Aftahan Press » Radio

Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
Affartankii sano ee ugu  dambeeyey, waxay jaamacaddu waxay si gaar ah u kaydin jirtay cajaladaha ay ku  duuban yihiin dhamaan noocyada kale duwan ee suugaanta Soomaaliyeed. Marka laga  reebo maktabadda Congress-ka Maraykanka, oo haysa kaydka dunida ugu weyn ee  buugaagta laga qoray Soomaaliya, Jaamacadda Indiana ayaa noqonaysa maktabadda  labaad ee ugu weyn ee kaydisa culuumta Soomaaliyeed.

Halkan ka dhegeyso: warbixinta Cabdirahman Aynte

Americana_31Aug07

<object classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" width="300" height="27" id="ssg_gplayer_object-0">
<param name="movie" value="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/wp-content/uploads/2010/01/Americana_31Aug07.mp3" />

<object type="application/x-shockwave-flash" data="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/wp-content/uploads/2010/01/Americana_31Aug07.mp3" width="300" height="27">

</object>

</object>

Tusaale ahaan, haddii aad u  baahato inaad dhagaysato gabayo la duubay ku dhawaad boqol sano ka hor,  maktabadda kaliya ee aad ka hali karto waxay ku taallaa jaamacadda Indiana.

Prof. John Johnson, oo macallin  ka ah jaamacadda Indiana ayaa ah qofka sida gaarka ah isugu xil saaray howshan.  Waxaan laba toddobaad ka hor kula kulmay magaalada Columbus ee gobolka Ohio,  halkaas oo uu ka socday shirka daraasaadka culuumta Soomaaliyeed.

“Waxaan uruuriyey buugaagtii laga  dhigi jiray iskuullada Soomaaliya xilligii Max’ed Siyad Barre. Maaddooyinka aan  hayno waxay isugu jiraan xisaab, Juquraafi, Physics, taariikh, arrimaha diinta,  suugaan iyo kuwa kale,” ayuu yiri Johnson.

Prof. Johnson dhowr goor ayuu  Soomaaliya tagay ka hor intaanuu burburka dhicin. Isagoo doonaya inuu culuumta  Soomaaliyeed wax badan ka barto ayuu u xereysan jiray Prof. Guush Anjayefski, oo  af-Soomaaliga ka dhigi jira jaamacadda London.

Wuxuu kaloo Prof. Johnson wakhti  badan galiyey matxafkii iyo maktabaddii qaranka Soomaaliyeed ka hor intii aysan  dagaallada sokeeye ku burburin. Wuxuu ii sheegay in Wasaaraddii Hidaha iyo  Tacliinta sare ee dowladdii Siyad Barre, ay u soo diri jireen buugaagta iyo  cajaladaha cusub ee hadba ku soo kordha kaydkooda.

Muxuu Johnson u xiiseeyey  suugaanta Soomaalida?

Waxaase la is weydiin karaa  sababta ay Prof. Johson iyo jaamacaddiisuba u go’aansadeen inay kaydiyaan  culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waa kan isagoo su’aashaas ka jawabaya:

“Sanadkii 1978 markii la aasaasay  ururka Caalamiga ah ee Daraasaaska Culuumta Soomaaliyeed ayuu agaasimaha  ururkaas, Xuseen Tanzaaniya, ii magacaabay xoghayaha cilmi-baarista iyo  kaydinta. Markaas ayay iila muuqatay in sida ugu habboon ee aan culuumta  Soomaaliyeed ku kaydin karo ay tahay inaan ku uruuriyo jaamacadda aan ka  shaqeeyo.”

Dagaalladii sokeeye kadib, Prof.  Johnson wuxuu ii sheegay inuu isku taxallujiyey bal inuu meel ku soo ogaado  buugaagtii iyo cajaladihii faraha badnaa ee oolli jiray maktabaddii qaranka.  Marka laga reebo xoogaa buugaag ah oo soo gaaray Maktabadda Congress-ka  Mareykanka, Prof. Johnson wuxuu ii sheegay inaanan meelna lagu sheegin intii  badnayd buugaagtaas.

Inkastoo uusan af-Soomaaligiisu  wanaagsanayn, haddana Prof. Johson wuxuu ii sheegay inuu qaxwo ku iibsan karo,  hoteelna ku kiraysan karo, haddii uu u baahdo.

Soomaalida iyo  suugaanta

Ha yeeshee waxaan weydiiyey  sababta uu u xiiseeyo culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuuna ku  jawaabay:

“Marka hore, haddii Soomaalida  laga qaado gabayga, waa ay wada dhimanayaan. Ma noolaan karaan. Gabaygu waa  hannaanka kaliya ee ugu muhiimsan ee ay Soomaalidu isku gaarsiiyeen dareenkooda  hoose. Ha ahaato dhanka falsafadda, dhanka arrimaha diinta ama dhanka siyaasadda  iyo wada xaajoodka tooska ah ee shakhsiyaadka ama beelaha dhexmara, gabaygu udub  dhexaad ayuu u yahay af-Soomaaliga. Haddii uu madaxweynaha Maraykanka qof  Soomaaliya ahaan lahaa, xogyahihiisa warfaafintu gabayaa ayuu noqon lahaan!  Farriimaha ugu muhiimsan waxay Soomaalidu isugu gudbiyaan noocyada kala duwan ee  suugaanta, sida gabayga, geeraarka, heellada ama jiiftada.”

Prof. Johnson wuxuu ii sheegay  inuu jeclaan lahaa in Soomaalida qurabaha, gaar ahaan kuwa waqooyiga America ee  danaynaya culuumta Soomaaliyeed, ineey soo booqdaan maktabadda jaamacadda  Indiana, si buu yiri looga faa’iideysto kaydkan uu hayo.

Dhowrkii sanadood ee ugu  dambeyey, waxay jaamacadda Indiana kharash badan ku bixisay sidii kaydka  culuumta Soomaaliyeed loogu xarayn lahaa bartooda Internetka, si markaas qofkii  daneynaya cilmigaas uu isagoo jooga dunida cirifkeeda kale uga faa’iideysto.

Barta Jaamacadda  Indiana

Kaydka suugaanta iyo culuumta  Soomaaliyeed ee Jaamacadda Indiana waxaad ka akhrisan kartaa barta eey sida  gaarka ah jaamacaddu ugu sameysay oo ah:

http://www.indiana.edu/~libsalc/african/Digital_Somali_Library/home.html

Source: VOA Somali