|
DIIWAANKA MAANSADA TIMACADDE
Waxa la soo daabacay oo la iibinayaa Diiwaanka Maansada abwaankii Waddaniga ahaa ee (Timacadde) oo ka kooban 126 maanso. Daabacaaddii koowaad ee 1983kii oo ay ku jireen 54 maanso wax a lagu soo kordhiyay 72 maanso oo kale.
Diiwaankani, wuxu ka kooban yahay lix qaybood oo kala ah:
-
Hormaynta Daabacaadda 2aad,
-
Gogol-dhig: Maalmihii & Maansada Timacadde
-
Bilowgii gabayga iyo Gobannimo-doonkii: 1936-1960kii,
-
Madaxbannaanidii Siyaasadeed iyo Foof-habowgii Maandeeq: 1960kii – 1969kii,
-
Inqilaabkii Millateriga: (1969kii - 1971kii),
-
Qiimaynta Timacadde iyo Maansadiisii oo ay ka qayb galeen halabuur door ah iyo dad mujtamaca magac ku lihi oo ay ka mid yihiin: Xuseen Aw Faarax Dubbad, Cabdillaahi Qarshe, Cali Cilmi Af-yare, Xaaji Cabdi Ayuub, Ismaaciil Xaaji Cabdi, Axmed Aw Aadan, Maxamed Xaashi Dhamac, Maxamed Ibraahin Warsame, Cali Ibraahin lidIe iyo Mowliid Aw Nuux.
Marxaladaha waxa raacsan Hordhac taariikhiya oo qeexaya waayihii maansooyinku ku soo baxeen.
Diiwaanka Maansada Timacadde, wuxu ka kooban yahay 317 Bog.
"Ninkii sawdka aarkiyo lahaa, Summadihiisiiba"
Qaybinta & Iibinta Jumladda: Maktabadda Al-Jiil Al-Jadiid, aljeel@yahoo.com, 00-252-2-523334, Hargeysa
Waxa kale oo aad ka iibsan kartaa:
-
Al-xuseyni,
-
Xaraf Bookshop,
-
Al-Mahdi,
Qiimaha Guduhu waa: 10 Doollar
www.aftahan.com la soo xidhiidh haddii aad nuqul rabtid |