waa xilligii kacaannimada dawladdii ciidamadu hoggaaminayeen ee Maxamed Siyaad Barre horjoogaha u ahaa. Waxa dabadeed raacaya lifaaq sawireed ku saabsan qayb ka mid ah tafiirtii Xaaji Aadan Axmed (Af-qallooc). Lixdan maanso oo Xaaji Aadan Af-qallooc leeyahay oo intooda badani dhammaystiran yihiin ayaa buuggu koobayaa. Gabay kasta waxa ka horreeya hordhac ku saabsan ujeeddada nuxurkiisa, munaasibaddii uu ka curtay iyo goortii uu gabaygu soo baxay.

Qoraaga buuggan la magac baxay Hal Aan Tebayey ee Baal-taariikheedka iyo Gabayadii abwaankii qayuurka ahaa Alle ha u naxariisto’e Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qalloc), waxa uu hore u soo saaray labada buug ee kala ah: Hal Ka Haleel oo laga qoray Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa iyo Guri Waa Haween oo ka xog warramaya Kartida Haweenka Soomaalida.

In laga yidhi Xaaji-Aadan (Af-qallooc), Maansadiisa iyo Buuggiisan.

Shakhsiyadda, Alle ha u naxariistee, Xaaji Aadan Axmed Xasan, waxaa laga baran karaa maansadiisa iyo taariikh-nololeedkiisa. Runtii waa shakhsiyad gooni ah oo la yaab leh.  Waxaynu maansadiisa ugu tegaynaa waddan jacayl, qiiro iyo ficilo dareen kulul oo Soomaalinnimo ah leh, han iyo hirasho mustaqbal gobannimo Soomaaliyeed ah, hal-adayg iyo geesinnimo mabda’  ku dhisan; aqoon, cilmi iyo waayo-aragnimo dheeraad ah oo aan badiba faciis kula mid ahayn.

Waxa uu lahaa naf lahasho badan iyo caqli meel fog iyo wax meel ku maqan daba taagan oo wax kasta oo uu ka haleelo iyo heer kasta oo uu ka gaadho, marna ba aan gunteeda soo taabanaynin ka na haqab-beeleynin. Marka uu hir ka gaadhoba mid kale ayaa u sii muuqda, markaas ayuu halkii uu joogay ka sii hiyi-kacaa oo socod u xidh-xidhaa.

Waxaa uu daba socday aqoon, waayo-aragnimo iyo cilmi oo intuba ah wax aan guntooda la gaadhin. Haddii marar badan dhul shisheeye lagu xidhay ama dhac iyo dagaallo ku qabsadeen ama dil qudh-gooyo ah loo soo taagay, marar kale na wanaag buu haleelay oo maal, mansab iyo magac ba wuu gaadhay; ha yeeshee mid walba wuu ka dhaqaaqay oo wixii mar walba riixayey baa ka diray. Sannado aad u badan ayuu tii uu haleelo ba ka kordhi oo tu kale na ku sii dar lahaa, ilaa ay da’i ka daba timid.

Halgan dheer oo ilaa saddex toban-guuro soconayey wuxuu inagu dhaxalsiiyey oo uu- Alle ha u raxmadee-  inooga tegey murti aan gaboobayn.  Maxamed Baashe Xaaji Xasan, waajib ina wada saarraa buu inaga rogay, markii uu hawsha diiwaanka maansada Xaaji Aadan doortay in uu soo saaro. La’aantii suugaantaasi lumid bay ku dambayn lahayd.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi X. Axmed (Gadhweyne).
Xeel-dheere Cilmi-baadha Arrimaha Dhaqanka, Afka iyo Suugaanta Soomaalida,
Sheffield, Aug. 2008.

Waxa aan ka mid ahay inta qiraysa ee aqoonsan in Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc) ahaa halyey aan gabyaa qudha ahayn, hase yeeshee waddani waxgarada ahaa. Waxa uu aaminsanaa ayaa taariikhdiisa iyo suugaantiisaba wax ka dhigaysa, isagana nooli iyo jiscin u noqonaysa.

Suugaanta Xaaji Aadan waxa ay ka mid tahay suugaanta hiddaha ee dadka ka wada dhaxaysa ee aan loo eegi karin, shuqulkana ku lahayn reero iyo gobollo toona. Waa suugaan uu qof kastaa aqbali karo. Qof kastaa manaafacaadsan karo, qof kastaana wax ka korodhsan karo. Gabyaaga sifadaas leh iyo qof kasta oo dhaxal san ka tagaaba, marka uu geeriyoodo waxa uu xaq u leeyahay in la qiimeeyo oo xurmadiisa la siiyo. Qofnimadiisii, wixii uu aaminsanaa iyo wax soo saarkiisii buu ka tegey oo yaalla oo ammaano ku ah inta nool, xilna ka saaran yahay ilaalinteeda iyo dayactirkeeda.

Suugaanta Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc) waxa ay la noolaanaysaa ‘wiilka wiilkiis’ inta dunida guudkeeda lagu dhaqan yahay, isna (Xaajiguna) waxa uu noqonayaa qof la hadal hayo oo quluubta dadka ku jira oo jiil kasta la noolaada. Waayo waxa uu ka tegey ee dadka dhex yaalla ayaa noqonaya wax lagu xasuusto iyo wax lagu xushmeeyo labadaba.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

London, Jan. 2008.

Xaaji Aadan Axmed (Af-qallooc) wuxu ahaa “jaadgooni” bini aadamka dhif iyo naadir lagu arko. Waxa uu ahaa nin cimriga, caqliga, carrabka iyo caafimaadkaba barako iyo hoodo Alle u geliyey. Isaga oo 80-ka ah ama dhaafay oo jooga gedaha uu dadku ku talaxgabo, ayuu bilaabay dardar iyo olole hor leh oo gobannimo u dirir ah oo 30-jirka ku adag inuu u badheedho. Isaga oo 100-jir ah ama dhaafay (waa da’da maskaxda irmaani dhaqayo noqoto ama gudhoba), ayuu soo daayey durdurro murti iyo ilhaam ah oo aad mooddo qaarkood waxyaabo maanta taagan inay ka hadlayaan.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Nimaan dhul marini dhaaya la’”. Xaaji Aadan, Alle ha u naxariisto’e, dhul keliya  ma marin ee wuxuu maray dhulal – Qoorriyada Maarseey ilaa iyo Qubanaha Jasiiradaha Indonesia. Waxa uu ka kasbay dhaayo waaya-aragnimo oo ka dhex iftiimaya murtida gabay iyo maansada dhaxal galka ah ee uu uga tegey intii Af-soomaali ku hadasha ee ku dhaadata.

Qoraaga Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo wax soo saarka qalinkiisu aanu inagu cusbayn, wuxuu mar kale muujiyey karti iyo xilqaad lagu bogaadiyo iyo inuu leeyahay awood qoraagu aanu ka maarmin oo ah adkaysanka iyo u dhabaradayga xilka qoraalka. Waa in nafta geed lagu xidhaa, waana mid uu Maxamed Baashe markan iyo marar horeba sameeyey.

Maxamuud Sheekh-Axmed Dalmar
Taariikhyahan, Suxufi Ruugcaddaa ah,

London, Aug.  2008.

“Buuggani wuxuu dhidibada u taagay dhaxalkii uu inooga tegey Xaaji Aadan Axmed (Af-qallooc), waana diiwaan la nool, lana noolaan doona dhacdooyin nolosheenna raad ku leh”

Naadiga Akhristayaasha Hargeysa,
Akhristayaasha Maanta; Qorayaashii Berrito
Hargeysa, Aug. 2008.