Aftahan Press » News

Xubnaha Komishanka ee Heer gobol/Degmo oo Maanta La Dhaariyay
APTEN Hargeisa – 71 Xubnood oo ka kooban Komishanka Doorashooyinka heer Gobol iyo mid degmo ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay waajibaadkooda shaqo, sidoo kalena waxa loo furay tababar la xidhiidha hawlaha Doorashooyinka iyo qaabka ay u shaqayn doonaan.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay dhaarinta xubnahan ayaa waxa ka soo qayb-galay Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Saraakiil ka kala socday Saddexda Xisbi Qaran, Masuuliyiin ka socday Maxkamada Sare iyo Maxkamada Degmada Hargeysa iyo Madaxda Komishanka Doorashooyinka ee heer gobol iyo mid degmo loo soo xulay.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Ciise Maxamed Yuusuf (Ciise Xamari) ayaa ugu horayn dardaaran u jeediyay masuuliyiinta tababarka loo furay ee maanta loo dhaariyay xilalkooda. “waxaynu maanta si rasmi ah u furanaynaa tababarkii Madaxda iyo shaqaalaha Komishanka ee heer gobol iyo mid degmo, iyada oo laydin dhaarin doono. Walaalayaal xilkan laynoo dhiibay waa imtixaan laynagu eegayo, waa xil culus, waa masiirkii umada. Laba mid uun bay noqon, inaynu xilkaas si daacadnimo iyo muwaadinimo ku dheehan tahay u gudano iyo in aynu ku mutaysano magac-xumo iyo ceeb-qaadasho.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu, isaga oo dardaraankiisa iyo hoga-tusaalaynta uu u jeediyay masuuliyiintan yidhi; “waxaad wada ogaydeen inaynu beri dhawayd siganay oo aynu qarka u saarayn burbur, taasoo ay sababtay habkii loo maamulay diiwaan-gelintii codbixiyeyaashu. Waxa noo cadaatay in khaladaadkii dhay ay qayb wayn ku lahaayeen hawl-wadeenadii goobaha ee Komishanku, taasoo yar iyo waynba laga qayb-qaatay, taasi waxay ina dhaxal-siisay muran, waxaanaynu ku siganay AL-HAAKUMU-AL_TAKAASUR.

Waxa laydinka baahanyahay in aad u shaqaysaan si xilkasnimo iyo daacadnimo leh.”

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga UCID ayaa isagu ka hadlay madasha dhaarinta saraakiisha komishanka ee heer gobol iyo mid degmo. “waxaan leeyahay raggiina I horfadhiya ee hawl-wadeenada ah, waxa laydinku dhaarinayaa inaad si daacad ah oo hufnaan ah hawshaa laydiin igmaday u fulisaan doorashada soo socota ninoowna godka cidi kula geli mayso hadaad ka samayso wax cadaalad daro ah.”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Axmed Cige ayaa isaguna u soo jeediyay masuuliyiinta tababarku u furmay inay ka dheeraadaan eexda iyo cadaalada-darada si loogu xardho taariikhdooda boga xusuus wanaaga Somaliland. “Waxa xaaraan ah in qofku isaga oo Islaamnimo sheeganaya hadana cadaalad-daro sameeyo.

Hadaad si fiican uga soo baxdaan xilkaas laydiin dhiibtay dad la xuso oo aan waligood la ilaabin ayaad noqonaysaan idinka iyo xubnaha komishanka oo dhami. Waxaad u naxariistaan hooyada iyo aabaha masaakiinta ah ee hawsha laydinka sugayaa noloshooda saamaynta ku yeelanayso.”

Gudoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax oo hadlay Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa isaguna weedho talooyin ku duugan yihiin u jeediyay xubnaha la dhaariyay. “Waxaan idiin rajaynayaa dhawrsanaan, inaad iska kaaya ilaalisaan, waayo wuu jecel yahay xisbi waliba inuu idinka helo meel uu idinka dhex-maro.” Sidaas ayuu yidhi Cumar Jaamac

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maxamed Xirsi Oomane ayaa dhaarta ka hor isna munaasibadaas hadal kooban ka jeediyay “Xilka laydiin xilsaaray, ama laydiin tababarayaa waa xil culus, waa masiirkeenii, waa wadaniyadii aynu doonaynay, waa wixii dhibka badan loo soo maray. Qof walba oo idinka mid ah waxa saaran waajib ka Madaxweynaha le’eg, ka Gudoomiyaha Maxkamada Sare le’eg, Ka Baarlamaanka le’eg. Xilku yaryaraysi malaha”

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel ayaa kitaab gacanta u saaray dhamaan masuuliyiinta komishanka doorashooyinku u soo xushay inay uga masuul noqdaan hawlaha doorashooyinka ee gobollada iyo degmooyinka dalka isaga oo toos halkaasi ugu dhaariyay.

Talaabadan ayaa hordhac u noqonaysa hawlihii laga sugayay komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland iyo diyaar-garawga doorashooda Madaxtooyada Somaliland ee dhawrka jeer baaqatay iyo waliba xal-u-helidda arrinta kala shaandhaynta dadkii isku diiwaan-geliyay codbixinta.

APTEN Media

Hargeisa, Office

Wefti u Hogaaminayo Gudoomiyaha UCID oo Galabta Gaadhay Ceel-Afwayn
Ceel-afwayn (APTEN)- wefti ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaadhay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay si wayn ugu soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.

Weftigan oo maanta ka ambo-baxay magaalada Burco iyaga oo u sii jeeda magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga UCID ee degmadaasi Ceel-afwayn. Waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah ay uga sii gudbi doonaan dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Socdaalka weftigan uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa lagu tilmaamay mid ay u kuur-galaayaan xaalada dadka iyo deegaankaasi ku sugan yihiin iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Madaxtooyada.

Laba Ruux oo ku dhintay Dagaal Aano Qabiil Gobolka Sanaag iyo baaxada khasaaraha
Sarmaanyo (APTEN)- Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen weeraro isdaba socday oo la xidhiidha aano qabiil oo shalay iyo xalay ka dhacay deegaanka Sarmaanyo oo ka tirsan gobolka Sanaag, oo 15 Km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Xuddun ee gobolka Sanaag.

Sida ay APTEN MEDIA u xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka shaqaaqadu ka dhacay oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay. Wararka aanu jiiddaas gobolka Sanaag ka helayna ayaa intaas ku daray in weeraradani daba socdeen aano iyo dilal hore u dhex-maray labada dhinac muddo laba sano ka hor ah.

waxaana warku intaa raaciyay in aanay jirin wax waan-waan nabadeed ah oo laga dhex-wado ilaa hada labada qabiil ee xurguftu dhex-martay. Wararka aanu ka helayno ilaa caawa magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in laga dareemayay fiidkii caawa isku hub-urursi la xidhiidha labada beeleed ee xurgufta dagaal dhex-martay.

Todoba Nin oo Budhcadbadeed Lagu Sheegay oo la horkeenay Maxkamada Gobolka Sanaag
Ceerigaabo (APTEN)- 7 nin oo lagu tilmaamay inay budhcad badeed yihiin ayaa maanta la hor-keenay maxkamada gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, ka dib markii uu Markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushku maalintii shalay ku wareejiyay 7 nin ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

Waxaana la sheegay in 7 nin oo 16 maalmood ka hor markabkaasi qabtay maalintii shalay laga soo dejiyay meesha la yidhaahdo Salwayn oo 10 KM u jirta dhinaca degmada Xiis.

Wararka aanu ka helayna magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in isla maantaba Maxkamada la horkeenay raggan oo lagu eedeeyay inay budhcad-badeed yihiin, iyada oo maxkamada loo diiday inay warbaahinta ka qayb-gasho sida uu APTEN MEDIA u xaqiijiyay suxufi ku sugan magaalada Ceerigaabo oo caawa khadka telefoonka noogu waramayay.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa shaaca ka qaaday in inta ay socoto dhegaysiga dacwadani warbaahinta aan loo ogolaan doonin, hase yeeshee waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in maalinta uu xukunku dhacayo warbaahinta loo ogolaan doono inay goob-joog ka noqdaan goobta xukunku ka dhacayo.

Warku waxa uu intaasi ku daray in 7 xubnood oo muddo 16 maalmood ah markabkaasi Ruushka ahi hayay aan ilaa hada la shaacin deegaanka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan. Waxa kale oo aan isla-markaasi lagu wareejin ciidamada ilaalada xeebaha hubkii ay wateen nimankani.

Mana aha markii ugu horaysay ee xukuumada Somaliland xukun ku rido kooxo lagu sheegay inay budhcad-badeed yihiin.

Taasoo saamayn ku yeelatay dadweynaha ku dhaqan Somaliland. Waxaana dhawaan deegaanka maamul-goboleedka Puntland laga afduubay gaadiid ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah. kuwaasi oo ay afduubeen kooxo reer Puntland ah oo ku andacoonayay in xukuumada Somaliland haysato oo xabsiyada u taxaabtay dad aan waxba galabsan oo kalluumaysato ahaa.

Dufcadii U Horaysay oo Ka Qalin-jebisay Jaamacada Burco
Burco (APTEN)-Xaflad si heer sari ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galleen masuuliyiin badan oo ka kala socotay axsaabta qaranka,mudanayaal ka tirsan baarlamanka somaliland oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Goloha Wakiilada Somaliland c/raxmaan Maxamed C/laahi{cirro},Gudoomiyayaasha jaamacadaha , Camuud, Hargaysa, Golis NUGAAL iyo waliba marti sharaf kaLe oo ay ka mid ahaayeen salaadiinta, waxgarad, cuqaasha gobolka Togdheer iyo sido kale masuuliyin ka kala socota axsaabta qaranka.

Xafladan oo ahayd mid shahaadooyin lagu gudoonsiinay arday gaadhaysa 93 arday, kuwaasi oo ka qalin jabiyay jaamaccadda burco isla markaana ahaa dufcaddii koowaad ee ka qalin jabisa jaamacadda Burao university, Ugu horayn waxa goobta ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda Burco prof:C/raxmaan Cali Ducaale oo faahfaahin ka bixiayay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacdu soo martay iyo taariikhdii la aasasaay ilaa hada waxa u qabsooomay iyo waxa horytaala ee u baahan in wax laga qabto.

Sidoo kale waxa isaguna goobta kasoo jeedayay hadalo duur xula xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland isagoo si aad ugu dhaliilay xukuumada iyo wasaaradaha qaabilsan cadaalada iyo waxa barasha da inay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday,isla markaana wuxuuu goobta kaga dhawaaqay xildh:cali mareexaan lacag gaadhaysa 1000$ oo uu ugu deeqay jaamacada Burco isagoo ugu baaqay martida ka soo qayb gashay xaflada inay u istaagaan gacan qabasahada jaamacadda.

Waxa iyanaguna goobta hadalo kal duwan kasoo jeedayay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ucid ing:faysal cali waraabe,gudoomiyaha baarlamaanka c/raxmaan cirro ,muuse biixi cabdi oo ku hadlayay magaca xisbiga kulmiye,xoghayaha guud ee xisbiga udub jaamac yaasiin faarax,gudoomiyaasha ka socday jaamacadaha somaliland, iyadoo u muuqatay xafladu intay socatay mid laysku waydaarsamnayo gantaalada lidka diyaaradaha,oo qofba qofka ka horeeya hadalkiisa tixraacayay.

Si kastaba ha ahaatee waxa shaahaadooyin la gudoonsiiayay arday qalin jabisay iyagoo iyana shahaado sharafyo gudoonsiiyay gud:jaamacada prof:c/raxmaan iyo waliba macaliiintii wax soo bartay.

waxana xafladda soo xidhay ugu danbayn gudoomiyaha gobolka togdheer jaamac c/laahi biin. waxana markii xafladu dhamaatay dadka wajiyadooda laga dheeahanayay farxad iyagoo masuuliyiin kasoo qayb gashayna labo labo debeda isugui gacan qaadayay.

Faadumo saleban jaamac

Burco Somaliland

faadumo_422@hotmail.com

Muj. Maxamed Kaahin Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Marka Doorashadu Soo Dhowaato Ay Ku Mashquusho Dhagax-Dhig & Mashaariic Ma-dhalays Ah
“Waa La Ogyahay Tobanka Jeer Ee Uu Rayaale Dhagax Dhigay Dakada, Warshada Sibidhka Oo Ummaduna Ku Turunturooto, Burco Lacagtii Dawladii Siyaad Barre Ee Dhacday 91-Kii Ayey Iska Qaadataa, Ceerigaabana Waxa Ka Socota Lacagta4-Ka &A5-Ka Lagu Soo Daabaco Puntland ”

Afhayeenka Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin

Hargeysa, March, 11, 2010 (Haatuf) –  Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa xukuumadda Madaxwayne Daahir Rayaale ku eedeeyey in xiliga doorashooyinku dalka ay ku soo fool leeyihiin ay bilawdo balan qaadyo ay ka samayso mashaariic lagu dhisayo warshado, dakado iyo  wadooyin oo uu tilmaamay inaanay waxba ka fulin, isagoo intaa ku daray in warshadihii madaxwayne Rayaale dhagaxa dhigayey Berbera, badalaadii lacagta giimbaarta Burco iyo samayntii dariiqa magaalada Ceerigaabo aanay waxba ka fulin habayaraatee.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa kale oo uu madaxwayne Rayaale eedo uga soo jeediyey hadalkii uu ka jeediyey qabyada xeerarka doorashooyinka golaha guurtida iyo wakiilada oo uu tilmaamay in ujeedadiisu ay ahayd in doorashada madaxtooyada iyo wakiilada hal mar la wada qabto.

Mujaahid Maxamed Kaahin oo khadka telefoonka aanu xalay xogwaraysi kula yeelanay isagoo jooga magaalada Burco ayaa sidoo kale ka hadlay taageerada KULMIYE ee gobolada dalka iyo rajada ay ka qabaan cod bixinta doorashada.

Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayana iyo jawaabihii uu ka bixiyey afhayeenka KULMIYE waxay u dhaceen sidan

S: Waxaa la sheegay in xukuumadu gobolka Sanaag ay ka hirgalinayso Dakad arinkaasi muxuu kuula muuqdaa?

J:Horta Maydh waligeed iyo alaheed dakad bay ahaan jirtay iyada iyo Xiis waxay ahaayeen meelihii mudada dheer la isticmaalayey wax alaala waxa soo daga wax lagala soo  dagi jiray bay ahaayeen, meelaha fog fog ee gobolka sanaag ee Maakhirka la yidhaahdo in horumar laga sameeyo iyo adeegyo waa horumar soo kordhaya ummaduna u baahan tahay.

S: Waxaa lagu tilmaamayaa arinka Dakada Maydh arimo xukuumadu ay olalaha doorashada uga faa’idaysanayso arinkaa maxaad ka leedahay?

J: Walaahi haday ummada wax ku celinayaan waabay fiican tahaye horay xukuumadu mashaariic waawayn oo lagu samaynayo Dakado ama wadooyin laamay ah lagu samayayo gobolka Sanaag oo dalka go’doon ka ah hadii ay taas samaynayaan aad iyo aad baan u soo  dhawaynaynaa, Burco lacagtii giimbaarta ahayd ee dawladii Siyaad Barre ee dhacday 1991-kii  ayey qaadataa, gobolka Sanaag iyo Ceerigaabana lacagta lagu qaataa A for A 5-ka lagu soo daabaco Puntland ayey isticmaashaa, xiliyadii hore doorashooyinku markay soo dhawaayeen dawlada Daahir Rayaale mar walba balan qaadyey samaynaysay inta jeer ee uu dhagax dhigay dakada Berbera waa la ogyahay inta meelood ee uu dhagaxyo dhigay warshado waa la laayahay, dhagaxaantii uu dhigayey ayaabay ummadu ku turunturootaaye oo wax ka qaada loo laayahay, hadana warshadihii uu tobonka jeer uu dhagaxa dhigay ilaayo imika lama yaqaano meel ay ku danbeeyeen. Hadaba had iyo jeer balan qaadyo way samayn jireen taasi wuu bartay oo waa caadadiiye haday imika meelo dakado ka samaynayaan doorashada waxay doonaan hakaga helaane hadii ay ummada wax u kordhinayaan oo ay wax u samaynayaan waanu soo dhawaynaynaa, waxaanse jecelahay arinka laga hadlayaa waa balan qaadyadii hore ee warshadii sibidhka Berbera, lacagtii la yidhi Burco waa laga badalayaa ee sadexda miisaaniyadoodba lagu soo daray ee mid kastana sanadka dabayaaqadiisa ay baanka kala baxaan oo xukuumada Rayaale waa looga bartay hadayse run u sheegayan  ummada oo wax u qabanayaan waanu soo dhawaynayaa.

S: Mudooyinkan danbe hawlihii xisbiga KULMIYE kama dhex muuqatida adigoo mudo dheer magaalada Burco ku sugnaa ma wax is badal ah ayaa ku yimid hawlihii aad u xilsaarnayd ee afhayeenimo?

J: Wax iska badalay ma jirtee halkan inta hawlood ee KULMIYE ka qabtay iyo bulshada xafladaha loo qabtay ee ku soo biirtay way badan tahay taasi wax sii kordhay mooyee wax iska badalay ama iska badali karaaba ma jiraan.

S: Taageerada xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer in doorashada madaxtooyada uu ka helo taageerada aad ka haysaan bulshada ku dhaqan gobolkaasi rajo intee leeg baad ka qabtaan?

J:horta KULMIYE gobolka Togdheer oo kaliya taageero kuma laha, doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2003-dii cododkii doorashada KULMIYE afar gobol buu ugu cod badnaa maantana waxaan qiyaasi karayaa gobol kasta inay tahay  oo aan Burco oo kaliya ahayn in taageeradiisu ay gobol walba ka sii badanayso, waxaanan ka qiyaas qaadan karnaa bulshada faraha badan ee ku soo biiraysa sidaa darteed waxaan qabaa in taageerada xisbiga KULMIYE ay gobolkasta afar jibaarantay kana sii kordhayso halkii ay taagnayd doorashadii hore ee madaxtooyada.

S: Xiligan oo la filayo in doorashadii madaxtooyadu ay qabsoonto sanadkan 2010-ka oo ay isku soo beegmeen gunaanadkii mudada xilka golayaasha guurtida iyo wakiilada oo ku eeg badhtamaha bisha October taas darteedna aanay samaysnayn xeerarkii lagu soo dooran lahaa labada gole baarlamaan, dhawaana madaxweyne Rayaale sheegay in talo qaran laga yeesho xeerarkooda sideed u aragtaa doorashooyinka isku soo beegmay?

J: Horta waxa ayaan daro ah sidii qof suuqa jooga oo iska caadi ah sidii uu wax u waydiin lahaa inuu madaxwayneheenii uu dadka wax u waydiiyo anigu ma garanayo marka uu leeyahay xeerkii doorashada golaha wakiiladu diyaar maaha, xeerkii golaha guurtiduna diyaar maaha anigu ma garanayo cida uu waydiinayo xeerarkaasi ee xukuumada dalka ayaa ka masuul ah inay diyaariso doorashada iyo nidaamkeeda, hase yeeshee ujeedada uu ka lahaa markii uu ka hadlayey xeerka doorashada wuxuu doonayey in la isa saaro doorashooyinka madaxtooyada. Distuurku waxa uu dhigayaa in doorashada golaha wakiiladu ay toos tahay mudada xilkooduna ay tahay mudo shan sano ah, hase yeeshee isagu mudadii xilka shanta sano ee la doortay ee dib u dhacu ku yimid doorashada madaxtooyada isagu haka waramo, ujeedada hadalkiisii ku wajahnaa xeerarka doorashada labada gole baarlamaan ee uu lahaa ha laga wada tashado waxa laga soo xigtay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada in ujeedadu ahayd inuu ku doonayey sidii doorashada wakiilada iyo madaxtooyada la isku raacin lahaa sida dalka South Africa oo kale, madaxwaynuhu waxa aanu ka jawaabi karayn sababta doorashadiisu ay sadexda sano usoo mudo dhaaftay, xeerka doorashada golaha guurtida ee laalan ilaa 1997-kii ilaa maanta marna uu madaxwayne ku xigeen ka haa dalka marna madaxwayne uu ka ahaa mar kaliya kamuu hadal xeerkaasi laalan, waxaana ku ceeb ah dalka iyo dadka gole dhan oo sharci dajin ah oo xeerkiisii lagu soo dooran lahaa aanu ilaa hada dajinsanayn, waxaanay ka mid tahay ayaan darooyinka dalka haysta distuurka uu madaxwaynaha ku yahay ee xaga danbe kaga qoran tahay xeer baa qeexi doona, xeerka doorashada golaha wakiiladana waxaan qabaa in mudo ku filan ay ku soo saari karaan golayaasha sharci dajintu.

Source: Haatuf,

Submitted by: Maxamed S Cumar.

Laascaanood: Koox Suxufiyiin ah oo Xabsiga Loo Taxaabay
Laascaanood: Koox Suxufiyiin ah oo Xabsiga Loo Taxaabay

Laascaanood (Apten)- Maamulka Gobolka Sool ayaa maanta xabsiga dhigay Koox Suxufiyiin ah oo hawlo shaqadooda la xidhiidha safar rabay inay ugu tagaan tuulada Buullo-wadal oo shir uga socdo qaar ka mid ah Garaadada iyo madax-dhaqameedka gobolka Sool.

Kooxda kooxdan suxufiyiinta ah ee xabsiga loo taxaabay ayaa ciidanku Boolisku gacanta ku dhigeen markii ay isyidhaahdeen ka baxa kaantaroolka dhinaca Bari ee magaalada Laascaanood. Waxaana wararka APTEN MEDIA ka soo gaadhaya magaalada Laascaanood ay intaasi ku darayaan in hawl-wadeenadan ka hawl-gala Hay’adaha kala duwan ee Warbaahinta oo tiradoodu dhan tahay 5 suxufi loo dhaadhiciyay Saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood, halkaasoo ay ku xidhnaayeen muddo Shan Saacadood ah.

Xadhiga weriyayaasha ayaa ciidanka boolisku ku salleeyeen in shirka lagaga hadlayo tuullada Buullo-wadaag uu yahay mid Somaliland lidi ku ah oo lagaga soo horjeedo jiritaankeeda.

Suxuiyiinta ayaa markii danbe lagu soo sii daayey dammaanad laga qaaday in aanay ka bixi Karin magaalada. Sida uu noo cadeeyay mid ka mid ah weriyeyaashan oo codsaday in aanaan magaciisa shaacin, isaga oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay markii la soo daayay suxufiyiintan.

Suxufiyiintan laga hor-istaagay hawlahooda shaqo, xabsigana loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin magacayadoodu.

Maxamed Cali Faarax oo ka hawl-gala TV-ga ETN

Maxamed Shaqalle oo isagu ka tirsan TV-ga Universal

Cabdiqani Ismaaciil Good oo u shaqeeya Shabakada wararka

Cabdiqani mastar oo ka tirsan Shabakada Xargaga

Cabdiqanni Keyse oo ah Suxufi madaxbanaan

APTEN MEDIA Group

Lascaanood

Somaliland

Madaxweyne Shariif: Safaaraddii Soomaaliya ee UK waannu furaynaa + SAWIRRO
Madaxweynaha dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa kulan balaadhan oo uu la yeeshay Jaalliyadda Soomaaliya ee UK, waxa uu ka sheegay inuu dib u furayo safaaraddii Soomaliya ee dalka Ingiriiska. Qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo uu halkaa ka jeediyey Halkan ka Dhegeyso:

Qudbaddii Madaxweyne Sheikh Shariif Axmed

<object classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" width="300" height="27" id="ssg_gplayer_object-0">
<param name="movie" value="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/dhegeyso/Shariif.mp3" />

<object type="application/x-shockwave-flash" data="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/dhegeyso/Shariif.mp3" width="300" height="27">

</object>

</object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="600" height="400" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="flashvars" value="host=picasaweb.google.com&hl=en_US&feat=flashalbum&RGB=0x000000&feed=http%3A%2F%2Fpicasaweb.google.com%2Fdata%2Ffeed%2Fapi%2Fuser%2Faftahanpress%2Falbumid%2F5447384134157727745%3Falt%3Drss%26kind%3Dphoto%26hl%3Den_US" /><param name="src" value="http://picasaweb.google.com/s/c/bin/slideshow.swf" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="600" height="400" src="http://picasaweb.google.com/s/c/bin/slideshow.swf" flashvars="host=picasaweb.google.com&hl=en_US&feat=flashalbum&RGB=0x000000&feed=http%3A%2F%2Fpicasaweb.google.com%2Fdata%2Ffeed%2Fapi%2Fuser%2Faftahanpress%2Falbumid%2F5447384134157727745%3Falt%3Drss%26kind%3Dphoto%26hl%3Den_US"></embed></object>

Munaasibad si heer sare ah loo soo qabanqaabiyey, ammaankeedana aad loo sugay, suugaan, heeso, buraanbur, gabayo iyo qudbado xiiso baddana laga jeediyey;  soo dhoweyn aad u qiimo badan baa lagu soo dhoweyeeyey Madaxweynaha dowladda ku meelgaadhka Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed;

Allee mahad leh

Suldaan Jaamac

Aftahan Press & The Enterprise Newspaper

“Waxaan Kulmiye leeyahay, Dulqaadkii Wuu Naga Dhammaaday, Mana Dhacayso In Siilaanyo Hargeysa Tamashleeyo…” Muj. Cali-Guray, Af-hayeenka UDUB.
Hargeysa (APTEN) Afhayeenka Xisbiga UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag uga hadlay weji-gabaxa madaxda Xukuumadda & Xisbiga UDUB ka qabsata fagaarayaasha laysugu yimaaddo. Cali-Guray oo daba socday orta iyo foodhida madaxda UDUB iyo gaar ahaan Xog-haye Jaamac Yaasiin ay kala kulmaan goobaha iyo xafladaha layskugu yimaaddo, si gaar ahna u daba-socday weji-gabixii Xoghayahooda ka qabsatay madashii furitaanka Shirkadda SOMTEL, waxa uu baaq hanjabaad ah u diray Guud ahaan Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.

Cali Guray waxa uu tilmaamay in aanay dhici doonin in guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu tamashle ku  dhex maro magaalada Hargeysa, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB-na uu meel ka waayo. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyay Xoghayahii hore ee  Maaliyada  Xisbiga UCID, Keyse Cali Geeddi oo ka dhacday Huteel Crown ee magaalada Hargeysa.

Afhayeenka oo halkaa ka soo jeediyay hadallo isugu jiray digniin iyo soo dhaweyn ayaa yidhi “Berigii dhaweyd ee uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye dalka dib ugu soo laabanayay waxa aad ka war haysaan in dacaayado raqiis ah lagu faafiyay warbaahinta isla markaana la lahaa dalka ka ma soo geli karo, laakiin waxa aad taa bedelkeeda aad arkeyseen sidii quruxda badnayd ee loo soo dhaweeyay iyo sida aanu xisbiga UDUB marnaba wax carqalad ah la damacsanayn. Anagu waxa aanu mar walba ilaalinaa xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada, waxaana wanaagsan in uu istixraamku uu inoo noqdo mid inoo caado ah, laakiin waxa ixtiraamka la yidhaahdaa waxa uu u baahan yahay laba dhinac.

Af-hayeenka oo taas barbardhigayay Safarkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, waxa uu yidhi: “Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ayaa waxa uu soo  maray gobolada bari, Caynabo ayuu soo maray, Burco ayuu barigeeda iyo galbeedkeedaba soo maray, Hargeysa marka uu marayo waxa aanu ognahay in shan jidgooyo loo dhigay, cidda dhigtay iyo kuwa istaagay intaba waanu garanaynaa. 20-kii February munaasibad lagu xusayay maalintii dhagax tuurka ayaa laga isugu yimid fagaaraha beerta xoriyadda, munaasibadaa dad badan oo soo halgamay ayaa ka hadlay, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB markii uu hadalka bilaabay ayaa ciyaal la soo abaabulay  oo basas lagu keenay, oo aanu garanayno hebel iyo hebelka iyo heblaayada soo abaabushay, kuwaas oo lagu yidhi marka uu cod-baahiyaha qabsado qayliya. Waxa la yidhi meyd maxaa ugu danbeeyay iyo kaa hada la sii sido, maalin dhaweyd waxa la igu yidhi aniga la igama casuumin, xafladdii ay qabsanaysay shirkadda Somtel, Axmed siilaanyo ayaa ka hadlay, hebel baa ka hadlay, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB marka ay marayso ayaa lagu qayliyay oo awal caruurbay ahayd raggii waaweynaa ayaa xataa  qaylada markan ku jiray.” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB.

Mujaahid Cali Guray waxa uu tilmaamay in ay xisbigooda  UDUB ka dhamaatay dul qaadkii, isla markaana waxa u digniin tii ugu cuslayd u diray dhamaanba masuuliyiinta xisbiga KULMIYE. “Waxa aan maanta kulmiye u sheegi lahaa, way dhamaatay, dul qaadkii wuu naga soo dhamaaday, uma dul qaadanayno in maalin kasta inta ay dad soo abaabulaan aanu anagu ixtiraamno iyaguna ay xoghayaha guud ku qayliyaan, mana dhacayso in uu axmed siilaanyona Hargeysa tamashleeyo, xoghayaha guud ee udubna uu geed uu istaago hargeysa ka waayo. Waxa aanu leenahay waanu kari karaynay anagu in aanu maalintii uu siilaanyo imanayay in aanu ciyaalka iyo dumarka soo abaabulno oo aanu ku qaylino.”

Ugu danbayntiina waxa uu si gaar ah  xisbiga ugu soo dhaweeyay Keyse Cali Geedi oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID “Waxa aan xisbiga  si kal iyo laab ah ugu soo dhaweynayaa Keyse cali geedi, waxaanan leeyahay keysoow haddii ay xafiisyada mucaaradka shaqo badan, wada tashi badan iyo hawlo ka socdeen halkana aad ka filayso in ay sidaas ka sii saxmad badnaato, lagama yaabo ee waa meel degan” ayaa Muj. Cali Guray hadalkiisa ku soo af-meeray.

Maxamed S Cumar,

APTEN Office, Hargeysa.

Buurta Sheekh: Xukuumadda Somaliland Oo Ku Hambaabirtay Dhul-Boob Aanay Hore U Ogeyn
Hargeysa (APTEN) – Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Siciid Sulub ayaa markii u horreysay shaaciyay  dhul-boob lexaad leh oo ka socda Buurta Sheekh, kaas oo uu sheegay inaanay Xukuumad ahaan hore uga war qabin.

Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland Siciid Sulub oo shalay kormeer ku maray jidka isku xidha magaalada Berbera iyo degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, waxa uu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii il gaar ah loogu hayn lahaa jidkaas, ka dib markii roobabkii dhowaan da’ay ay ciid iyo dhagxaan ku jareen meelo ka mid ah buurta Sheekh iyo goobo kale oo jidkaas ku yaala.

Dhagxaanta iyo ciidaas oo todobaadki u dambeeyay caqabad ku haysay isu-socodka gaadiid, waxa la sheegay in shalay la baneeyay, ka dib markii ay olole ku qaadeen wasaaradda Hawlaha guud iyo hay’adda wadooyinka Somaliland (SRA).

Wasiirku waxa kale oo uu kormeer ku maray magaalada Berbera, waxaanu booqday xarumaha hay’adaha dawladda ee gobolka Saaxil qaarkood. “Waxaan halkan u imid sidii aanu uga hawlgali lahayn waxna uga qaban lahaayeen jidka isku xidha Berbera iyo Sheekh. Waxa roobabkii toddobaadkii hore da’ay ay wadadaasi oo halbawle u ah dalka dhigeen dhagxaan iyo ciid aad u badan oo dhibaato ku noqday gaadiidka, waxaanu ka shaqaynaynaa sidii wadadaas il gaar ah loogu hayn lahaa,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlay socdaalkiisa gobolka Saaxil

Mr. Siciid Sulub waxa kale oo sheegay in buurta Sheekh ay sheeganayaan dad uu dhulboob ku tilmaamay, kuwaasoo uu xusay inay doonayaan inay baloodho ka dhigtaan. Hase yeeshee, waxa uu dadkaas u jeediyay inay joojiyaan talaabadaas, kana fogaadaan buurtaas.

Maxamed S Cumar,

APTEN Office/Hargeysa.