Aftahan Press » Editorials

Idaacadda BBCda oo Waraysi Xiiso Badan ka qaaday Suldaan Jaama
Idaacadda BBCda oo waraysi xiiso badan ka qaadday  qoraaga da’da yar ee halabuurka ah Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) oo ka tirsan bahda Wargeyska The Enterprise iyo Aftahan Press. Yoonis Cali Nuur ayaa Suldaan ka waraystay waxqabadkiisa, halabuurnimadiisa iyo weliba Wargeyska The Enterprise, oo uu hadda gacanta ku hayo, waxna ku soo qoro; Su’aashii ugu weyneydna Suldaan wuu ka aamusay inuu ka jawaabo; Maxayse ku saabsanayd? Waraysi aad u xiiso badan Halkan ka dhegeyso.

Halkan ka dhegeyso Waraysigaas

<object classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" width="300" height="27" id="ssg_gplayer_object-0">
<param name="movie" value="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl= http://www.aftahan.com/dhegeyso/bbcsuldaan.mp3" />

<object type="application/x-shockwave-flash" data="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl= http://www.aftahan.com/dhegeyso/bbcsuldaan.mp3" width="300" height="27">

</object>

</object>

<object classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" width="300" height="27" id="ssg_gplayer_object-1">
<param name="movie" value="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/dhegeyso/bbcsuldaan.mp3" />

<object type="application/x-shockwave-flash" data="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/dhegeyso/bbcsuldaan.mp3" width="300" height="27">

</object>

</object>

Waxqabadka Suldaan oo kooban:

2001. Wuxuu asaasay aftahan.com / aftahan.org– website lagu kaydiyo dhaqanka , afka  iyo suugaanta soomaalida.

2002. Wuxuu tabaruc kula shaqeeyey Idaacaddii Radio Sahan oo Satelliteka ka soo geli jirtay.

2003. Wuxuu ka mid noqday Ururkii Nomad ee xafladda 18 May ee Somaliland qaban jirey, tabarucna ka geystay Jaamacadda Hargeysa, Cusbitaalka Hargeysa, Cusbitaalka Burco iyo Cusbitaalka Ceerigaabo.

2004. Wuxuu ka qayb muhiim ah ka qaatay faafinta wararkii ku saabsanaa Socdaalkii dheeraa ee Nabaddaynta ee Hadraawi.

2004. Wuxuu ka mid ahaa halabuurro toban ahaa Hadraawi suugaantooda ka qadimay Oxford House, si toos ahna BBCda looga dhegeysanayey

2004. Wuxuu wax-ka-tafatiray buugga Hal Ka Haleel ee Maxamed Baashe ka qoray abwaan Hadraawi;

2004. Wuxuu qayb-libaax ka qaatay, dhisitaankii Jaamacadda Burco oo uu websitekana u sameeyey.

2005. Wuxuu xubin ka noqday ururka Somaliland Society in Europe

2005. Wuxuu qayb firfircoon ka qaatay Somali Week oo lagu qaban jiray Oxford House sanadihii 2005, 2006, 2007.

2005. Wuxuu qoray buugga NABADSHE oo ka qoray Abwaan Yuusuf-Shaacir oo ay saaxiibbo yihiin

2005. Wuxuu sameeyey Ururka Aftahan oo qabtay kulamo suugaaneedyo, doodcilmiyeedyo iyo tartan dhaqameedyo afka iyo suugaanta ku saabsan.

2006. Wuxuu ka mid ahaa guddidii qaadhaan ururinta ee Biriishka Burco ee UK oo bil iyo labaatan cisho gudahood ku ururiyey $90,000 oo dollar

2007. Wuxuu wax ka asaasay ururka TAF oo dhisay Cusbitaalka dhimirka ee Maandhaye oo ku kacay $75,000 dollar.

2007. Wuxuu isaga iyo Dr Martin Orwin iyo Maxamed Alto wax-ka-wada qoreen Buugga Hagarlaawe oo ay ku ururiyeen Suugaantii Abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye.

2008.Wuxuu kaloo ka qayb qaatay dhismaha iskuul Boarding ah oo ka socda degmada Qoryaale.

2009. Wuxuu soo qori jirey, welina qoraa qoraal taxane ah oo la magacbaxay Xusuusqor: Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland

2010. Wuxuu aftahan.com ku kordhiyey qayb warar ah, wuxuna tafatire ka yahay Wargeyska The Enterprise.

Wuxuu gacanta ku hayaa laba buug oo cusub – Silsiladdii Siinleyda, kan kalena yahay hees-cayaareeddii dhex martay Hurre Walanwal iyo Canbaro Nuux.

Dhegeyso -Maansada Awaal-tiris – Hadraawi
Hargeisa (APTEN) – Maansadan Awaal-Tiris, waxa curiyay Abwaanka caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday 13/09/09. Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca ku xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo kaalintii uu nolosha ku lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si ba’an u dhaliilayaa.

Obocda Maansada, waxa uu Abwaanku ku xusayaa sheeko naxdin badan. Gabadh ayaa ninkeedii ku mashquulayaa aafada Qaadka, kagana jeedsanaya masuuliyaddii ubadka iyo noloshaba ka saarnayd. Si carruurtu u hesho quutal-daruurigoodii, ayay gabadhu bacadka u ban-baxaysaa, iyada oo Qaadka laftiisa ka ganacsanaysa. Af-xumo, guhaad, amaah iyo qaylo ayay intaba u dhabar-adaygaysaa. Maalinta dambe ayaa aabbihii qoyska ee caqaarta ku ruugayay ‘Albaabbada kheyrku seegay’, waa sida Abwaanku leeyahay’e, ayaa muddo Toddobaad ah ka maqnaanaya gurigiisii. Isagu waxa dabadii guriga ka dhacay war uma hayo’e, iyada oo loo fadhiyo Tacsidii inantiisii curad ee Ugaaso ayuu soo galayaa. Qaad ayuu kilaankillada ku haystaa, waxaana u daran meel uu fadhiisto iyo shaah/biyo. Si ay intaas ugu fuliso inantiisii curad ee Ugaaso, ayuu odhanayaa “Ugaasooy…Ugaasooy.” Ugaasada uu la hadlayaaba miyaanay dorraad dhiman oo inta kafan loo amaahday axan loo yaboohin. Yaab! Halkaas ayay hooyadu dhawaaqeeda ka bilaabaysaa.

Gebagebada Maansadana, waxa uu Abwaanku kaga warramayaa sida Odaygii iyo Waayeelkii ummaddu u ab-guuray ee uu u noqday mid iimaankiisa xaraasha. Sidoo kale waxa uu si weyn u naqdiyayaa siyaasadda awaalkan jirta oo u ku tilmaamayo mid aan aabbo lahayn, ku-daalkeeduna aanuu macno buuran samaynayn.

Iyada ayaa Maansadu is fasiraysa ee aan idiin kala baxo:

Awaaltiris

<object classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" width="300" height="27" id="ssg_gplayer_object-0">
<param name="movie" value="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://aftahan.com/dhegeyso/awaaltiris.mp3" />

<object type="application/x-shockwave-flash" data="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://aftahan.com/dhegeyso/awaaltiris.mp3" width="300" height="27">

</object>

</object>

1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,

2. Ka soo baxa iilka Qaadka,

3. Adduunka ragoow mar kaalay,

4. Abuurtiyo heega daawo,

5. Awoodaha saaran daawo,

6. Falaadkiyo alabbadeeda,

7. Ilaah samihiisa daawo,

8. Udbaha iyo teedka daawo,

9. Aloolka ku jeeran daawo,

10. Hagoogta aslaysa daawo,

11. Cadceedda ifaysa daawo,

12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,

13. Abaabul-caddaanta daawo,

14. Ummuuraha toosay daawo,

15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa,

16. Aashaa socodkiisa daawo,

17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,

18. Rugaa afo-gaalladiisa,

19. Laxaa iyo ururka daawo,

20. Aleelaha guudka daawo,

21. Habeenka amuuman daawo,

22. Shareerkiyo aqalladiisa,

23. Haddana ashqaraarradiisa,

24. Ardaayada gogosha taalla,

25. Ammuuraha seexday daawo,

26. Haddaanu arbeebigeedu,

27. Ku barin abtirsiimadeeda,

28. Inbiig ku dhex joogi maysid;

29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,

30. Irdaha noloshaad ahayd’e,

31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,

32. Ragoow indho-beelistaada,

33. Asaayo maxaa ka beermay!

34. Halkaad ku lahayd astaanta,

35. Maxaa umal soo fadhiistay,

36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,

37. Naftaada markaad illowday,

38. Bal soo tiri aafadaada,

39. Wixii lumay aynabkaaga,

40. Bal daawo inkaarahaaga!

41. Unuunka dhirtaad ka goysay,

42. Aahdeeda bal soo dhegayso,

43. Hashii iyo awrka geela,

44. Abaaludda loo dareershay,

45. Ureenkiyo tiinka daawo,

46. Rasaasta alwaysa daawo,

47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,

48. Areerinka meydka daawo,

49. Islaan curadkeeda weyday,

50. Asayda la saaray daawo;

51. Habliyo ubixii dalkeenna,

52. Markay Ingiriis u xiistay,

53. Markii Inglan looga yeedhay,

54. Wedkay ku aroortay daawo;

55. Uneexada gabanka xoortay,

56. Abaydinka dooxa yaalla,

57. Abkiisa la sheegi waayay,

58. Aboodigu boobay daawo;

59. Addoonka addoonka maagay,

60. Ku yidhi isku Aadan miihin,

61. Gabooye agtiisa yaalla,

62. Walaalnimadii ka ootay,

63. Aayaadkiyo diinta qeexan,

64. Sidaas kaaga aayo beelay,

65. Halkuu illin mooday daawo;

66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,

67. Daruuraha alabaskooda,

68. Cuslayn jiray alalagtiisa,

69. Bal daawada uummigiisa;

70. Dhulkii ubixiyo caleenta,

71. Ugbaadkiyo doogga laaca,

72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,

73. Awaaraha jiifa daawo;

74. Basaastiyo oonka daawo,

75. Geyiga umal-toobankiisa,

76. Ayaayurantiisa daawo,

77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,

78. Waxay af-dhabaandhab keentay!

79. Garaadka abloobay daawo,

80. Adduunyadu baadi maaha,

81. Mudkeediyo bulad ammaanka,

82. Afkii cunay quusan waaye,

83. Hadduu laba-aabudh saaray,

84. Hadduu ugubkeeda leefay,

85. Muxuu ka dhex joogi uuska.

86. Ugaasadu meeday? hee dhe,

87. Dorraato miyaan la aasin,

88. Miyaan kafan loo amaahan,

89. Miyaan axan loo yaboohin,

90. Markii araggaa la waayay,

91. Miyaan jinku qaylo oogsan,

92. Miyaan insigii gadoodin,

93. Miyaan ollogeenu yaabin!

94. Ishaaro san kaama hayno,

95. Shidaad naga oollin maysid,

96. Ogaal nagu caymin maysid,

97. Itaal nagu xoojin maysid,

98. Qudhaanjo afuufi maysid,

99. Dalool naga awdi maysid,

100. Xashiish nala ururin maysid,

101. Aqool nala seesi maysid,

102. Aqoon nagu biirin maysid,

103. Xilkaagana oofin maysid,

104. Afkaagana dhawri maysid,

105. Sidii gabadhii Ayaan’e,

106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,

107. Abwaannimo sheegan maysid,

108. Aroor qudha toosi maysid,

109. Dhiggaagiyo aynigaaga,

110. Adduunka la qaybsan maysid,

111. Iskaaba xusuusan maysid,

112. Wixii Rabbi kuu abuuray!

113. Intaydu ku deeqi mayso,

114. Intaada ku biirin maysid,

115. Hantida arladoo dhan taalla,

116. Haddaad irbad nooga keento,

117. Ducaa ku asqayn lahayd’e,

118. Inkaar naga waayi maysid;

119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,

120. Anfaaciga aad cunayso,

121. Ilaaqda raggaan ku keenay,

122. Waxaan u adkaystay maagis,

123. Amaah iyo qaylo joogta,

124. Uurkayga waxaan ku haysto,

125. Afkayga ka sheegi maayo,

126. Asluubtana qoomi maayo,

127. Awaashiyo waayahayga,

128. Ka daalaco oogadayda.

129. Haddaad na ilaalin weydo,

130. Axsaanta ku laaban weydo,

131. Abaal nagu yeelan maysid,

132. Ammaan naga dhowri maysid,

133. Anigu kugu faani maayo,

134. Dharaar kugu aarsan maayo,

135. Adiga kuu uunsan maayo,

136. Agtaydana jiifi maysid,

137. Haddaan beri kuu il-duufay,

138. Haddeer ku abaysan maayo;

139. Markay ajashaada gaadho,

140. Cidina kuu ooyi mayso,

141. Ilaahay ka dhuuman maysid,

142. Jannada ku aroori maysid,

143. Cadaabta ka oolli maysid,

144. Godkaaguna waa aboor,

145. Abeesiyo waa ciqaab.

146. Ragoow amarkaaga weyni,

147. Haweenka uleeya maaha,

148. Dhibtooda ku iida maaha,

149. Ufaan uf qadhiidha maaha,

150. Albaabbada kheyrku seegay,

151. Caqaar ku aroosta maaha,

152. Asaasaq ku gaadha maaha,

153. Ku aakhiro-seega maaha.

154. Ragoow irdho qaadan maysid,

155. Ugaadhsi ka seexan maysid,

156. Abeerka badbaadin maysid,

157. Ugeybkana dhaafi maysid,

158. Haddaad cunto aayahaaga,

159. Xulkooda haddaad abbaarto,

160. Unuunka haddaad ka goyso,

161. Areebo sidaad ka yeeli?;

162. Sabeen inanteennu maaha,

163. Adeeri ka sii mug weyn’e,

164. Asoolka hablaa ka daaya!

165. Abaartiyo roobka dhoofay,

166. In waalan, intiinna dhoohan,

167. In qaawan, intii sawaaban,

168. Dhammaan ifafaalayaasha,

169. Ka muuqda adduunyadeenna,

170. Ragoow ubadkaaga leexday,

171. Islaamnimadii ka baydhay,

172. Agoonnimadooda buuxda,

173. Dhashiinna ku aabbo weyday,

174. Asmay ku calool galeen’e,

175. Ammaanada boodhka taalla,

176. Ragoow ololaynta Jaadka,

177. Haddaad kaga ood fogaatay,

178. Maxaa arrin kuu dambeeya!

179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,

180. La saayira ooryihiinna,

181. Irmaanta xaqeeda siiya,

182. Ragoow ubadkaaga toosi,

183. Wixii arrin kaa daboolan,

184. Iimaanka ku baadi-doona,

185. Afeefna ka yeesha xaajo,

186. Ilaashada baylahdiinna;

187. Alhuumadu way fiddaaye,

188. Haddaad ummad liil ka weydo,

189. Hadday ahab yeelan weydo,

190. Waayeelku hadduu ab-guuro,

191. Hadduu odaygeedu waasho,

192. Hadduu la anbado xilkiisa,

193. Hadduu runta aamusiiyo,

194. Hadduu kolba eed xanbaarto,

195. Asuulkiyo xeerka soohan,

196. Hadduu marba oof-daloosho,

197. Hadduu laba-eef caddaysto,

198. Iimaanka hadduu xaraasho,

199. Hadduu wacadkiisa iibsho,

200. Araadi hadduu ku doono,

201. Ilaahay ka yaabi waayo,

202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,

203. Hadduu umal saaqa yeesho,

204. Sidii abris qooqan guuxo,

205. Hadduu sida awr xunbeeyo,

206. Hadduu abur xoor leh saydho,

207. Hadduu ilko jiira yeesho,

208. Hadduu noqdo aadun huursan,

209. Abeesada meel la daaqo,

210. Aqoonta qofkii ku dhaama,

211. Hadduu asaraar ku beensho,

212. Dhirtuba kala ayni weeye,

213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,

214. Hadduu kala geeyo uunka,

215. Hadduu marba qayb la ooyo,

216. Hadduu marba iil banneeyo,

217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,

218. Wanaagga ku aabi badan;

219. Aleelo hadduu ku waasho,

220. Islaan iyo foox karaarsan,

221. Agtooda hadduu fadhiisto,

222. Ijaabo ka baadi-doono,

223. Ibliiska hadduu la showro,

224. Hadduu marba ood ka boodo,

225. Ishaaro xun baa qarsoon;

226. Haddaanay astaan lahayn,

227. Abbaar iyo nuxur lahayn,

228. Aroor iyo raad lahayn,

229. Ammaaniyo qawl lahayn,

230. Asluub iyo dhaqan lahayn,

231. Islaamnimo sheeganayn,

232. Hadday wada eexo tahay,

233. Hadday asaroorin tahay,

234. Asaasiran lagu bursado,

235. Hadday dabin aasan tahay,

236. Shil iyo wada eeso tahay,

237. Hadday wada aano tahay,

238. Hadday agaraadam tahay,

239. Addoonsigu diin u yahay,

240. Hadday orgobaysan tahay,

241. Iimaanku ka qooman yahay,

242. Hadday Arraweelo tahay,

243. Hadday abnawaasad tahay,

244. Af-duub iyo beeno tahay,

245. Axsaantu ka maydhan tahay,

246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,

247. Or iyo wada qaylo tahay,

248. Hadday adhiyaysi tahay,

249. Hadday adhax-tuujin tahay,

250. Ilduuf iyo jeeble tahay,

251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,

252. Siyaasadi aabbe ma leh.

253. Ku daalka abaabulkeeda,

254. Alooskiyo baanaheeda,

255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

Maxamed Saleebaan

APTEN HARGEISA

‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Horraantii 1990-maadkii, waxa gees-ka-gees dhul-weynaha Soomaalida iyo cidhifkan Bari ee Qaaradda Africa-ba ku baahay noocyada kala geddisan ee Is-gaadhsiinta. Ruuxba si buu uga faa’iidaystay, waxaanay kaalin muuqata oo la tilmaami karo ka qaateen hawl-fududaynta adeegyada dad-weynaha. Dhalinyarada oo casrigooda tadawurkani la kowsaday ayaa si laba-daraale ah dhegta Telefoonnada (Land-lines) u haystay, guri kastana intii hayntu ku sintay gaaggaabsigooda laga dareemay. Yuusuf wuxuu ku nool yahay mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Wuxuu baarka ka gooyay 28 sannadood, saamayn aan yaraynna aaladdani way ku yeelatay geeddi-socodka noloshiisa, waayo; waxa uu ka helay haasaawe lama-qiyaasaan ah oo uu ku illaabi jiray duruufaha shaqo-la’aaneed ee ku xeeran iyo naafanimada haleeshay (Waxa uu la’aa laxaadka labada lugood; Cuuryaan). In-kasta oo kal-soonidiisu buuxday hadana cuqdad aan yarayn ku haysay hadal-xumada in-dhow garadka ee ku aaddan iintiisa, taasina waxay geyesiisay inuu ka maago abbaaridda hablaha geyaankiisa ah oo uu ka xulan karayay dookhiisa. Muu waayin inan’ dhaqan leh oo Eebbe ku galladay garasho, sarriigasho iyo heemaalsan  oo ku raacda waayihiisa, hase-ahaatee isaga oo aan toos u waajihin ayuu Teleefoonka holladay. Hadda uma sii qorshaysna qofka uu Teleefankiisa garaacayaa ka uu yahay, taas beddelkeeda, waabuu ku nasiibiyay. Garo’oo waa dhaqammada aan wanaagsanayn ee barbar socda horu-marka Is-gaadhsiinta. Bariido san dabadeed lays toyay, lana weydii ka uu yahay iyo waxa u daran labadaba. Yuusuf, waloow uu ku mergaday tiraab-celinta sugan ee su’aalahaas, iskuna dhaafiyay kaftan iyo beer-laxawsi dhalinyaranimo cuskan, sheekadii ma joogsan. Inanta la hadlaysaa waa Aasiya oo ay isku magaalo deggan yihiin, xaafadahooduna aanay wax badanba kala durugsanayn. Barasho wacan ayaa halkii ka dhacday waxaana la guddoonsaday inaan la kala xidhiidh-furan, ase la laasimo wada-hadalka. Wixii maalintaas ka danbeeyey xidhiidku wuu sii kobcayay, baxdo kasta iyo dhacdo-deedana is-fahanka iyo kal-samaanta labada dhinac isku hayaan way isa soo taraysay. Malaa waxa ugu wacan waayo-aragnimada cuddoon ee uu nolosha ka kasbaday’e, Yuusuf kal-gacalkii kobtaas ka hana-qaaday dareenkiisa aad uma gilgilin, wuxuu se si hal-haleel ah u soo ritey gabadhii dhiggiisa ahayd, Aasiya.

Saacado badan ayaa illaa iminka ku kala maqan, xidhiidhkooduna waabuu sannad jirsaday, haddaanay bilo-ba u dheerayn. Cajab’e, illaa ammintan labada ruux ee sida cufan isku yaqaannaa, dadka iskama dhex garanayaan. Waxaan u jeedaa, kulan fool-ka-fool ahi ma dhex-marin. Aasiyi arrintaas aad bay hanaqa iyo hiyigaba ugu haysaa, mar iyo mararna Yuusuf way u soo ban-dhigtay dalabkaas, Yuusuf se, waxa uu ka taxaddarayaa in kulan ay yeeshaan bar-dhammaad u noqdo cilaaqaadkooda, Waayo; waxa uu ka cabsi qabaa in ay Aasiyi liqi kari weydo xaqiiqda mutuxan iyo kala dhantaalnaanta laxaadkiisa. Dedaallada Aasiya waxa ku mataanaysan marti-qaad gurigooda (Guriga Aasiya) ka dhaca oo ay u fidiso, maadaama ugubnimadeeda darteed aanay dhaqan ahaan isaga u iman karin. Cudur-daarro is xiga oo uu Yuusuf arrintaas ka dhiibtay, aakhirkii waxa uu u sheegay inuu Naafo yahay, sidaas oo ay tahayna aanuu u iman karin. Judhii dhawaqaasi ku dhacay Aasiya dhegaheeda, waxa si ku-soo-booddo ah u haleelay nacaybshiiyo buuxiyay kasheedii hilowgu hadheeyey, waxaanay si karoox leh ula soo booddey: “Iska dhig Teleefoonka.” Isku-dayo badan oo ku doonay inuu ku lad-qabeeyana, quus baa u raacday. Dharaaro iyo dharaaro ayuu Yuusuf oomatad quudan waayay sidii geeliisii la dhacayna uu hoganayay. Tab iyo xeelad ayuu is taawiyay, girif-girif badan dabadeedna waxa uu suurta-gashay inuu ka helo khadkii sida caadada ah uu kala hadli jiray. Isla markii uu codkeeda gartayna, wuxuu ku tuuray: “Aasiyaay walaal kaftankaygii baad run mooddey miyaa? Naa waan kugu ciyaarayay ee naafo ma ihi, waxaan se tijaabinayay garaadkaaga.” Aasiyi way soo debecdey, waxaanad mooddaa in tiiraanyadii kal-gacalku xaggeeda isugu biyo-shubatay.

Haddii uu Yuusuf hal-beegga saaray heeraabta garashada Aasiya, waxa uu go’aan ku gaadhay inuu safaaradaha ka laab-laabto. Hammiga iyo qammigaba wuu ka saaray, waxaanu u digo-rogtay baafinta cid u buuxisa kaalintii Aasiya. Alla mahaddii, wuxuu si aan riyo ahayn oo run ah u helay lammaanihii uu tebayay. Weliba lammaanayaashu isku mid maahee, waxa uu la guri galay heego-muuq-dheer aad hoobaan bislaatay mooddo oo hibo iyo ducoba loo raaciyay. Guri rays leh goortuu degay ayay Aasiyina baadi-doon dheer kadib soo dul-joogsatay. Markan ay raadinayso, waxay is leedahay waxa kaa maqan Jacayl laxaadkiisu qabyo-tiran yahay, markay se muuqiisa halacsato ayay mar labaad candhuufta dib u liqaysaa. Aynu intaas ku hakino hadimada jacalkan heehaabayay hawada sare ee dhawaqa labka iyo dheddiga isu baxay hagayeen oo aynu nidhaahno: Akhriste, miyaanay kula ahayn inaynu dhalin-yarada ku boorinno inay dib uga joogsadaan dhaqankan Nasiibka Teleefoonnada oo khaati laga taagan yahay, kaasood mooddo inuu ka bilaabmo  waxa haatan dhallintu ugu yeedho xaraabaysi.

Qalinkii: Mustafe Sh. Cumar

E-mail: ciwaankamustafa@gmail.com,

Submitted: Maxamed Saleebaan Cumar,

Hargeysa, APTEN

Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Hargeisa (APTEN) – Maansadan Awaal-Tiris, waxa curiyay Abwaanka caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday 13/09/09. Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca ku xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo kaalintii uu nolosha ku lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si ba’an u dhaliilayaa.

Obocda Maansada, waxa uu Abwaanku ku xusayaa sheeko naxdin badan. Gabadh ayaa ninkeedii ku mashquulayaa aafada Qaadka, kagana jeedsanaya masuuliyaddii ubadka iyo noloshaba ka saarnayd. Si carruurtu u hesho quutal-daruurigoodii, ayay gabadhu bacadka u ban-baxaysaa, iyada oo Qaadka laftiisa ka ganacsanaysa. Af-xumo, guhaad, amaah iyo qaylo ayay intaba u dhabar-adaygaysaa. Maalinta dambe ayaa aabbihii qoyska ee caqaarta ku ruugayay ‘Albaabbada kheyrku seegay’, waa sida Abwaanku leeyahay’e, ayaa muddo Toddobaad ah ka maqnaanaya gurigiisii. Isagu waxa dabadii guriga ka dhacay war uma hayo’e, iyada oo loo fadhiyo Tacsidii inantiisii curad ee Ugaaso ayuu soo galayaa. Qaad ayuu kilaankillada ku haystaa, waxaana u daran meel uu fadhiisto iyo shaah/biyo. Si ay intaas ugu fuliso inantiisii curad ee Ugaaso, ayuu odhanayaa “Ugaasooy…Ugaasooy.” Ugaasada uu la hadlayaaba miyaanay dorraad dhiman oo inta kafan loo amaahday axan loo yaboohin. Yaab! Halkaas ayay hooyadu dhawaaqeeda ka bilaabaysaa.

Gebagebada Maansadana, waxa uu Abwaanku kaga warramayaa sida Odaygii iyo Waayeelkii ummaddu u ab-guuray ee uu u noqday mid iimaankiisa xaraasha. Sidoo kale waxa uu si weyn u naqdiyayaa siyaasadda awaalkan jirta oo u ku tilmaamayo mid aan aabbo lahayn, ku-daalkeeduna aanuu macno buuran samaynayn.

Iyada ayaa Maansadu is fasiraysa ee aan idiin kala baxo:

1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,

2. Ka soo baxa iilka Qaadka,

3. Adduunka ragoow mar kaalay,

4. Abuurtiyo heega daawo,

5. Awoodaha saaran daawo,

6. Falaadkiyo alabbadeeda,

7. Ilaah samihiisa daawo,

8. Udbaha iyo teedka daawo,

9. Aloolka ku jeeran daawo,

10. Hagoogta aslaysa daawo,

11. Cadceedda ifaysa daawo,

12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,

13. Abaabul-caddaanta daawo,

14. Ummuuraha toosay daawo,

15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa,

16. Aashaa socodkiisa daawo,

17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,

18. Rugaa afo-gaalladiisa,

19. Laxaa iyo ururka daawo,

20. Aleelaha guudka daawo,

21. Habeenka amuuman daawo,

22. Shareerkiyo aqalladiisa,

23. Haddana ashqaraarradiisa,

24. Ardaayada gogosha taalla,

25. Ammuuraha seexday daawo,

26. Haddaanu arbeebigeedu,

27. Ku barin abtirsiimadeeda,

28. Inbiig ku dhex joogi maysid;

29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,

30. Irdaha noloshaad ahayd’e,

31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,

32. Ragoow indho-beelistaada,

33. Asaayo maxaa ka beermay!

34. Halkaad ku lahayd astaanta,

35. Maxaa umal soo fadhiistay,

36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,

37. Naftaada markaad illowday,

38. Bal soo tiri aafadaada,

39. Wixii lumay aynabkaaga,

40. Bal daawo inkaarahaaga!

41. Unuunka dhirtaad ka goysay,

42. Aahdeeda bal soo dhegayso,

43. Hashii iyo awrka geela,

44. Abaaludda loo dareershay,

45. Ureenkiyo tiinka daawo,

46. Rasaasta alwaysa daawo,

47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,

48. Areerinka meydka daawo,

49. Islaan curadkeeda weyday,

50. Asayda la saaray daawo;

51. Habliyo ubixii dalkeenna,

52. Markay Ingiriis u xiistay,

53. Markii Inglan looga yeedhay,

54. Wedkay ku aroortay daawo;

55. Uneexada gabanka xoortay,

56. Abaydinka dooxa yaalla,

57. Abkiisa la sheegi waayay,

58. Aboodigu boobay daawo;

59. Addoonka addoonka maagay,

60. Ku yidhi isku Aadan miihin,

61. Gabooye agtiisa yaalla,

62. Walaalnimadii ka ootay,

63. Aayaadkiyo diinta qeexan,

64. Sidaas kaaga aayo beelay,

65. Halkuu illin mooday daawo;

66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,

67. Daruuraha alabaskooda,

68. Cuslayn jiray alalagtiisa,

69. Bal daawada uummigiisa;

70. Dhulkii ubixiyo caleenta,

71. Ugbaadkiyo doogga laaca,

72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,

73. Awaaraha jiifa daawo;

74. Basaastiyo oonka daawo,

75. Geyiga umal-toobankiisa,

76. Ayaayurantiisa daawo,

77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,

78. Waxay af-dhabaandhab keentay!

79. Garaadka abloobay daawo,

80. Adduunyadu baadi maaha,

81. Mudkeediyo bulad ammaanka,

82. Afkii cunay quusan waaye,

83. Hadduu laba-aabudh saaray,

84. Hadduu ugubkeeda leefay,

85. Muxuu ka dhex joogi uuska.

86. Ugaasadu meeday? hee dhe,

87. Dorraato miyaan la aasin,

88. Miyaan kafan loo amaahan,

89. Miyaan axan loo yaboohin,

90. Markii araggaa la waayay,

91. Miyaan jinku qaylo oogsan,

92. Miyaan insigii gadoodin,

93. Miyaan ollogeenu yaabin!

94. Ishaaro san kaama hayno,

95. Shidaad naga oollin maysid,

96. Ogaal nagu caymin maysid,

97. Itaal nagu xoojin maysid,

98. Qudhaanjo afuufi maysid,

99. Dalool naga awdi maysid,

100. Xashiish nala ururin maysid,

101. Aqool nala seesi maysid,

102. Aqoon nagu biirin maysid,

103. Xilkaagana oofin maysid,

104. Afkaagana dhawri maysid,

105. Sidii gabadhii Ayaan’e,

106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,

107. Abwaannimo sheegan maysid,

108. Aroor qudha toosi maysid,

109. Dhiggaagiyo aynigaaga,

110. Adduunka la qaybsan maysid,

111. Iskaaba xusuusan maysid,

112. Wixii Rabbi kuu abuuray!

113. Intaydu ku deeqi mayso,

114. Intaada ku biirin maysid,

115. Hantida arladoo dhan taalla,

116. Haddaad irbad nooga keento,

117. Ducaa ku asqayn lahayd’e,

118. Inkaar naga waayi maysid;

119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,

120. Anfaaciga aad cunayso,

121. Ilaaqda raggaan ku keenay,

122. Waxaan u adkaystay maagis,

123. Amaah iyo qaylo joogta,

124. Uurkayga waxaan ku haysto,

125. Afkayga ka sheegi maayo,

126. Asluubtana qoomi maayo,

127. Awaashiyo waayahayga,

128. Ka daalaco oogadayda.

129. Haddaad na ilaalin weydo,

130. Axsaanta ku laaban weydo,

131. Abaal nagu yeelan maysid,

132. Ammaan naga dhowri maysid,

133. Anigu kugu faani maayo,

134. Dharaar kugu aarsan maayo,

135. Adiga kuu uunsan maayo,

136. Agtaydana jiifi maysid,

137. Haddaan beri kuu il-duufay,

138. Haddeer ku abaysan maayo;

139. Markay ajashaada gaadho,

140. Cidina kuu ooyi mayso,

141. Ilaahay ka dhuuman maysid,

142. Jannada ku aroori maysid,

143. Cadaabta ka oolli maysid,

144. Godkaaguna waa aboor,

145. Abeesiyo waa ciqaab.

146. Ragoow amarkaaga weyni,

147. Haweenka uleeya maaha,

148. Dhibtooda ku iida maaha,

149. Ufaan uf qadhiidha maaha,

150. Albaabbada kheyrku seegay,

151. Caqaar ku aroosta maaha,

152. Asaasaq ku gaadha maaha,

153. Ku aakhiro-seega maaha.

154. Ragoow irdho qaadan maysid,

155. Ugaadhsi ka seexan maysid,

156. Abeerka badbaadin maysid,

157. Ugeybkana dhaafi maysid,

158. Haddaad cunto aayahaaga,

159. Xulkooda haddaad abbaarto,

160. Unuunka haddaad ka goyso,

161. Areebo sidaad ka yeeli?;

162. Sabeen inanteennu maaha,

163. Adeeri ka sii mug weyn’e,

164. Asoolka hablaa ka daaya!

165. Abaartiyo roobka dhoofay,

166. In waalan, intiinna dhoohan,

167. In qaawan, intii sawaaban,

168. Dhammaan ifafaalayaasha,

169. Ka muuqda adduunyadeenna,

170. Ragoow ubadkaaga leexday,

171. Islaamnimadii ka baydhay,

172. Agoonnimadooda buuxda,

173. Dhashiinna ku aabbo weyday,

174. Asmay ku calool galeen’e,

175. Ammaanada boodhka taalla,

176. Ragoow ololaynta Jaadka,

177. Haddaad kaga ood fogaatay,

178. Maxaa arrin kuu dambeeya!

179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,

180. La saayira ooryihiinna,

181. Irmaanta xaqeeda siiya,

182. Ragoow ubadkaaga toosi,

183. Wixii arrin kaa daboolan,

184. Iimaanka ku baadi-doona,

185. Afeefna ka yeesha xaajo,

186. Ilaashada baylahdiinna;

187. Alhuumadu way fiddaaye,

188. Haddaad ummad liil ka weydo,

189. Hadday ahab yeelan weydo,

190. Waayeelku hadduu ab-guuro,

191. Hadduu odaygeedu waasho,

192. Hadduu la anbado xilkiisa,

193. Hadduu runta aamusiiyo,

194. Hadduu kolba eed xanbaarto,

195. Asuulkiyo xeerka soohan,

196. Hadduu marba oof-daloosho,

197. Hadduu laba-eef caddaysto,

198. Iimaanka hadduu xaraasho,

199. Hadduu wacadkiisa iibsho,

200. Araadi hadduu ku doono,

201. Ilaahay ka yaabi waayo,

202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,

203. Hadduu umal saaqa yeesho,

204. Sidii abris qooqan guuxo,

205. Hadduu sida awr xunbeeyo,

206. Hadduu abur xoor leh saydho,

207. Hadduu ilko jiira yeesho,

208. Hadduu noqdo aadun huursan,

209. Abeesada meel la daaqo,

210. Aqoonta qofkii ku dhaama,

211. Hadduu asaraar ku beensho,

212. Dhirtuba kala ayni weeye,

213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,

214. Hadduu kala geeyo uunka,

215. Hadduu marba qayb la ooyo,

216. Hadduu marba iil banneeyo,

217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,

218. Wanaagga ku aabi badan;

219. Aleelo hadduu ku waasho,

220. Islaan iyo foox karaarsan,

221. Agtooda hadduu fadhiisto,

222. Ijaabo ka baadi-doono,

223. Ibliiska hadduu la showro,

224. Hadduu marba ood ka boodo,

225. Ishaaro xun baa qarsoon;

226. Haddaanay astaan lahayn,

227. Abbaar iyo nuxur lahayn,

228. Aroor iyo raad lahayn,

229. Ammaaniyo qawl lahayn,

230. Asluub iyo dhaqan lahayn,

231. Islaamnimo sheeganayn,

232. Hadday wada eexo tahay,

233. Hadday asaroorin tahay,

234. Asaasiran lagu bursado,

235. Hadday dabin aasan tahay,

236. Shil iyo wada eeso tahay,

237. Hadday wada aano tahay,

238. Hadday agaraadam tahay,

239. Addoonsigu diin u yahay,

240. Hadday orgobaysan tahay,

241. Iimaanku ka qooman yahay,

242. Hadday Arraweelo tahay,

243. Hadday abnawaasad tahay,

244. Af-duub iyo beeno tahay,

245. Axsaantu ka maydhan tahay,

246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,

247. Or iyo wada qaylo tahay,

248. Hadday adhiyaysi tahay,

249. Hadday adhax-tuujin tahay,

250. Ilduuf iyo jeeble tahay,

251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,

252. Siyaasadi aabbe ma leh.

253. Ku daalka abaabulkeeda,

254. Alooskiyo baanaheeda,

255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

Maxamed Saleebaan

APTEN HARGEISA

Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office
Hargeysa (APTEN)- Akhristeyaasha Shabakadda Aftahanpress iyo Wargeyska EnterpriseNewspaper (APTEN), waxaanu jecelahay in aanu halkan idiinku soo gudbino xog-waraysi la xidhiidha taariikhda iyo waayaha faneed ee hal-abuurka, jilaaga caanka ah ee reer Jabuuti Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed (Bifto) oo aanu kula kulanay magaalada Hargeysa oo waayadan dambe ku sugnaa.

Ugu horayn waa kuma Cabdiraxmaan Bifto, isaga ayaa inoo faahfaahin doona taariikh-nololeedkiisii iyo waayihii koriinkiisa inta aynaan u guda-gelin marxaladihii kala duwan ee uu soo mutay intii uu dhex-mushaaxayay masraxa fanka.

“Waxaan ku dhashay magaalada Jabuuti sanadku markuu ahaa 1972-kii, waxaan iskuulka ka galay xagaas, ka dib markaan dugsiga Sare gaadhay, fanka oo aan jeclaa ayaan ku biiray 1990-kii, fanka shaqo kama dhigano ee waa hopy-gayga, waxaan ku bilaabay koox la odhan jiray Amikaal oo xaafadaan deganaa laga sameeyay Karte Tuwaa Xaafada Saddexaad ee Jabuuti.

Fanka aniga oo wada ayaan ka soo shaqeeyay meelo kala duwan sida Idaacada oo aan joogay 7 sano, aniga oo ka ahaa Camera Man, waxaan kaloo ka shaqeeyay Saldhiga way nee Shirkada Shiidaalka TOTAL.

Waxa kale oo aan abuuray Stereo gaar ah oo lagu duubo aroosyada 1998-kii.

Waxaan ka soo qayb-galay kooxaha la kala yidhaahdo Amikaal, ajeek, Herimaad iyo Deegaan oo aan ilaa hada ka tirsanahay.

Waxaan safaro ugu baxay dibadda 1990-kii magaalada Sanca ee wadanka Yeman anaga oo halkaas ku soo dhignay barnaamijyo kala duwan. Waxa iigu xigay 1993-kii oo aanu safar-faneed ugu baxnay wadanka Cumaan.

Magaalada Tripoli ee wadanka Liibiya ayaa iyaguna xuskooda qaran noogu yeedhay 1995-kii. Wadanka Somaliland 2004-tii ayaan safar-faneed nimi kooxda deegaan annaga oo ka koobnayn 15 qof, wakhtigaas ayaana iigu horaysay Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland.

2006-dii safar-faneed ayaanu ku tagnay wadanka Imaaraadka Carabta laba jeer ayaanaan festival kaga qayb-galay DUBIA. Sanadkii 2008-dii ayaan hadana wadanka Gadar ku tagay safar-faneed.

2009-kii dhamaadayna waxaan ku tagay safaro-faneed ku tagnay wadamada Somaliland iyo Puntland, waxaana ii dheerayd Kiiniya caasimadeeda Nairobi.” Intaas ayuu ku soo af-meeray Al-fanaan Bifto xog-waranka taariikhdiisa gaarka ah.

Waxaynu si toos ah u guda-galaynaa waraysiga suugaantiisa, waxaana aan ugu horayn waydiinay maxaa kugu kelifay inaad fanka ku biirto, yaase kaa caawiyay in aad noqoto jilaa aad loo jecel yahay?

J: Waxaan jeclaan jiray fanka oo aan xiisayn jiray, meelna kama soo galo oo qoyska cidina fanka fac kuma laha, fankuna waa barasho iyo hibo, aniguna waan bartay ee maaha hibo. Laakiin jilayaasha reer jabuuti sida Gaafane Alle ha u naxariistee, Ruun oo islaantayda metesha iyaduna hibo ILaahay siiyay weeyay ee may baran iyagu fanka sidayda oo kale.

S: sidee baad ku soo shaac-baxday oo ku noqotay jilaa masraxyada fanka isku laba roga?

J: Markaan 3 riwaayadood dhigay ayay dadku aad I jeclaadeen oo ii xiiseeyeen, aniga oo aan Oday metelayn, markii dambena Oday baan metelay oo markaa Odaygii ayaa dadka aad u cajabisay, aniga oo markii horeba jeclaa sheekada odayaasha waawayn oo aad u dhegaysan jiray meelaha ay ku sheekaysanayaan, markay dumarka biixinayaan, aniga oo ka fiirsanaya sida uu ahaan jiray dhaqankii hore ee Soomaalidu.

S: Muxuu yahay Hal-ku-dhegga aad caanka ku tahay ee laguu yaqaan, maxaadse kula baxday magaca Bifto?

J: Ciyaalkaan yaraantii u sheekayn jiray filinkaan soo daawado, way igu soo buuqi jireen, hal haysna waxaa ii ahayd biif sidaan buu sameeyay… biif sidan buu sameeyay.. ka dibna Islaanbaa tidhi kii Biifle ayay la joogaane ka soo kaxeeya ciyaalka, muxuu uga sheekayaa horta ee ay ciyaalku kaga buuqaan. Hadalada aan hal hayska u leeyahay waxa weeye Alle iyo Nabi iyo Rasuul…. Iyo Nadal Fil Caalamiin.

S: Riwaayadaha aad ka qayb-gasho badankooda Oday dumarka ku qayliya ama waaniya ayaad meteshaa jilaanimadaaduna Odaynimo ayay salka ku haysaa, ma la odhan karaa markaa metelaada odayga ayay kaaga dhagtay maxaadse wax kale u meteli wayday?

J: Dadka I daawada markay ka heleen odaynimadii ayaan dhawr riwaayadood Odaygii ku celceliyay oo jilay, markii dambe waxa dhacday inaan donayn inaan wax kale matalo. Laakiin dadkii ka heli waayeen oo ay yidhaahdeen Odaygii miyuu waashay maxaa ku dhacay, sidaasaan odaynimadaydii iskaga aaminay.

S: Hadii aan kula kaftamo dhalinyaro ayaad tahay, muuqaalkaagana oday ayaa la moodaa marka kaftanada kaa soo gaadhay Odayga aad meteshay maxaa ugu yaab badan oo aad xusi kartaa?

J: Waxaan soo xusuustay Madaxweynaha Jabuuti oo aanu maalin la joognay anaga oo ah koox fanaaniin ah ayaa igu yidhi waakan Oday-dhaqameedkii. Maalintii aan odayga metelay waxyaabaha igu soo baxay ee aanan meesha soo dhiganba waxaa ka mid ah inay Qoyskaygii arrin walba oo dhacdaba aniga ii yeedhaan hadii ay noqoto gabadh soo duday oo la celinayo, Mag la ururinayo, meher, shirarka garta lagu qaado. Markaa waxaas oo dhamina waa waxyaalo wakhti u badan u baahan, markaa waxaan ku idhi odayadii markaan arrimahaas dhawr jeer galay, nimanyahoow hawshan cidii idin haysay ha idiin hayso anigu waxan kuma telo-gelinee. Anigu dee waan metelaa uunee hawshan intan le’eg ma soo dhiganee iga daaya, ka dibna waxay iigu jawaabeen, hawsha adaa u yeedhee hawshan sideeda u hay aad ugu yeedhatay wax lagaa daynayaana ma jirto, sidii baan ilaa hada ugu jiraa ilaa hada, hawsha aan fanka ka hayo ta aan reer ka hayo ayaaba ka daran. Waxaan iminka fahmay waxyaalo badan, oo odaynimada iyo Islaanimadu waa darajada Ilaahay dadka gaadhsiiyo waxyaalaha ugu dambeeya, markaa waxaan is idhi waa Karaamo Ilaahay kuu soo dedejiyee iska aamin.

S: jilaanimada yaad kaga dayataa marka la eego dadkii Soomaalida ugu caansaa ee aadka loo yaqaano?

J: waxa ka mid ah Abwaanka reer Jabuuti alle ha u naxariistee Ibraahim Gadhle, Dacar iyo Basbaas.

S: Marka laga yimaado jilaanimada aan ku caan baxday waxa nagu maqaalo ah in aad tahay Abwaan oo aad samayso sheekooyinka riwaayadaha iyo waliba midhaha heesaha bal arrintaa nooga waran?

J: Riwaayada Habaar-waalid ee caanka ku ah Haldhaa iyo Habeenkii Jabuuti oo ay Aktaro ka yihiin fanaanada Haldhaa iyo Xasan waddo aniga ayaa sameeyay sheekada riwayaadaas. Riwaayadaha Jabuuti lagu dhigo 40% aniga ayaa sameeyay.

Heesaha caan baxay ee aan sameeyay waxa ka mid ah;-

Wiglo tumatayaa

Ka waantowdayaa

Ka war keentayaa

Waa yeelkadaa

Oo uu ku luuqeeyo Fanaanka Xasan Waddo oo uu ku soo shaac-baxay iyo waliba heesta kale ee iyada aadka loo jecelyahay ee uu isla Xasan Waddo qaado waxaana la yidhaahda

Doonisteenu Deeqa

Cali Sabiix ha noqotee.

Waxa kale oo aan xusi karaa heesta la yidhaahdo

Hadaan ku jeclaan lahaa

Naftaan kuu huri lahaa.

Heestaasna waxa qaada Mustafe Aadan Abees alle ha u naxariistee.

Shirkii Carta ka dhacay ee Soomaalida lagu heshiisiinayayna waxaan ku lahaa Afar Heesood.

Markaad kala qaybsantee

Qabtu kugu dhacdee.

Iyo heesta kale oo iyaduna dib u heshiisiinta Soomaalida aan u sameeyay waxa la yidhaahdaa;

Umaddu way daalan tahay

Hees kale ayaan u sameeyay isla shirka carta, taasoo ahayd

Hadaad kala goosatiyo

Hadaad isku gaysataba

Anigu waan kuu goglee

Go’aanka adigaa iska leh.

Heestan dambe waxaan ka sameeyay waxa la fidiyay dacaayad ah jabuuti ayaa iska wadata shirka Carta, markaa waxaan lahaa annagu waan gogolnee idinkaa Soomaaliyeey go’aanka iska leh waxaad yeelaysaan hadaad heshiinaysaan iyo hadii kaleba.

S: Cabdiraxmaan waxaad nooga sheegi kartaa waxyaalihii kuugu yaabka badnaa ee noloshaada ku soo mara?

J: Maalin aanu aasnay Oday carab ah oo aanu jaar ahayn, ayuu odaygii aanu ilka ku hubsanay soo noolaaday, odaygi carabka ahaa markuu soo noolaaday oo dhaqdhaqaaqay ayaa laga soo saaray xabaashii markii la arkay inuu dhaqdhaqaaqayo, odaygii oo kafatantiisii sita ayaa gaadhigii shidhka soo fuulay, waanu kala yaacnay naxdin darteed, odaygii cidna lamuu hadal, maxaa igu dhacay ayuu yidhi, dadkii kamay fikirin in odayga kafantii cadayd laga bedelo oo dhar loo xidho, isaga oo kafantii cadayd sita ayuu baabuurkii soo fuulay shidhka, waxa uu ku soo noqday gurigii uu ka dhintay oo la ducaynaya lagaa ooyayo, gurigii naxdin kale iyo geeri labaad ayay ku noqotay. Waxaa nalagu canaantay maxaad odayga dharka uga soo bedeli waydeen ilaa hada odaygii wuu nool yahay waana baayacmushtar Jabuuti ka shaqaysta waxaana lagu xantaa naanays la yidhaahdo Xabaal-diid.

Waxa kale oo  aan xusuustaa oo iigu yaab badnaa markii Soomaaliya burburku ka dhacay ee la qaxay, ayaan Addis Ababa habeen aniga oo xilli dambe Hoteel soo galay ayaa laygu yidhi wuu buuxaaye inta laguu helayo makhsinkaa ninkaas la sii gal wuxuu ahaa nin dheer, xoog wayn oo aad u madaw, makhsinka ayuu sii fadhiyay oo ku qayilayay, intaan alaabtii dhigtay ayaan aniguna iska qayilay oo iska fadhiistay, ma wada hadlayno, markay gaadhay saqdii dhexe ee aanu sii seexanaynay ayuu igu yidhi; “Kac ninyahoow su’aalo ayaan doonayaa inaan ku waydiiyee.” Wuxuu igu bilaabay “Qolomaad tahay” markaan u sheegayna, wuxuu igu yidhi “Nin aabahay dilay ayaad aad ugu egtahay, ma ninkii baad tahay” makhsinkii wuu igu yaraaday, wax jawaab ahna kama bixin, waxaan ugu jawaabay “Anigu Soomaaliyana maan aragee waxaan ahay nin reer Jabuuti ah” ninkii wuu fadhiistay, su’aal kale ayuu hadana I waydiiyay wuxu igu yidhi; “Calaamadihii uu lahaa ninkii aabahay dilay ayaad leedahay, isagii baad tahay” intaa markuu yidhi ayaan iska dhigay mid suuliga galaya, iyada oo aan nafta ka quustay oo aan idhi maantay kuugu daran tahay, xaga albaabkana uu iga xigo, ayaa waxa dhacay inuu mar qudha fadhiistay ayaan iska dhigay mid musqusha galaya aan ka baxay, aniga oo sita garan surwaal Sportis ah iyo dacas ayaan galay Net Club si aan wakhtiga ugu soo lumiyo inta waagu ka baryayo oo ninkaas na kala gurayo.

S: Cabdiraxmaan Hadii aan ku dhawaan gebo-gabada xog-waraysigeenan, bal maxaad kaga qoslin lahayd akhristeyaasha mawduucan adiga oo ka soo qaadaya in aad taagan tahay fagaarihii aad ku meteli jirtay riwaayadaha?

J: Wakhtigii Dawladii Siyaad Barre maamulkeeda dadku soo nacayay ayaa nin yidhi waxaan ku riyooday xalay aniga oo Siyaad Barre dilay, wakhtigaana waxa dhegaysanayay CID Maryacad ah, ka dibna waa la xidhay, waxaana la soo istaajiyay maxkamad. Intaa la xukumin ayaa lagu yidhi maxaad codsanaysaa waa lagu xidhayaa 15 sano, ka dibna wuxuu yidhi Anigu waan riyoodee waxba maan samayn, hadii uu Distoorka ku jiro xeerka lagu xukumo riyada dee ha laygu xukumo, waa la baadhay distoorkii waana laga waayay xeer dadka riyooda lagu xukumo, waa la sii daayay. Ka dib markay xaaladu sii xumootay ayaa la yimi makhaayadii uu shaaha ka cabayay oo waxa la waydiiyay xalayna maxaad ku riyootay, Ma seexatay baa ka horaysa buu yidhi.

S: Ugu dambayntii, adiga oo fursada waraysigan faa’iidaysanaya maxay tahay fariinta aad u gudbinayso bulshada afka Soomaaliga ku hadashay ee akhrisanaya waraysigan?

J: Insha alaah inta magacayga iyo martabadayda taqaana shacabwaynaha Soomaaliyeed meel wal oo ay joogaan waan salaamaynaa, waanu jecelahay, in badana waanu isbaranay, inta ii hadhayna in aanu is barano doono, ama aanu u tagno ama ha noo yimaadaane, waxa kale oo aan salaamaya Wargeyska Enterprise ee aan kula kulmay magaalada Hargeysa oo aan hawlo shaqo u joogo.

APTEN, Hargeisa Office

xusuusqor – Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa qaybtii 7aad
Xusuusqor: Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland

Qaybtii 7-aad.

Berde ku yaal Wadaamo-goo; ma aha kii “isha Baydhabo”

Anigoo badhtanka kaga jira qormooyinkii Socdaalkaygii Dheeraa ee Somaliland ayaa hawlo badani ila soo derseen, ka dibna hakad ayaan geliyey, hase yeeshee waxa si weyn ii dhiiri geliyey inaan sii wado dad weyne aad u tiro badan oo aan kula kulamay madaalloyin kala duwan iyo kuwa xitaa aannu dukaanno ka wada adeegganaynay (Shopping) kuwaas oo si xoog leh iigu dhiiri geliyey inaan qormaddii xiisaha badnayd sii wado oo dhammaystiro qoraalkaa intii aan ballan qaaday. Anigoo taa ka duulaya, waxaan mar kale jeclaystay inaan sii wado qoraalladdii,  si aan dad badan oo xagaagga u dalxiis tegi doona dalka ugu soo dhiiriyo meelaha ay dhugta u yeellan doonaan iyo meelaha ay tegi doonaan iyo inay xusuus qor ka reebaan dalxiiska dalkooda.

Maanta, waxaynu dhanka bariga uga baxaynaa magaallada Burco oo xarun ii ahayd, waxaynu raacaynaa laamiga dheer ee isku xidha Burco iyo Laascaanood. Waxaan idiin sheegayaa filashadayda tegista halkaas waayo, weligay Biriishka Qoryaale dhankaa bariga uma dhaafin. Waxaan ku socdaa Gar-adag oo shirweyna ka bilaabmayo, shirkaas oo aan kamarado iyo sameecado u sido. Waxaan wataa gaadhi Surf ah oo aan soo kiraystay, weliba anigaa gacantayda ku wata. Waxa ila socda laba nin oo aan waxba igu dhaamin tegista Gar-adag oo midna aannu si fiican u garanayn jidka loo maro, waxaan magaallada ka baxayaa goor dheer, waayo waxa werwer iga hayaa inaan ku anbado waddooyinka hallaasiga ah ee is barbaryaaca ah ee aan midina mid ku soo darmayn ee banweynaha la magac baxay “Bancadde” is gudub ordaya ee intii halkaa qabatay iiga warantay.

Halkan Guji si aad maqaalka u wada akhrisatid Xusuusqor 7

Somaliland ma-leedahay goob-joogayaal waaya-aragnimo u leh burburkii soomaaliya?
Inka badan 20 sano ayey koofurta Soomaaliya ku jirtaa dagaalo iyo burbur naafeeyey gabi ahaanba adeegyadii bulshada, dagaaladaas oo u hor-seeday Soomaaliya magic-xumo ugu baahday caalamka. Waxaana lagu tilmaamaa Cadaabtii ifka marka la eego waxa ka dhacaya Soomaaliya.

Dagaaladu waxay ka dhigeen koonfurta Soomaaliya meel go’doon ka ah dunidda inteeda kale, xaalada bini’aadam-nimo ayaa ah mid aad u liidata kelmada qudha ee loo adeegsado ayaa noqotay way u dhamaatay Soomaaliya!!!

Hadaba Soomaaliya 20 sano ka hor side bay ahayd?

Waxa ay ahayd dal ka mid ah dawladaha ay dunidu ku xisaabtanto ee maqaam iyo sharafta ku leh Goleyaasha ay ku bahoobeen wadamada caalamku, waxa ay lahayd quwad ciidan oo aad u dhisan, isla markaana lagu tilmaami karayey  quwadaha milatari ee ugu waawayn Afrika.Waxay sidoo kale ka dhisnayd dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhamaan adeegyada aasaasiga ah.

Dadka Soomaalida ah ayaa iyaguna ahaa kuwo ku jiray nolol deganaansho iyo nidaam leh, balse aanay filayn in ay dhamaan doonto.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aakhirkii la soo gaadhay xiligii dirqi ku talaabsiga Soomaaliya oo ahayd markii dawladii u adeegsatay shacbigeedii cududii Milatari iyo xoogii ciidan ee ay cashuurta ugu bixinayeen in lagu difaaco.

Soomaaliya waxaa lagu fasiraa in ay ahayd wakhtigaas sida guri isaga oo jirid geed ku jirto la bilaabay dhismihiisa ka dibna si qurux badan loo dhisay oo la dhamays tiray, geedkiina uu halkii ka sii wado kobicii iyo koritaankii lagu yiqiin geed aan xididada loo siibin.

Waxaa qof waliba garanayaa oo sida dharaarta u cad in gurigaasi dumayo maalin

uun marka geedkii ka soo dhex mudho.

Soomaaliyana waxa ay ku duntay sidaas:

Ka dib markii geedkii Soomaaliya uu noqday mid ka baaxad weyn dalka geedkaasi ayey ku tilmaaman dadka aragtida fog in uu yahay (Maamul xumo iyo Qabyaalad) dadkuna ay u yaqaanaan kaligii taliye.

Hadaba Somaliland ma u muuqataa mid  ka faa’idaysatay waayo-aragnimada laga dhaxlay burburka Soomaaliya? mise ka waantowday dariiqa Soomaaliya ay martay ee loo tirinayo?

Sidoo kale waxa la is waydiinayaa Aqoonyahanka,Waxgaradka iyo dadkii goob jooga u ahaa burburkii Soomaaliya ee reer Somaliland ma ku hageen khibradaasi dadkooda?

markase la eego marxaladan Somaliland ku jirto ee walaac galisay bulshada reer Somaliland ma u muuqataa in ay cagta saartay dhabadii ay Soomaaliya ku burburtay?

Dadka reer Soomaaliya ma ku dhiiri-geliyeen walalahooda Somaliland in ay ka fejignaadaan waxa ku dhacay iyaga?

Dhamaan jawaabaha su’alahaasi waa qaar u furan qof kasta oo akhrista qormadan gaar ahaan dadka ay sida gaar ka ah u taabanayso ee ka dhex muuqda qoraalka.

Wariye muna casayr jaamac

Hargaysa/ Somaliland

Xabaal-Ammaan-ka Maxaa Ugu Wacan Soomalida (Qofku marka uu dhinto in la amaano ) by Adam X Cali
Xabaal-Ammaan-ka Maxaa Ugu Wacan Soomalida

(Qofku marka uu dhinto in la amaano )

Hordhac

“Qof fiican buu ahaa, qof laga nabad galay buu ahaa, qof aqoon leh ayuu ahaa, lagama sheekayn karo wanaagiisa.” Xabaal-ammaanayaasha

Kalmadahaa iyo kuwa kale oo la mid ah, waxa had iyo jeer laga dul yidhaahdaa marka la aasayo qof geeriyooday, qofkaasi ha ahaado qof lab ah ama dhadig ah, siyaasi, aqoon yahay, baayacmushtar, caalim diinta yaqaan, suugaan yahan, Gabayaa, ama sifooyinka kale ee qof ku yeelan karo bulshada dhexdeeda.

Arrinkaa waxa la yidhaah Xabaal-Ammaan, oo xabaasha ayaa la amaanayaa, illeen waa kan qofkii dhintay . In kasta oo ay wanagsantahay in qofku marka uu geeriyoodo la sheego wanaagiisa, Laakin ammaantan xabaasha dusheedu waa amaan ka duwan oo aan qofka lagu odhan inta uu nool yahay ama aanu maqal meel lagu hadal hayo.

Amaantaa laga dul leeyahay xabaasha qofka marka la aasayo inta uu nool yahay ma maqlaysid, iskaba daa in aad maqashid amaan uu leeyahay ee mar marka qaar waxa aad maqlaysaa oo ay dadku carabka ku hayaan meelaha qofkaasi iniinta ku leeyahay (qof aan iin lahayn ma jiro adduunyada, ILLAHAY ayuun baan iin lahayn iyo Nabiyadiisa uu soo dirtay ee uu ilaaliyay).

Waxa kale xusid mudan, in qofka la amaanayo marka uu geeriyoodo aan laga faa’iidaysan inta uu nool yahay, oo haddii cilimi uu leeyahayna aan la waydiin, haddii uu khibarad nololeed leeyahayna aan laga reebin ama laga dhaxlin inta uu noolyahay ee uu la geeriyoodo, khibradaas oo wax u tari lahayd jiilasha qofkaa ka dambeeya, haddii ay tahay khibarad siyaasadeed, mid taariikheed, mid dhaqaale, mid caafimaad, mid bulsho ama waayo aragnimada kala duwan ee qof kasban karo inta uu nool yahay.

Haddaba, su’aasha is waydiinta lehi waxa weeye, Maxaa sababa in aynu sidaa u dhaqano?, oo qofku marka uu inaga qarsoomo ee Allahiisa la kulmo aynu u amaano, inaga oo aan waxba ka faaiidaysan Karin, ileen wuu geeriyooday oo ma soo noqonayee, marka uu ina la joogana aynu u dayacnaa, ama iinta (meesha uu qofku u liito ) uu leehay aynu xooga u saarnaa oo ugu soo celcelinaa, inaga oo aan sheegayn wanaagiisa.

Sida ay ila tahay su’aashaas waxa aan kaga jawaabi doonaa qormadan soo socota, aniga talo soo jeedina raacin doona inshaa allah. Mar walba marka aan arko qof khibarad iyo aqoon (garasho leh) oo inta uu geeriyooday taariikhna aan laga reebin, lana geeriyoodo hanti qaali ah oo dadkuna u aayi lahaayeen, isagana dhaxal uu ka tagay u noqon lahayd, waan murugoodaa, waxaana maskaxdayda ku soo dhacda sida uu qofkaas noloshiisii iyo waayo aragnimadiisii u dayacantay. Waana arrinka igu kalifay in aan maqaalkan curiyo.

Waa Maxay Sababtu?

Sababta arrinkaa keenta, sida ay ila tahay waxa weeye, mid ka imanaysa laba dhinac;

Midi waa mid ku xidhan hab-dhaqanka bulshadeena

Ta labaadna waxa weeye mid ku xidhan qofka geeriyooday laftiisa

HABDHAQANKA BULSHADEENA

Bulshadeenu waxa ay leedahay caado aan wanaagsanayn oo ah in qofku inta uu nool yahay aan la qiimayn oo aan loo arag waayo aragnimadiisu mid faa’iido u ah inta kale bulshada waxna ku soo kordhinaysa. Sidaa awgeed dadkooda kala duwan ee leh waayo aragnimada kala duwan ma qiimeeyaan inta badan, marka aan arinkan sheegayo maaha dadka oo dhan, waxa aan ka hadlayaa sida ay bulsahadu u badan tahay .

Qofku inta uu nool yahay cid u tagaysa ma jirto oo wax waydiinaysa, ama u aragta waayo aragnimadiisa mid faa’iido leh, maalinta uu geeriyoodo ayaa la tabaa . Tusaale yar ayaan kusiinayaa, wuu yaryahay qof inta uu labadiisa waalid la fadhiisto waraysta oo waydiiya waayo aragnimadooda ama waayaha nololeed ee ay soo mareen, sida kolba loo dhinac maraayo ayay geeriyoodaan labada waalid.

Arinka labaad waxa weeye, dadkeenu wanaaga qofka waxa ay ka jecelyihiin in had iyo jeer la sheego iinta ( meesha uu qofku u liito) uu leeyahay qofku. Sidaa awgeed, dadku had iyo jeer waxa ay ku mashquulaan in ay dabagalaan qofka ceebtiisa, oo ay isku mashquuliyaan. Taasina waxa ay ilawsiisaa in la ogaado qofku wixii uu ku fiicanyahay ama waayo aragnimo nololeed ee uu leeyahay, si looga faa’iidaysto.

Arinka saddexaad waxa weeye, dadkeenu waxa ay leeyihiin caado ah in qofka marna la wada jeclaado oo la amaano, marna la wada naco oo la caayo. La isuma dheelitiro qofka wanaagiisa iyo xumihiisa, ee marba dhicay ayaynu ka qaadanaa qofka noloshiisa. Xikmad Carbeed ayaa tidhaah -ma xasuusto qofkii yidhi- “qofna ha wada jeclaan, waa intaa oo uu bari noqdo cadawgaaga, qofna ha wada nicin waa in taa oo uu bari noqdo qof aad jeceshahay.” Sidaa awgeed, in badan waxa aad arkaysaa, qof caayay qof kale oo aan waxba u reebayn, hadana bari la socda qofkii uu caayay oo amaanaya ammaan aan xad lahayn.

Arrinkaa kolba dhinac loo boodayaa waxa uu dadka ilawsiinayaa in ay gartaan qofka qiimihiisa, ileen waa kaa qiimihii ka lumay, taasina waxa ay keenaysaa in aan laga faa’iidaysan inta uu noolyahay waayo aragnimadiisa.

Waxa kale oo jirta qofku haddii uu soo bandhigo waayo aragnimadiisa ama uu ka sheekeeyo guulihiis iyo guuldarooyinkiisa waa lala yaabayaa oo waa la quudhsadaa, taasina waxa ay dadka ku abuurtaa kalsooni daro wayn, oo cidina kuma dhiirato inta uu masraxa yimaado in uu ka sheekeeyo waayo aragnimadiisa nololeed.

Arinka labaad oo ah mid la xidhiidha qofka geeriyooday

Arrinka labaad waxa weeye mid la xidhiidha doorka uu ka qaatay intii uu noolaa qofkan geeriyooday ee la amaanayo xabaashiisa intii uu geeriyooday kadib.

Su’aashu waxa weeye sidee ayuu uga qayb qaadatay? Sidan soo socota ayay door uga qaateen in noloshuudu dayacant, dadkuna ay xabaashooda amaanaan;

Marka hore dhaqan uma lihin in uu qof qoro waayo aragnimadiisa nololeed -sida ay dunida kale samayso- in yar ayuunbaa wax qorta inaga, laakiin dadka badankoodu wax ma qoraan. Taasi waxa ay door muhiim ah ka ciyaarta in qofka noloshiisii iyo waayo aragnimadiisii dayacanto, qofka ugu fiican ee wax reebi kara ama noloshiisa wax ka qori karaana waa qofka laf ahaantiisa.

Waxa jira sababo kale oo lagayaabo in ay ka qaybqaataan in aanu qofku waxba aanu qorin ama duubin (video or caste ), sababahaa waxa ka mid:

ü        Waxa lagayaaba in aanu qofkaasi fursad ba u helin intii uu noolaa in inta uu fadhiisto uu wax qoro ama wax duubo toona. Sida uu ugu jiro mashquul ayaa laga yaabaa in uu ka baxo adduunyada oo gooriyoodo.

ü        Waxa kale oo laga yabaa in ay maskaxdiisa ku soo dhacdo in uu wax qoro ama duubo, laakin uu is yidhaah maxaad ka qori ama ka duubi maadigaa waxbaba haya, oo noloshiisa quudhsado.

ü        Marmarka qaar, waxaaba jirta in qofku cabsado oo uu yidhaa ‘waa lagula yaabi haddii aad hahadasho, yaan lagula yaabin ee iska aamusnaw’. Tusaale ahaan, haddii uu arko qof arinkaa ka hadlaaya ama waayo aragnimadiisa ha ahaato ama arrin kale ha ahaatee, waxa uu odhanayaa waar muu iska aamusnaado, aamuska ayaa loo qaatay. Taasi waxa ay ku tusaysaa in dad badan oo wax kordhin lahaa ay cabsadaan, xataa marmar ka qaar waxa ay ka cabsadaan in uu qofku yidhaah, arinkaa waan khaldamay sababo jira awgeed.

ü        Arinka kale ee jiraa waxa weeye- wuu yar yahay cid ku dhaqanta- in qofku is yidhaa la dhimo khibradaada, adigaba laguuma faa’iidayn ee adiguna waxba ha u sheegin dadka, oo ay ka tahay xaasidnimo. Arrinkani wuu yar yahay, laakiin wuu dhacaa, oo waxa aad arkaysaa , isaga oo qofku leh waar aniguba waan soo jabay ee idinkuna jaba oo badda gala.

Sababaha xaga sare ku xusan oo dhami waxa ay door ka ciyaareen in qofka marka uu geeriyoodo la waayo oo aanay waxba ka hadhin, waayo-aragnimadiisii iyo noloshiisii oo dhami dayacanto.

Talo iyo Gunaanad

Waxa aan kusoo gunaanadayaa, qormadan- oo u baahnayd mid intan ka dheer, laakiin haddii la sii dheereeyo aan laga go’yoonayn- talo iyo gunaanad;

Talo

Waxa aan kula talinayaa Jiilasha nool in ay dhug u lahaadaan waayo aragnimada dadka waawayn iyo jiilasha sii socda oo ay kala hadhaan waayo aragnimadooda iyo taariikhada ay leeyihiin, qofku meesha uu doono nolasha ha kaga jiro, noloshiisa ha sameeyo khaladaad ama ha ku yaraadeen khaladaadku, waayo, qof aan khaldaminin ma jiro. Mar walbana maskaxda ha ku hayaan in haddii aan qofkaa laga reebin taariikhadaa iyo khibaradaa uu leeyahay in hanti qaali ah lala aasaayo (duugayo) oo ina anfici lahayd inta aynu noolnahay, waayo nolosha adduunyadu waa khibrad la isu dhiidhiibo sida qoriga dabka la isugu dhiidhiibo, oo jiilba jiil u dhiibo.

Haddii aynaan sidaa yeelin waxa inagu dhacaysa in aynu ku soo celcelino khaladaadkii ay Jiilashii hore sameeyeen, sida maanta ina haysata, illeen wax qoran oo meel la dhigay ma jiraane.

Dadka waayeelka ah , lehna waayo aragnimada nololeed -uma jeedo dad gaar ah, qof waliba wuu leeyahay oo cimrina wuu noolaa, khibaradna waa leeyahay dhinacay doontaba ha ahaato, kol uu inooga sheekeeyo oo qoro maalmihii nolashiisa- waxa aan kula talinayaa in ay waayo aragnimadooda reebaan, iyagana waxa ay u noqonaysaa dhaxal (legacy) lagu xasuusto ifka iyo aakhiroba, dadka dambena way anfacaysaa oo waxbay u taraysaa inta ay nool yihiin.

Gebo gebo

Waxa aan hadalkayga ku soo gunaanadayaa, qof waliba qof uu yaqaan ha waraysto, kol ay labadiisa waalid tahayna, haddii ay nool yihiin, dabadeedna waayo aragnimadooda iyo taariikhdooda halla wadaago dadka inta kale. sidaas ayaynu ku dhisi karnaa bulsho wax qorta oo wax isu tabisa, jiilba jiilka ka horeeya wax uga tago, haddii kale waxa inagu dhici in kolba Eber aynu ka soo bilawno nolosha, sida maanta ina haysata.

Allah waxa uu ugu tala galay in aynu dhulka camirno, habka aynu ku camiraynaa waxa weeye inaga oo waayo aragnimadeena kala dhaxalna oo isu gudbina.

Haddaba, waxa inala gudboon in wax laga reebo jiilasha sii socda, haddii ay iyagu wax reebi karaana ay reebaan. Waayo, waxa ii muuqata duruuf adag, taas oo ah taariikho iyo hanti qaali ah oo aynu maalin walba duugno inaga oo aan waxba kala hadhin.

Waxa aan ku soo xidhayaa qoraalkayga tixdan gabayga ah oo uu tiriayay Abwaanka Yuusuf Shaacir, waxaanay ka tirsantahay maansadiisa Dhedo:

-         Dadku dheegga qoladiyo

-         Intay dhaadanaayaan

-         Dheeraadka hadalkiyo dhiidhiida shubayaan

-         Dhaleecayntu mudan tahay

-         Dhambaalkoodu faan yahay

-         Dhumucdiyo rasaastiyo

-         Dhimashadu u fudud dahay

-         In la dhacarto mooyee

-         Miyey dhaashan karayaan

-         Miyey dheemman jiiftiyo

-         Dhirta wada macduunka ah

-         Dheefteeda cunayaan

-         Dhar wanaagsan leeyiin

Wasalamu calaykum

Adam Xaaji Cali Axmed

Waa sharci Yaqaan iyo Bare-sare (lecturer)

Ka tirsan Jaamacada Hargaysa

Imikana Kooras wax barasho ujooga

University for Peace

(www.upeace.org)

San Jose, Costa Rica

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland – qaybtii 6aad
Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland

Qaybtii 6-aad.

Sawirradii oo dhan halkan ka daawo

http://picasaweb.google.com/suldaan2007

Waxaan iyana si guud oo kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaddayda dacaladda adduunka jooga ee sawirrada iyo warbixintaydu daltabyada ku reebtay ee sida qiiraysan iigu soo dira emaillada iyo telefoonnada, kuwaas oo aanan intooda badan ku warcelin – waxaan leeyahay saaxiibbayaal fari kama qodna – waanan qaatay taladiina iyo dhiirigelintiinaba, mana mudni ammaanta badan ee aad ii soo dirteen.

Arartaa, halkaa markaan ku dhaafo; Socdaalkii dheeraa – maanta waxaan idinku geynayaa meeshii ay ka soo baxeen haldoorkii ummadda, meeshii indhaha la inoogu dilaaciyey, goob taariikh weyn ku leh horumarka tacliineed ee Somaliland, waa Iskuulkii Sheekh ee Secondariga ah, iskaga iyo ka maanta jaamacadda laga dhigay ee Camuud iyo Dayaxa oo Sanaag ku yaal ayaa ah meelaha tacliinta tayada leh laga aasaasay; siiba dugsiga Sheekh wuxuu noqday mid ardaydii ka soo baxday ay u ciidamisay dalkan yar ee Somaliland. Magacyada waaweyn ee laga yaqaan dalkeenna ee hoggaaminta iyo aqoonta sare lagu bartay waa ardaydii Dugsiga Sare ee Sheekh. Waxa la dhisay badhtamihii qarnigii tegey, wuxuu ku yaal Magaallada Sheekh meel ilaa laba kiiloo mitir dhanka galbeed ka xigta. Wuxuu ka kooban yahay guryo la seexdo, fasallo wax lagu dhigto, goobo lagu cayaaro, tiyaatar wax lagu daawado, meel weyn oo lagu cunteeyo, masaajid lagu tukado, barxad weyn oo lagu nasto, beero dhexdooda lagu hawo qaato, guryihii macalimiinta – qayb cusub oo hablaha gaar loogu sameeyey.

Waxaannu wada soconney, Hinda Max’ed Jaamac oo wiilkeedu Dugsiga dhigto iyo Abwaan Hadraawi oo maalintaa ay ku soo casuumeen dhallinyarada dhigata dugsiga, Waaxdooda Suugaanta Soomaalida – Somali Literature Council oo uu guddoomiye ka ahaa wiil yar oo halabuur ah – Cabdilaahi-Shaacir – oo runtii si diirran noogu soo dhoweeyey Dugsiga, weliba gabay qurux badan oo uu abwaanka (Hadraawi) ku ammaanayo, kuna soo dhoweynayo halkaa nooga tiriyey.

Weligay maan tegin dugsigaa, haddana Shiikh iyo buurta Dawga inta jeer ee aan maray tiro ma leh; Shiikh waa magaallo qurux badan oo hawo fiican, marka kulka kul ugu darrani ka dhacayo dalkeenna, iyadu waa qabaw, marka jiilaal cargaagtamo ee dhirtu engegto, iyadu waa barwaaqo, marka xagaa dabadheeraado iyadu waa dhedo – gu iyo jiilaal, dayr iyo diraac waa cagaar, markasta waxa laga helaa Seytuun, marka gaadhi isla kaa soo taago ayaa saxansaxo iyo qabow naftu ku raaxaysanayso ku qaadayaa, marka indhuhu ku dhacaan meel barwaaqo ah oo buuro ku gedaaman yihiin, guryuhu qaarna buurtaa saaran yihiin, kuwana buurta kale, ayaad u qushuucaysaa quruxdeeda. Dhowr qof baannu isku raacnay in Shiikh tahay magaallada keliya ee Istiraajiyad iyo qurux ahaan ba ugu qalanta Caasimadda Somaliland. Intay xadka u jirto, intay badda u jirto, waxyaalaha dabiiciga ah ee ay leedahay, biyaha durdurrada ah, jawiga qabow iwm. Maalinay noqotaba Shiikh caasimad bay noqonaysaa –

Dugsiga Sare ee Shiikh waxyaalihii iga yaabiyey ee uu lahaa waxa ka mid ahaa, isagoo in ka badan lixdan sannadood dhisnaa, dalkaa burburay, tobanka jeer dagaalladu ka dhaceen, inuu ka nabad galay oo sidii lagu dhisay uu ahaa; waa dhismayaasha qaddiimka ah ee dalkeenna ka taagan ee haddana kuwa maanta la dhiso ka quruxda iyo tayoba fiican. Kaallay arag, tiyaatarka aan kuraasta lahayn ee daaqadaha muraayadaha ah leh ee haddana marmarkii iyo muraayaduhu sidoodii u dhalaalayaan, kaalay arag madbakha casriga ah ee weelkii iyo wiciyaddii qalinka ahayd yaallin iyo tallaagadihii cuntada lagu qaboojinayey, oo aanad malayn karayn sida nadaafaddoodu u sarrayso iyo sida ay u daryeelayaan ‘Hygiene’ ka ee xataa kuugu dhar nadiifa u xidhan yahay, kaallay arag, labotariyada sayniska ee qalabkii iyo agabkiiba u dhan yihiin ee qurux iyo tayoba ka fiican yihiin kuwa London college-yadeedu qaar leeyihiin. Bal adba eeg, fasallada ay samuuraddoodu tahay ta maanta adduunka laga isticmaalo ee loo yaqaan “Whiteboard” ee qallinka masaxma lagu qoro, iyo derbiyada khariiddada iyo sawirada biology-ga ku dhegen yihiin. Maktabadda buugtu taallo ee leh meesha wax lagu akhristo ee xitaa ka kaa soo horjeedaa aanu arkayn waxaad akhriyeysid.

Waxay leeyihiin “Notice Board” la iskula socodsiiyo waxyaallaha/ (Activities) dugsiga dhexdiisa ka socda. Ardaydu iyagaa dharkooda maydha oo kaawiyadaysta, iyagaa cunta weelka ay ku cunaan dhaqa, iyagaa gurigooda masaxda oo hagaajista, kaallay arag, sida wakhtiga u ixtiraamayaan, macallinka uga dambeeyaan, sida ardaydu isu tixgelinayso, sida murankooda iyo dooddu cilmiga ugu qotonto, halka dhallinyarada kale Tahriib iyo Fiise iib ah ka sheekaynayso, iyagu Buug Maraykanka lagu qoray oo cilmi ama khiyaal ku saabsan ayey ku dooddayaan ‘Waxaas buu uga jeedday’, halka dhallinyarada kale kubadda iyo koox heblaa badisey ka dooddayso, iyagu buug hebel baa soo baxaya iyo hebel baa siyaasadda Afrika ku fiican ayaa laga doodayaa;

Dhallinyarada dugsiga dhigataa waa laba boqol oo wax dhiman (180), waana kuwa ugu aqoonta sarreeya Somaliland. Si ciyaar ah laguma helo dugsiga Sheekh, kama jirto ‘qishka’ beryahaa dambe ka soo shaac baxay imtixaannada Somaliland, sidii dhallinyaradu telefoonada u qaadatay ‘qishku’ cirkaa ayuu isku shareeray Somaliland, oo xataa gobol gobol baa loogu tartamaa. Iyaga imtixaannadooda waxa lagu soo saxaa UK, shahaadadooduna waa GCSE oo waxa soo saarta EDEXCEL. Hinda Maxamed Jaamac oo wakhtigaa Jaamacadda Burco ka shaqaynaysey oo wiilkeeduna dhigto Dugsiga Sheekh ayaa intii aannu Dugsiga ku soo soconnay nooga sheekaysey siday wadnaha farta ugu haysey in wiilkeedu baasi doono imtixaanka lagu gelayo Dugsiga Sheekh; wiilkeedu oo ku dhashay Maraykanka oo si fiicanna u yaqaanay ingiriisida iyo xisaabta ayey haddana ka baqsanayd inuu imtixaankaa baasi waayo, ka waran kuwa kalena- sidaa iyo ka sii daran ayaa loo galay –

Dhallinyaradii dugsiga nagu soo casuuntay ayaa si fiican noogu soo dhoweeyey, aniga markiiba waxay ii kaxeeyeen inay isoo tusaan dugsiga gudihiisa; waxay i geeyeen laababkii sayniska, maktabadii, tiyaatarkii, madbakhii, jardiinooyinkii, barxaddii weynayd ee dugsiga, waxay i geeyeen meesha ay dharka ku maydhaan, meelaha ay wax ku akhristaan, qolalka hurdada oo qolkiiba laba sariirood oo isdulsaaran leyahay oo afar seexato; waxaan koray dusha sare ee dugsiga oo aan sawirro qurux badan ka soo qaaday dugsiga iyo magaalladaba, eeg sawirrada.

Ka dibna, waxay gaadhay wakhtigii loo ballansanaa in Abwaanka lala kulmi lahaa ee murtidiisa iyo mahadhadiisa la maali lahaa. Hadraawi oo intii aanaan Burco ka soo bixin nagaga habsaamay kulan uu la lahaa dhallinyaro dugsiga sare ee Sheekh Bashiir ka qallin-jelinaysa, ayaa wuxuu caado ka dhigtay inuu muxaadaro ama lecture qurux badan oo qiiro iyo waano isugu jira u jeediyo ardaydaa nolosha cusub gelaysa. Maalintaana wuxuu halkaa ka jeediyey mowduuc runtii aad iiga qiiraysiiyey, oo waddaniyad, masuuliyad, dedaal iyo firfircooni faraya ardayda; dusha u saaraya xilkii naftiisa, kii reerkiisa, kii reerkooda, kii bulshada iyo kii ummadda oo dhan. Wuxuu ula dardaarmay sidii qof aan weligood ku soo noqonayn – laga yaabee – in sannadka dambe uu qaar kale halkaa ugu tago-

Asluubta loo fadhiyey, curdannimada wajiyadooda ka muuqatay, sida hadalka abwaanka loo danaynayey, loona xiisaynayey, iyo sida qaar ay buugta ugu Note-garaysanayeen maahmaahyada iyo sheeko-murtiyeedyada abwaanku ku hoga-tusaaleynayey; ayaan la dhaygagay oo sawirkii aan qaadayey i ilowsiisey. Haddii haweenka aan tacliinta loo diri jirin, waxaad ku arkaysaa dugsiga hablo xijaaban oo quruxdooda iyo shacniga ka muuqda ay u dheer tahay aqoonta sare ee ay baranayaan – maansha Allaah – Qof kastoo dalka taga waxaan ku dhiiri gelin lahaa inuu dalxiis ahaan u tago dugsigaa sare ee Sheekh.

Riyaaqii iyo marxabaysiintii, ayaa ilaa kadinka dhallinyaradii nagu keentay, iyagoo wejiyadooda faraxii ka muuqday aad moodid inay iid joogaan. Waxay na siiyeen nuqullo ka mid ah warside (newsletter) ay iyagu soo saaraan oo af-Ingiriisi ku qoran, mowduucyo kala duwanna ka hadlaaya. Waxay nala sii galeen sawirradii sagootinta

Haddaba, waxa is weydiin leh, ubaxaa soo kacayaa mustaqbal fiican ma ka heli doonaan dalkooda iyo shaqo iyo nolol wanaagsan, mise aqoontaa iyo xirfaddaa ay heleen waxay u noqon doontaa furihii Tahriibta? Bal adiguba sheeg. Haddii aad ogtihiin aqoondarrada haysata ciidankeenna booliiska oo keliya, afartanka kun ee arday ee sannadkii ka qalin jebisa dugsiyada sare intoodaba booliis baad ka dhigi lahaydeen; Booliisku halkii uu aqoon iyo sharci kugu hagi lahaa ayuu amar iyo dil kugula kacayaa – qormadeenna dambe la soco waa cadaallad-darrada dalka taal, kaga hadli doonaa..

Fiiro Gaar ah: Haddii, qaar ka mid ah dhallinyaradaa dhigata dugsiga Sheekh ay helaan qoraalkan iyo sawirradiisa, fadlan u gudbiya, dhallinyarada oo dhan. Aad bay iiga soo codsadeen inaan u soo diro, runtii waan kala habsaamay – sawirrada ka la baxa ciwaankan hoose: http://picasaweb.google.com/suldaan2007

http://suldaan2007.blogspot.com/

Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland, la soco qaybta 7-aad [insha Allaah] …

Allaa Mahad Leh

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)aftahan@gmail.comwww.aftahan.org

http://suldaan2007.blogspot.com/

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland Qaybtii 5-aad
Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland

Qaybtii 5-aad.

Hadday Ceel Walwaaleed, ku go’aan wadaamuhu, waan-waani dhacantee, wadnahaan far ku hayaa- Hadraawi

Socdaalkaygii dheeraa ee Boorame markii aan ka soo noqday waxaan dib ugu soo laabtay xaruntaydii Burco oo weli Hadraawi gadhwadeen iigu ahaa, safarada inta badan qaarkood Hadraawi baannu wada soconnay. Socdaalkaa Boorame Hadraawi wuxuu ku maqnaa miyiga Togdheer oo uu laba reer oo is dilay ku heshiisiinayey, afar cisho muu joogin dalka markii uu dhexdhexaadintaa ka qayb galay, si loogu soo joosado abwaanka. Waxa maskaxdaada ku soo dhacaysa ma qarnigii kow iyo labaatanaad iyo adduunyadan Hargeysi ka mid tahay ee dayaxa tiigsanaya ee xuub-caarada (website) wax ku kala iibsanaya ayaa tolal iyo reero la isugu dilayaa. Haa, sidii baa tolal iyo dhac dumar la isugu dilayaa. Sidii baa aano iyo aargoosi la isugu dilaa, sidii baa hablaha loola tagaa, sidii baa haweenkii loo dumaalaa, sidii baa godobreeb iyo gabbaati la isugu xidhaa.

Arrinta uu abwaanku ku jirey oo Togdheer miyigeeda ka dhacday ayaa ku saabsanayd nin gabadh la soo tegey oo aabbihii u diiday inuu guursado, dabadeedna reerkii inanta dhalay loo cid diray si ay u soo doontaan inantoodii una kaxaystaan, badeedna laba nin oo ay gabadha walaalo iyo ilmaadeer ahaayeen oo loo soo diray inantii kaxeeyeen, ka dibna ay jidka u sii galeen ninkii gabadha la soo tegey iyo mid kale oo la weday dabadeedna ay toogteen oo halkaa ku dileen labadii nin; gabadhiina ka carareen.

Is abaabul dagaal, gar wisiisiday, arrin wajaqantay, iyo waanwaan daba dheeraatay ka dib, waxa labadii reer lagu heshiisiiyey inay mag ka qaataan raggii dhintay; waxaana magtooda laga xaqay laba boqol oo hallaad oo dhogor ah iyo laba boqol oo milyan oo lacag ah (lacagta qaynbaarta ah), iyo laba hablood oo godobreeb ah, looguna ballamay tuullada Taallabuur muddo bil ah guddaheed inay ku keenaan, haddii kale ay arrintu faraha ka haadi doonto.

Walaw, ay dhacdadasi sidaa ahayd, intii aan dalka joogey waxyaallaha iigu yaabka badnaa waxay ahayd, dhaqankii baadiyaha oo aan isbedelin, lana jaanqaadin magaallogalka, aqoonta durugtay ee diin iyo maadiba leh. Siiba, gobolka Togdheer oo caadooyinka qadiimiga ahaa weli ku sii baaqi yihiin, waxa ka dhaca waxyaallo oday ka sheekee ah, hablo la tegis, kufsasho haween, dilalka aano iyo aargoosi, is budhaynta, dagaalka joogtada ah iyo aaska iyo arooska aan xeer islaam iyo ka bani’aadamiga toona ku taagnayn ayaa maalin walba la dhaca dalka siiba gobolka Togdheer.

Miyiga boqolkiiba 95% dumarka waa lala tagaa, dabadeedna inta la soo xaseeyo ayaa la yidhaahdaa noo meheriya, ninka inanta dhalayna wax kale uma furna aan ka ahayn inuu meheriyo oo gabbaati iyo yarad badan ku xidho, ama inantiisa ku meheriyo lacag aad u badan, si aan berito ka-maalin si fudud loogu soo furin. Dumaasha gabadha saygeedii dhintay ayaa iyana ka mid ah waxyaalaha weli aan laga ilbixin, xitaa gabadha ninkeedii dhintay ikhtiyaar looma siiyo inay doorato cidda dumaalaysa iyadoo aan dhaafayn xeer-dumaaleedka soomaalida – cidda ehel ugu xiga ubadkeeda.

Afartii bishii 3-aad ayaan gaadhi Surf ah oo ay leedahay Jaamacadda Burco ka kaxaystay, uguna tegey tuullada Taallobuur oo xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhow, Hadraawi iyo odayaal kale oo halkaa u jooggey ballantii lagu keenayey xoolihii kiiska ahaa ee magtii raggii la laayey lagu bixinayay.

Wakhtigu waa gu’waa oo horraad iyo diihaal dartood ay xooluhu u le’deen. Geed sare iyo mid hoose toonna ma qoyana, abaar baa dhaharantay, jiilal baa daba dheeraaday, berkedihii baa madhay, dhulkaa omos dartii dildilaacay, xoolihii baa xaab ka waayey, adhigii baa bakhbakhtiyey, geeliibaa fadhfadhiisatay, sammad baa dhacaysa, wadhanweedh baa ku hor-odaaya, habaas baa balliyadii ka kacaya, biyo-dhaamis baa lagu jiraa, weyso iyo wax la cabaa xitaa waa suququul, bidhiq caano lama hayo, shaahu waa bigeys, bariis hadalkii daa, kii reer miyi ahaa mijno cascas iyo macawus gaaban buu lahaa, kii adhi ahaa meer meer iyo mus ku bakhti buu ahaa, kii geel ahaa geed hadhsi iyo galab meer meer buu ahaa, waa gu’waa iyo jiilaal badhtankii.

Goolaftanka iyo godob-raadinta reerka wax laga dilay, gabashada iyo keeb la yuururka reeraha wax dilay, werwerka iyo wadno farku haynta guddida dhexdhexaadinta ayaannu laba habeen dhexdooda ku noolayn – Hadday Ceel Walwaaleed, ku go’aan wadaamuhu, waan-waani dhacantee, wadnahaan far ku hayaa- waxa keliya ee dhallinyarada xamaasaddaysan ee doonaysa inay aargoosto lagu baajin karaa – dedaalkii iyo jilibsalaaxiddii guddida dhexdhexaadintana lagu meelmarin karaa waa geelii, lacagtii iyo hablihii oo lagu keeno muddadii loo ballansanaa.

Waxay ahayd markii iigu horreysey noloshayda ka qayb galo meel mag lagu kala qaadanayo. Inkastoo xaaladdu maalintaa degenayd, haddana waa ‘meel baas’ dhiig dad lagu kala qaadanayo, reer reer baa loo kala fadhiyaa, weliba afar meelood baa loo kala fadhiyaa, labada nin ee wax dilay isku jifi may ahayn oo laba meelood bay u kala fadhiyaan, reerkii wax laga dilayna goob bay fadhiyaan, guddidii dhexdhexaadintuna goob bay fadhidaa;

Subaxdii dambe, 7 March 2008, waxa balliga weyn ee gobabka waaweyn leh ee tuullada Taallabuur la soo tubay dhowr boqol oo geel ah (240) iyo dhowr gaadhi oo ku shixnadaysan lacag qaynbaar ah (qaynbaar waa lacagtii hore ee Somalia 50 -100 shl), waxa dhirta gobabka ah hoostooda fadhiistay boqolaal dad ah oo ka kala socda afartii qolo iyo dadweyne magaalada ka soo daawosho tegey.

Waxa la qalay geel iyo adhi badan, si dadkaa wax loo gaadhsiiyo, guddi jajaban, marti soor badan iyo magaallo isxilqaantay ayaa markiiba dadkii kala fulisey, waxaana labadii duhurnimo loo dhaqaaqay tirinta geela, eeggida tayadiisa iyo turxaantiisa. Waxaan maqli jirey ‘waxaasi waa geel kiis’ sow waxa looga jeeddaa waa wax aan dhaqasho iyo iibsasho toona la isugu keenine, dheg-la-soo-qabay la isugu keenay, waa geel aaran, udufaa, nirgo, halo dhalay, halo duqoobey, awr koromo ah, qaalmo abeer ah, iyo kuwo rimay ah isugu jira. Waa geel abaar jooga oo duqaydiisa iyo aarankiisa aan dhogor xumo darteed la kala garan. Geelii baa marka qolo laga tiriyey, qoladii kalena loo tiriyey, lacagtiina sidii si le’eg baa lagu sameeyey. Hablihii iyaga goobta lama keenin balse nimanka loo meherinayo iyo gabbaatigii laga bixinayey baa lagu xidhay, taasi hab maamuus leh bay u dhacaysaa, waxaanay hiddaysanaysaa maahmaahdii ahayd “Meeshii xinjiri ku dhacday ,xabbaa lagu bururiyaa”,

Waxaad gelaysaa jawi naxdin leh, waayo waxa meesha lagu kala qaadanayaa ‘qof dhiigiisii’ oo xaqdaro lagu dilay, taasi badh bay ka tahay mushkiladda abaarta iyo oonka, mushkiladda dilalka, aargoosiga iyo aannada ah ee had iyo jeer ka dhaca dalka. Hase yeeshee, weli waxay ku afwaajinayaan belaayo intaa ka sii weyn, mid aan laba qof ku koobnan doonin ee boqolaal qofi ku nafwaayi doonaan sidii ka dhacday Daroor oo kale.

Haddii, maamul dowladeed oo caddaali ahi jiri lahaa, taasi may dhacdeen, qofna qof si sahlan kuma dileen, reerana mago kumay kala qaateen, hablo aan dookhoodii la weydiinina godobreeb may noqdeen. Waa markii lagu ducays jirey, ilaahow inantii reer miyi hana dhigin, mid sida xoolaha loo kala iibsado (gabbaati) haddii lagu heshiin waayana, la kala dhaco (lategis) oo la isku laayo, oo dabadeed godobreeb laga dhigo oo mid xaqdarro wax ku dilay dartii loo bixiyo, mid la dumaalo inta seygeedii la dilo, mid la kufsado, mid iyadoo dhashay la raro (hayaansho). Mid inta dhexda xadhiga loogu xidho, dhaqashada xoolaha, dhallidda carruurta, dheri karinta, guri dhisidda, dhaan aroorinta, dhigo iyo lool samaynta iwm loo diro, weliba dhebi dabadii iyo hangool lala dhaco. Meeshaa (miyiga) meel dumarka uga xun weligay ma soo joogin, ragga joogana uga caqli xun.

“macno ma leh walaalkaa miyi iyo naag magaalaba’

Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland, la soco qaybta 6-aad [insha Allaah] …

Allaa Mahad Leh

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)aftahan@gmail.comhttp://www.aftahan.org/

http://suldaan2007.blogspot.com/

Muj. Gaboobe