Aftahan Press

Warqad Furan: Doorashada Somaliland
Warqad Furan: Doorashada Somaliland

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. ASalaamu Calaykum?

Salaan sharaf mudan ka dib; ugu horreyn waxa mahad leh Allaah, sidoo kale waxaan halkan uga dirayaa tahniyad, hanbalyo, bogaadin iyo mahadcelin ba shacbiga Somaliland, guddida doorashada, ciidanka qaranka, ka booliska, xisbiyada siyaasadda, kor-joogayaasha (observers) caalamiga ah iyo qurbajoogga Somaliland ee dalka ku sugan, oo intooduba fududeeyey dhicitaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo caalamkuba ammaanay. Waxa kale oo aan warqad furan halkan uga dirayaa shacabka, saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashada oo aan talo iyo tusmoba ugu gudbinayo.

Shacabka Somaliland

Shacabka Somaliland waxay mudan yihiin ammaan, maadaama ay garteen,inay iyagu kursiga iyo derejada leeyihiin oo qofkii ay u gartaan ka dhiganayaan “mas’uul’ (Madaxweyne, Xildhibaan, Maayar iwm.) Waxaad dhacsateen xuquuqdiina, mar haddii aanu qofna derejadaa gaadhayn, haddii aannu idin soo marin oo kalsooni iyo codba idin weydiisan. Muddo aan yarayn baa la xaqirsanaa xuquuqdiina’e maanta guul baad joogtaan haddii aad go’aanka iyo kursigaba idinku leedihiin; waxase idinla gudboon inaad ilaashataan oo ballanqaad xisbiyada ku daba gashaan, xisbigii fulin waaya ballanqaadkiisana aad ogaataan oo kolka dambe ku eridaan.

Guddida Doorashooyinka (Electorial Commission)

Waxaad qabateen hawl culus oo aad u weyn, weli lama gaadhin go’aankii, balse inta la idinka arkay waxaad ku shaqaynayseen firfircooni, hawlkarnimo iyo karti aad hawsha ku fulinayseen, waxaase weli dhiman caddaaladdii iyo dhexdhexaadnimadii, taasna waxa la idiinka markhaati kacayaa markaad ku dhowaaqdaan go’aanka doorashada. Waxaa idinka gudboon – murna ha ka qaadhaadhaatee – inaad doorashadii dadku galay si caddaalad ah oo aan caad saarnayn ugu dhowaaqdaan natiijada saxda ah wakhtiga ugu habboon.

Faisal Cali Waraabe

Waxaad tahay aqoonyahan, halgamaa, xaq-u-dirir, qayb weyn oo muhiim ah ka soo qaatay dhowr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey geedi-socodka siyaasadeed ee Somaliland. Waxaan ahayd odayaashii iyo aqoonyahankii u xusul duubnaa xasilinta iyo nabadaynta dagaalladii sokeeye ee Somaliland dhowr iyo sagaashankii ka socday. Adiga, marxuun Buuni, Rashiid-gadhweyne iyo Dr Bulxan iyo raggii kale ee idin kula jirey guddidii Addis Ababa waxaad ka soo qaadateen nabaddaynta Somaliland. Waxa kale oo aad ahayd raggii qaddiyadda Somaliland sida xoogga iyo xamaasadda leh uga ololayn jirey dibedaha, mudahaaradda iyo dibad-baxyadana ka samayn jirey. Geeddi socodka dimuqraadiyadda iyo isbedelka habka doorashooyinkana adiga iyo xisbigaaga Ucid oo aqoonyahanno dhallinyara ahi ka buuxaan ba doorweyn baad ku lahaydeen. Xisbigaad hormuudka u tahay (Ucid) wuxuu dhallinyarada iyo haweenka aqoonyahanka ah ee adduun-araggoodu ballaadhan yahay u noqday salaan ay ka soo koraan siyaasadda Somaliland ee reernimada dishootey, waxaa la saadaalinayaa inuu xisbigaasi waa-cusub u noqon doono Somaliland ka saara mugdi iyo siyaasadda gabowdey ee nidaamkii gumeysiga ku dhisan – qaybi oo xukun.

Mudane Faisal, haddii aad doorashada hesho, waxa kula gudboon inaad ka dhabaysid waxaad ummadda ugu yaboohaysey dhowr kii sannadood ee ina dhaafay, inaad soo dhistid xukuumad kooban oo aad xukunto, ka war-haysid wasiir kasta shaqadiisa, xukuumad aad shaqo cayiman u dirto, kana rabto inay fuliso, mid aan reero iyo hebelo aadan ku raalli gelin ee baahida dalka iyo dadka ku raalli gelisid, kuna fulisid. Waxa lagaaga fadhiyaa inaad la timaadid siyaasad fadhida oo aan bood-bood iyo isbedel lahayn, waa in laguugu soo hagaago horumarinta dalka, daryeelka dadka, dayactirka waddooyinka, doonidda ictiraafka iyo ilaalinta deris wanaagga.

Haddii lagaa helo doorashada, Mudane Faisal waxa kula gudboon inaad natiijada aqbashid, una hogaansatid. Waxaan kugula talin lahaa inaad ku biirtid golaha guurtida ah oo aad ka mid noqotid, taasi waxay wax ka beddelaysaa; [1] in golaha guurtidu noqdo mid dad aqoon iyo siyaasad ba lehi ku jiraan oo garan kara danta dalka iyo dadka [2] in dadka siyaasadda ka fadhiistaa ay helaan meel kale oo ay dalka dantiisa uga arrimiyaan [3] in ay dhaqangal noqoto in siyaasadda laga fadhiisto.

Madaxweyne Riyaale

Mudane Madaxweyne, waxaad ahayd nin nasiib badan, oo Ilaahay fursado badan siiyey, welina haysta; Mudane Madaxweyne waxaad dalkan ka soo qabatay xilalkii ugu muhiimsanaa, uguna sarreeyey ee qof reer Somaliland ahi soo qabto, waxaad ahayd badhasaabkii gobolka Awdal (1991-92), waxaad ku xigsatay Madaxweyne-ku-xigeen aad shan sano soo haysay (1997-2002), waxa noqotay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aad siddeed sano haysay (2002-2010), welina doonaysid in laguu sii kordhiyo. Mudane Madaxweyne waxaan ku faraxsanahay CV-gaaga, ku darsoo waxaan soo dhoweeyey doorashadaadii madaxweynenimo 2003.

Mudane Madaxweyne, saddex iyo tobankaa sanno waxa dalka ka qabsoomay, doorashadii madaxtooyada ee lagugu soo doortay, tii dowladdaha hoose, tii baarlamaanka iyo tan hadda natiijadeeda la sugayo, Ciiddamada Somaliland oo xuduudkeenna gaadhay, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka ka jirta, waxbarashada iyo caafimaadka oo wax weyn laga qabtay haba taag-darraadeene, waddooyinka iyo shaqaalaynta shacabka (waa shirkadda ugu weyn ee loo shaqo tago dowladdu, haba mushahar yaraatee). Berina ha la aasee nin raga baqaskii waa ceeb.

Madaxweyne, haddii aad doorashada ku guulaysatid, waxa kula gudboon; wax badan oo aan halkan laguugu soo koobi karin, waxaase ugu horreeya inaad dhowrtid xuquuqda muwaadiniinta, xeerarka dalka, xorriyadda saxaafadda, xoojinta nabadgelyada, xaqiijinta ictiraafka Somaliland iyo xakamaynta argagixisada.

Mudane madaxweyne haddii doorashada lagaa helana, waxa kula gudboon, inaad si nabadgelyo ah xukunka ku wareejisid, dalkaaga oo nabad ahna ku noolaatid, kana mid noqotid guurtida (xubin sharafeedka). Madaxweyne, waxaan kugula talin lahaa inaad qortid sooyaal-taariikheedkaadii, waaya-aragnimadaadii, caqabadihii ku soo maray, wixii kuugu yaabka badnaa, maalintay kuugu darreyd, maalintay kuugu farxadda badnayd, go’aannadii kuugu adkaa ee aad qaadatay iyo kuwii aad seegtay. Madaxweyne, waxaan sidaa kuu leeyahay CV-gaaga ayaad ku darsan lahayd inaad noqotid madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaali ah qora (memoir) waayihii iyo wacaalihii la soo kulmay intuu xilka hayey.

Mudane Siilaanyo

Mudane Siilaanyo; dalkeennu (Somaliland) muddo dheer buu xasilooni, dowladnimo, kala-danbayn, is-ixtiraam iyo hanaan dimuqraadiyadeed haystay, in ku dhow labaatan sanno ayeynu dowlad iskeed u madax banaan ahayn, dastuur, calan, lacag, ciidan militeri iyo booliis isugu jira lahayn oo ilaaliya qarannimada iyo nabadgelyada.

Mudane Siilaanyo, waxaad tahay nin weyn oo xilal badan oo dowladeed soo qabtay, mujaahid naftiisa u soo huray xoriyadda iyo madaxbanaanida dalka, aqoonyahan dhaqaale yahan ah, dalmar isaga gooshay dalka guddihiisa iyo dibediisa oo aanay waxba ku seegganayn waayaha dadka iyo dalka haysta. Ruug-caddaa dhowr iyo afartan sanno ku soo jirey saaxadda siyaasadda oo saadaalin kara waayaha iyo wacaalaha siyaasadeed ee geeska ka jira;

Mudane Siilaanyo, doorashadan haddii lagaa guulleysto, waxa kula gudboon inaad tahniyadayso, kuna qanacdid go’aanka shacabka, sidii markii horeba aad yeeshay.

Haddii aad guulleysatana, waxa ku horyaal hawl culus, xil balaadhan oo u baahan go’aanno ad-adag oo deg deg ah, geesinimo iyo hal-adaygnimo ku jirto; waxa ka mid ah:

Inaad fulisid qorshahaagii (manifesto) aad doorashada ku gashay, oo ay ka mid ahaayeen sugitaanka amniga, dhisitaanka xukuumad kooban oo xul ah, ballaadhinta maamulka, samaynta idaacad iyo TV qaran oo dalkoo dhan wada gaadha, tabarbaridda, tayeynta iyo derejo siinta ciidanka qaranka iyo booliiska, beddelidda lacagaha qiinbaarta ah ee saddexda gobol ee bari ka socota.

Hirgelinta maxkamad qaran oo badaxbanaan oo aan madaxtooyada laga xukumin – oo leh garsooreyaal cadaaliyiin ah oo aqoon, diin iyo karti aad ku xushay, kala diridda guddida nabadgelyada iyo xaaraantinimaynta xeerka “Xukunka Deg Dega ah”, dabargoynta musuqmaasuqa, eexda, laaluushka, qraabo-kiilka, nin-toocsiga iyo boobka hantida qaranka, ilaailanta xuquuqda muwaadinka, xorriyadda saxaafadda, xaqdhowrka waxgaradka, culimada, ganacsatada, abwaannada, aqoonyahanka, ardayda jaamacada iyo macaliimta. Dibudhiska cusbitaalada guud ee dalka, tayeynta iyo tababarridda shaqaalaha iyo dhaqaakhaatiirta. La dagaalamidda iyo xakamaynta dawooyinka dhacay, sharciyeynta iyo liisan u samaynta farmaysiyadan sida dukaannada ciidda ka batay.

Hirgelinta suuq xor ah oo aan cidna xuurto ugu xidhnayn, furitaanka liisamada xoola dhoofinta, ka kiraynta muwaadiniinta haamaha shiidaalka, shacuur dhimis lagu sameeyo dekedda Berbera, tayeynta madaarrada dalka, hirgelinta tartan dhaqaale oo xoriyad iyo sharci ku dhisan oo soo jiita maalgashiga qurbajoogga iyo maalqabeennada shisheeye. Hirgelinta qorshe-qarameed shaqo-abuuris ah oo shaqaaleeya dhallinyarada dalka ka sibiq-dhaqaaqaysa ee u dhuyaalaysa Yurub iyo Ameerika. Ugu danbayntiina, waxa lagaaga fadhiyaa siyaasad cilmiyeysan oo soo dhicin karta xuquuqdii dadka reer Somaliland ku lahaayeen ka mid noqoshada shucuubta caalamka, keenina lahayd ictiraaf buuxa oo calanka Somaliland ka luli lahayd xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Allaa Mahad Leh

Yasin Jama Nux (Suldan)

http://suldaan2007.blogspot.com

London, UK

Xaaladda Amni ee Sii Xumaanaysa Maxaa Sababay, Sideese loo Xalin karaa – (Falaqayn iyo Talo)
Xaaladda Amni ee Sii Xumaanaysa Maxaa Sababay, Sideese loo Xalin karaa – (Falaqayn iyo Talo)

Garyaqaan: Adam Xaaji Cali Axmed

Hordhac:

“Kol hadii dambiilihii reer hebel noqonaayo cidina soo qaban mayso”  qoraha maqaalka

“Ma Nabadda Ayaanu Ilaalinaa Mise Nolosha Ayaanu Ka Fikirnaa” sarkaal police ka ah

“Ma Suuro Galayso in dadk Somaliland badhna gawaadhi qaali ah ku dhex wataan magaalooyinka waayn ee magalaada badhna gaajo u dhintaan, Waa la is boobayaa, qof aan wax uu caloosha galiyo haysanin cidna ka baydhi maayo” qorha maqaalka

“Waxa aynu ku mashquulsanahay Doorosho soosocot laakin waxa ay gaadhi in Sanaadiiqda Doorashad la Boobo hadii aan Marka Hore Nabada Wax Laga Qaban” qorha maqaalka

“Hadii anyu fursad kaliyaata siino, waxa jiro cadawyo badan oo muska inoogu jira oo fursad in ay inaga helaan sugaaya” qorha maqaalka

“Arinka Ajinabiga dalka iska soo galaaya waa in laga fikiro sidii laga yeeli lahaa, ee nidaam iyo sharic loogu samayn lahaa, waayo waa halis sii xoogaysanaysa maalinba maalinta ka dambaysa” qoraha maqaalka

Somaliland Waxa ay ku soo caana maashay mudo dheer nabad iyo xasilooni ay kaga badbaaday dabka iyo colaada ka huraya Geeska Afrika, nabadaas oo mandiqada oo dhana laga ma jeerto.  Taasina waxa ay u saamaxday in ay horumar wayn ka gaadho dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, tacliinta iyo guud ahaan dhinacyada kala duwan nolosha.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxa jirta in ay amnigaa qiimaha badan ee dadku kusoo caana maaleen aad moodaa in uu faraha ka sii baxaayo, gaar ahaan Caasimada Somaliland ee Hargaysa iyo guud ahaan dalka. Waxa caadi noqday tuuganada, waxa bilaabay kooxo inta ay is raacaan dadka dhaca sida Gangsters ka jira meelo badan oo dunida ka mid ah , waxa uu noqday dalku meel qofliba si fudud isaga soo galo, oo gabood ka dhigto marka dambena dhac, tuugo iyo falal sharici daro ah ka fuliya.

Inaga oo og in ay jiraan duruufo dhaqaale, siyaasadeed, bulsho, iyo kuwo kale oo inagu xeeran, oo waliba ay inoo raacdo inga oo aan ahayn Dal dunidu ictiraafsantahay, islamarkaana la daalaa dhacaaya sidii uu u hanan lahaa dawladnimadiisa, hadana taasi inaga hor joogsan mayso in aynu gudaheena isa saxno oo wax is waydiino oo hadii dhibaatooyin inagu soo socda ama qaloocasho jirta aynu tilmaano, si cilmiyaysan oo wax soo kordhinaysa.

Waxa aan maqaalkan ku faaqidi doonaa sababaha keenay amniga faraha ka sii baxaya, waxa kale oo aan raaci doonaa sida arikaa loo xalin karo ee looga hortagi karo inta aanay faraha ka bixin ee aanay gaadhin meel aan laga soo qaban Karin.

Sideedaba, Aminga waxa uu mar walba la socdaa (direct propotional) siyaasad markaa jirta, waayo ma kala soocmaan, sidaa awgeed, sabata dhabta (Cause) ah ee amnigu u sii xumaanyaa waa duruufta siyaasadeed ee qalafsan ee dalka ka jirta. Aniga oo taa maskaxada ku haya waxa aan halkan ku tilmaami doonaa calaamado (Symptoms) ka dhashay sababta xaga sare ku xusan oo halis ku ah Nabada. Sixideedana waxa kow ka ah duruufaha siyaasadeed ee qalafsan oo laga gudbo iyo sababaha xaga hoose ku xusan hadii wax laga qabto waxa ay mudada dhaw (short term) waxa ka sii yara tari kara in nabadu sii jirto.

Tusaalayaal ku saabsan sida uu amnigu u sii xumaanayo:

Hadii aan idin siiyo tusaalayaal ku saabsan, sida uu amnigu faraha uga sii baxaayo, si  aydun u ogaataan in aan arinkan amniga sii xumaanaya, gaar ahaan magaalada hargaysa,  uu yahay arin u baahan in laga fikiro oo la is waydiiyo, waxna looga qabto dawlad iyo muwaadiniinba.  Tusaalayaashaa waxa  ka mid ah , Taliyaha Police waxa uu inoo sheegay in habeen dhawayd ay qabqabteen  ilaa 52 tuug oo faraha kula jiray dambiyo kala duwan, sida uu sheegay, inay caadaysteen ka ganacsiga Maandooriyaha, Tuuganimada iyo 16 dhalinyaro ah oo rabshado ka sameeyay jidka dheer ee taga hotelka Maansoor ee degmada Ibraahim Koodbuur ee Galbeedka magaalada Hargeysa, waxa kale oo ka mid ah in maalintii Arbacadii ee 21 bishan April ay xaafada Xero- digaagta ay maalintii cadayd ee roobku da’aayay ay koox dad ah oo ilaa sideed (8) qof ah ay xaafado doora inta ay weerareen ay boobeen, iyaga oo ku hubaysnaa budhadh, toori  iyo aalado kale,  waxa kale oo ka mid ah in ay magaalada ku soo kordheen dad Sixiroolayaal ah  dad badan oo Sariflayaal ah ka dhacay lacagtoodii inta ay sixreen maalin cad,  sida ay saxaafadu soo warisay, waxa kale oo ka mid ah, sid ay u soo kordhayso boobka  laga boobayo dadwaynaha wixii ay sitaan,  sida mobiles-ka, gaar ahaan habeenkii, magaalada badhtankeeda, iyada oo mar marka qaar is gaar ah dumarka looga xoogo wixii ay sitaan, waxa kale oo xoog u soo batay tuugada guryahay  iyo wadooyinka oo maalinba maalint ka dambaysa sii xoogaysanaaya. Waxa kale oo aynu xusuusanaaa shabakadii mudada dheer magaalada hargyasa fadhiday oo lacagta dadka ka uruursatay iyo qaraxyadii ka dhacay Hargaysa dhamaadkii sanadkii 2008, labadaa arimood oo waaxaha sirdoonku ay ku guul daraysteen inay xog ka helaan oo ay shabakadahooda dhex-galaan, ilaa imikana aan xog sugan laga hayn sida wax u dhaceen. Waxa kale oo ka mid ah in maalin walba ay soo galaan dalka kumanaan qof oo sharci daro ku soo gala oo  xuduudaha si fudud kusoo dhaafa, xuduudana waxa ka masuul ah laamaha amniga, arinka dadkaa ajinabiga bilaa sharciga ah ee iska soo galaaya dalka waxa uu ka ciyaaraa door wayn amni darada ka sii daraysa- dadka ajinabiga ah lama diidana, laakin waa in ay sifo sharci ah ku soo galaan dalka kuna jogaan- waxa kale oo aynu ognahay in markii police ku waxba ka qaban kari waayay tuugta ay xaafaduhu is abaabuleen oo ay samaynteen difaac madani ah oo habeenkii ilaaliya, taasina waxa ay ku tusaysaa sida ay doorka police uga sii daraayo ama meesha uga sii baxaayo.

Kuwaasi waa tusaalayaal, laakin amni-daradu faraha ayay ka sii baxaysaa, waana arin la dareemi karo, dadkeenuna waxa ugu muhuumsan ee ay hasteen waxa ay ahayd nabada ay ku seexdaan oo ay dhaameen wadano badan oo jaarka ah iyo dunida inteeda kaleba. Hadba waxa is waydiin leh maxaa sababay, sideese arinkan wax looga qaban karaa. Labadaa suaaloo waxa aan kaga jawaabi doonaa qormodan soo socota

Maxaaa sababay

Sababaha dhaliyay in amnigu faraha ka sii baxo waxa ka mid kuwa la xidhiidha  awooda waaxa sharciga fuliya ( law enforcement agencies)  gaar ahaan police oo ka sii daraaya, kuwo la xidhiidha dadwaynaha, iyo sababo la xidhiidha  duruufaha  siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa dhaqaale oo arintan saamayn toos ah ku leh. Qodobadan waxa aan ku sharixi doonaa mid mid qormodan soo socota:

Dhibaatooyin  iyo baahiyo baaxad leh oo haysta Laamaha Amniga (Gaar ahaan Police-ka)

Sida aynu ognahay police ka Somaliland waxa uu ka mid yahay laamihiin dawladnino ee ugu horeeyay ee dhidibada loo taagay, waana meelaha amniga Somaliland ka dhisan yahah oo hadii aanay si Hagar la’aan oo daacad ah u shaqaynayn mudadaa nabada Somaliland kusoo caana maashay ee lagu faano muu jireen. Iyada oo ay taasi jirto, hadana waxa jira duruufo adag oo waajahay laamaha amniga ee Somaliland oo ay ugu hoorayso; iyada oo ay kala baaxad bateen dadwaynaha ku nool Dalka, gaar ahaan, magaalada caasimada ee Hargaysa iyo police-ka ka hawl gala. Dadwaynuhu wuu tobon-jeer laamay, police ka tiradiisana waxa ka muuqata in aaanay wax badan oo sidaa loo tilmaami kor aanay ku soo biiran. Dhinaca kale saldhigyada ama rugaha police ku leeyahay xaafadaha magalaada iyo waaxyahay kala duwan ee magaaladu way kala badan yiin, waanay koobaan yihiin saldhigayda ka hawl gala magaalada marka loo eego baahida magaalada, taasina waxa ay dhantaashay hawlgalka police-ka. Dhinaca kale, noloshu ma taagna oo maalin walba wax cusub ayaa ku soo biira, sidaas soo kale dambiilayaashu (criminals ) waxa ay maalin walba soo saaraan oo ay adeegsadaan xeelado cusub, waxa kaliyaata ee lagaga hor tagi karaa waxa weeye iyada police-ka iyo laamaha kale amnigu ay helaan tababar joogta ah oo lagu hormarinaayo hababka ay uga hortagayaan dambiyada inta aanay dhicin ( police-ku ,sidoodaba, waa in ay ka hor tagaan dambiga  inta aanu dhicin, laakin maaha in uu ka daba tago oo kolba qofka wax dhaca ama xada soo qabto-) waxa muuqata in aanay police helin tababaro dheeraad ah oo lagu hor marinaayo khibradooda shaqo si ay ula  jaan-qaadaan hadba waayaha jira oo ay nabada u ilaaliyaan. Waxa kale oo intaa soo raaca, in police-ka qalabka ay ku hawl galaan  aanu horu marsanayn oo aanay haysan dhamaan qalabkii iyo agabkii  ay u baahnaayeen, oo ugu horeeyo shaybaadhadii dambiyada lagu  baadho (criminal Investigation laboratories ), qalabada kala duwan ee lagu baadho dambiyada loo adeegsado technology-ga casriga,  iyo guud ahaanba qalabka kale ee aasaasiga ah oo ku yar laamaha amniga oo aanay ka haqab la’ayn, sida isgaadhsiinta, gaadiidka, qalabka xafiisyada loo isticmaalo, qalabka lagu baadho goobaha dambiyadu ka dhacaan (scene crime investigation apparatus) iyo kuwa kale oo la halmaala. Waxa kale oo aynu la soconaa police shaqada ay hayaan iyo mushaharka ay qaataan in aanay isu dheeli tirnayn oo ay qabaan baahi wayn, in kasta oo ay kala siman yihiin arinkaas shaqaalaha kale ee dawalda, hadana iyagu waa halbawlaha nolosha maadaama ay nabad ka masuul yihiin, “Ma Nabadda Ayaanu Ilaalinaa Mise Nolosha Ayaanu Ka Fikirnaa”, sidaa waxa iisheegay askari ka tirsan police-ka mar aan la sheekaysanayay, bari sii horaysay.

Sababahaa iyo kuwa kale oo la halmaala, waxa ay ku yihiin police caqabad wayn oo maalin walba sii rakaadisa shaqadooda, qofwalibana waxa uu la socdaa heerka uu maraayo nabadgalyada magaalada hargaysa dhexdeeda iyo sida uu maalinba maalinta ka dambaysa uga sii daraayo.

Bulshada Somaliland oo door muhiim ah ku leh amniga faraha ka sii baxaaya:

Sabata labaad ee amnigu hoos ugu dhacay waxa weeye mid la xidhiidha bulshada amnigeeda la ilaalinaayo lafteeda. Waa ta koobaade, maalinwalba waxa sii kordhaaya dadka ku soo galaaya Somaliland, gaar ahaan Caasimada, sifo  bilaa sharci ah taasina waxa ay keentay in aanay kala soocnayn cida muwaadinka Somaliland ah iyo kuwa aan ahayn, taasina waxa ay si  fudud u sahlaysaa in ay dambiilayaashu si fudud ugu dhex dhuuntaan. Taasi waxa ay keentay halka ay dadku kala shaqayn lahayeen police ka in ay si dadban ula shaqeeyaan dambiilayaasha ama guri ha kireeeyaan, ama ha qariyaan, ama ha dhiiri galiyaan in ay sifo bilaa-sharci ha ku soo galaan dalka.

Arinka labaad waxa weeye barigii hore dadu qofka wax xadaaya ama wax-dhacaya way la dagaalami jireen ama waa lagu qaylin jiray, laakin imika dhaqankaa wanaagsan waa laga guuray oo tuugta cidina lama hadasho, ama ha laga baqdo ama dadku danaystayaal ha isu badaleene, laakin arinkaasi waxa uu aad iyo aad u tageeray dambiilayaasha oo waxa ay taasi dhiiri galisay in ay hadh cad dadka ku dhex dhacaan suuqyada dhexdooda magaalada Hargaysa iyo magaalooyinka kale, iyaga oo dadku daawanaya cidna aan tuugta la hadalyn. Arinka kale ee dhamaan gobolada dalka oo dhan ka jiraa, ee police-kana dhabarjabka ku noqday, waxa weeye, marka qofkii tuuga ahaa ama dambiga  faraha kula jiray la xidho waxa lagu difaacayaa Reernimo, taasina waxa ay dhaawac wayn ugaysatay kalsoonidii police-ku ku hawl galaayay. Kol hadii dambiilihii reer hebel noqonaayo cidina soo qaban maysno.

Duruufaha dhaqaale  ee qalafsan ee ka jira dalku waxa ay ka ciyaareen door muhiim ah amniga sii xumaanaya

Waxa aynu la soconaa oo dalka maanta ay ka jirta duruuf dhaqaale oo aad iyo aad u adag oo gaadhay in ku dhaw kala badh dadka Somaliland aanay helin noloshooda maalinlaha ah. Dhinaca kale dadka Somaliland waxa ay u qaybsameen laba dabaqadood, dabaqad maalin walba dakhligeedu sii kordho iyo mid maalin walba  duruuftooda dhaqaale sii adkaato oo fakhriga sii hoos mara.  Sideedaba faqriga waxa la yidhaa nabadgalyo daro huursan (structural Violance), faqriga laftiisa ayaa ah shaqaaqooyin iyo nabadgalyo daro dhisan oo jirta oo laakin aanay dadku arkayn. Mida kale, ma suuro galaysa in dad meel ku wada nool qaarna gawaadhi cad cad ku shaqatagaa, oo suuqa ku tagaan, kalabadhna gaajo u dhintaan, waxa caadi noqonaysa in la is booboo oo  kan aan waxba haysani uu boobo kan dheeraadka haysta ee u naxariisan waayay.

Sidaa awgeed dheelitir la’aanta ka jirta dhaqaalaha dalka waa sabab wayn oo ka qayb qaadanaysa in amnigu faraha ka baxo. Dadkan wax weerarayaa in ka badan oo ka mid ahi waxa weeye dadkii nolol maalmeedkoodii waayay oo boobaya inta wax haysata ee u nixi wayday.

Waxa aan shaki ku jirin in dad badan oo dantu ku kaliftay  in ay wax dhacaan ama ay boobaan maanta.

Sidee amnidarada sii kordhaysa wax looga qaban karaa

Hadaba sidee arinkan wax looga qaban karaa inta aanay talo faraha ka haadin, waayo wax waliba waxa ay leeyihiin xili wax laga qabto iyada oo la adeegsanaayo daraasad, maskax, iyo qorshe lagaga hortagaayo arinkaa. Hadii arinkaa nabadda faraha ka sii baxaysa aan laga wada hawl galin oo qof waliba is yidhaah adiga kuma khusayso- waa in aad ogaataan in qof walba ay saamayn doonto nabadgalyo daradu- qofwalba gurigiisa ayay ugu gali. Hadii ay sida aan u arko ku sii socotana oo aan loo wada guntana waxa ay gaadhi xili aan waxba lagta qaban Karin.

Inaga oo ka duulayna sabababa aan xaga sare ku soo sheegay waxa nabadgalyo daradad sii xumaanaysa wax lagaga qaban karaa sidan soo socota:

Ugu horayn sugida nabadgalyada waxa ka masuul ah xukuumada, waana waxa loo doortay ama ay dawladnimada loo yahay, hadii kale qof waliba gaar ayuu isku difaaci lahaa, sida ay maanta ku sii socoto. Sidaa awgeed xukuumadu waa in ay dib isugu noqoto, oo is waysiido halka wax ka khaldan yihiin iyo sidii loo sixi lahaa, waliba laamaha ay sida tooska ah u khusayso arinkani, sida, taliska Police-ka, laamaha sirdoonka, wasaarada daakhiliga, dawladaha hoose ee dalka, wasaarada cadaalada oo ka soo gasha jeelasha iyo ciidanka asluubata, iyo laamaha kale ee si toos ah iyo si dadban uu arinkani u khuseeyo, waa in ay ciladu halka ay ka jirto soo saaraan, sixideedana u hawl galaan, iyaga oo la kaashanaaya cid-allah cidii ay is leeyihin way idin caawin karaan hadii ay tahay dad waynahay iyo aduunyada kaleba. Hadii arinkaa waxba laga qaban waayo oo sidaa lagu sii eegto masuuliyada amni daro ee socota, iyo kuwa soo socdaba iyaga ayaa si toos ah uga masuul ah. Iyada oo aynu ognahay in ay hore u dheceen dhibaatooyika badan ee aan xaga sare ku soo sheegay iyo kuwa la mid ah oo aan waxba laga qaban.

Goloyaasha qaranka- Guurtida iyo Wakiilada- in ay daba galaan Xukuumada oo xisaabiyaan, gaar ahaan Golaha guurtidu muhimadiisa koobaad waa in ay saaraan nabada iyo sidii nabada loo sugi lahaa. Nabadgalyadarada wayni waxa ay ka soo dhex baxdaa dhaca iyo tuugada oo waxba laga qaban waayo.

Dad waynaha waxa la gudboon in ay daba galaan xukuumada si ay uga soo baxdo shaqadeedii loo diray, wixii garab gal iyo taageero ahna ay siiyaan oo la garab istaagaan, waayo cida wax ku waayaysa ee nabadgalyo darada socotaa ku dhacayso waxa weeye dadwaynaha.  Waa in arinkani noqdo arimiha ugu muhiimsan ee laga hadlo ama laga doodo, waayo arin kale oo ka muhiimsaniba ma jiro, hadii amni iyo nabad la waayo wax kale oo soconayaa ma jiro .

Bariigii hore wax-baa la is tari jiray, laakin imika dhaqankaasi wuu sii yaranaaya, dadkii kala badh ayaa gaajoonaya, waa in arkaa baadhid lagu sameeyo wax la is taro, hadii kale marnaba ma suuro galayso in badhna gawaadhi qaali ah ku wataan magaalooyinka waawayn ee dalka badhna gaajoodaan, waa la is boobayaa, qof aan waxa uu caloosha galiyo haysanin cidna ka baydhi maayo. Arinkaa dhug ha loo yeesho oo wax halaga qabto.

Waxa kale oo meesha ka maqan doorkii ay ku lahaayeen dadka dhaqanka, waayo dadkan nabadgalyada xumada samaynaa cidla kamay iman ee waxa ay ka yimaadeen guryo, dhisan. Taasina waxa ay ku tusaysaa sida nidaankii dhaqanka inoo ahaa ee nabada asalka u ahaa u’sii tamardaraynaayo. Sidaa awgeed waa in ay dib boodhka uga tumaan oo nabada uga shaqeeyaan, oday dhaqameedkan siyaasiyiinta isu rogay.

Arinka Ajinabiga dalka iska soo galaaya waa in laga fikiro sidii laga yeeli lahaa, waayo waa halis sii xoogaysanaysa maalinba maalinta ka dambaysa. Gaar ahaan waliba sidii iyaga oo dalka jooga sharci loogu samayn lahaa waa in ay xukuumadu ka fikirto, masuuliyadeedana dhabarka u ridato.

Ugu dambayn Saxaafaada waxa aan u soo jeedinayaa, in kasta oo ay dadaal fiican wadaan, in arinkan meel muhim ah la galiyo oo wax lag qoro oo la baraarujiyo dawlada iyo dadwaynaba waayo cida kaliyaata ee rayiga dadka abuuri karta ee arinkan ku soo jeedin kartaa waa saxaafaada kala duwan, waanan sababaha ugu muhiimsan ee saxaafadu u jirto.

Gunaanad;

Waxa aan ku soo gababaynayaa qoraalakaygan, in amniga faraha ka sii baxayaa ay tahay xaqiiq jirta oo maalin walba soo xoogaysanaysa, hadii aan wax laga qabana ay meel xun gaadhi doonto. Waxa aynu ku wada mashquulnahay doorasho laakin waxa ay gaadhi in xitaa sanaadiiqda doorashada la boohoo hadii aan marka hore nabad wax laga qaban, oo xaalada sida ay ku socota laga hortagin.

Waxa aad moodaa in nidaamkii dawladnimo sii qarqoomayo oo tiradan bulshada ee sii badanaysa iyo niyada jab guud oo jira oo ka dhashay duruufaha dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho ee maanta jiraa ay si toos iyo si dadbaba uga qayb qaadanayaan nabada sii xumaanaysa. Sidaa awgeed waa in si wada jir ah loogu kaco, dawlad iyo dadwaynaba, oo arinka waxa la iska waydiyo sixidiisa, talaabana la qaado ku salaysan qorshe iyo maskax.

Mida kale, waa in aynu niyada ku hayno gobolka aynu ku naal iyo dagaalada iyo dabka ka holcaaya hareeraheena, hadii anyu fursad kaliyaata siino, waxa jiro cadawyo badan oo muska inoogu jira oo fursad in ay inaga helaan sugaaya.Taana waa in aynu ku xisaabtano

Masuuliyada ugu waynina waxa ay saarantahay xukuumada oo ah ta aynu u igmanay in ay nabada sugto,  dadwaynaheedana kaashato  una waranto kolba halka wax marayaan iyo waxa loo baahan yahay, xitaa baahiya ay dabooli kariwaayaan waa in ay u soo bandhigaan dadwaynaha si  cidii  ama wax tar dhiiban karta ama fikir ku biiranaysa  loo helo.

ILLahay Nabada Ha inoo adkeeyo

Wasalamu Calaykum Waraxmatulahi.

Nabadgalyo iyo Nooli Kulantee

Adam Xaaji Cali Axmed

Sharci-Yaqaan ku Takhasusay

Xeerarka Caalamiga ah iyo Xuquuqda Aadamaha

Bare-Sarena Ka ah Jaamacada Hargaysa

aadamhaji@gmail.com

Cadadkii Saddexaad ee Wargeyska The Enterprise Oo Soo Baxay
Wargeyska Caanka ah The Enteprise ee ka soo baxa dalka UK, cadadkiisii saddexaad oo ah cadadkii ugu baaxadda weynaa oo ka kooban afartan bog ayaa soo baxay dhammaadka toddobaadkii hore, isla markaana soo gaadhay bulsha weynta Soomaalida ee ku dhaqan dalka UK oo dhan.

Wargeyska The Enterprise, waa wargeys bilaash ah oo aan wax lacag ah lagu iibin, isla markaana ku hadla magaca bulshada Soomaalida oo xogtoodana lagu soo qoro.

Cadadkan wargeyska waxaad ka helaysaa

Sidii Qiimaha lahayd ee UK loogu soo dhoweeyey Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed

Kulankii Baaqa Jaaliyadda Soomaalida UK ee soo daynta lammaanaha Ingiriiska ah

Wixii uu ka yidhi Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Britain Lammaanaha Ingiriiska ah lagu haysto Soomaaliya

Kulankii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain la yeeshay Masjidka Soomaalida Bariga London

Urur Siyaasadeed Soomaalida UK ah oo lagaga dhowaaqay magaallada London

Baaqii ay soo saareen Hormuudka Culimada Dunida ee ku waajahnaa xaallada Soomaaliya

Kulankii      Abaalmarinta Shakhsiyaadka iyo Ururrada sannadkii 2009

Iyo      sawirro, qoraallo, kulamo, cayaaro, ganacsi iyo warbixinno kaleba

Waxaad ka akhrisan kartaan bogga internetka ee www.enterprisenewspaper.org ama www.aftahan.com

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan info@enterprisenewspaper.org ama suldan@enterprisenewspaper.org

Dhaqanxumada Qurbajoogga – weydiimo
Dhaqanxumada Qurbajoogta Maryooleyda Qaarkood

Miyaad qurbaha ku aragtay dad isku dal, dir, diir, diin iyo dan ah oo iyagu isku duullaan ah oo is-dabarjaraya?

Miyaad qurbaha ku aragtay dad isku qowmiyad qurbajoog ah oo qoloqolo u kala qoqoban?

Miyaad qurbaha ku aragtay dad dalkoodii hooyo quwaaxsada?

Miyaad qurbaha ku aragtay ruux hadh iyo habeen ku hawlan dab-ka-hurinta iyo holac-ku-shididda dalkiisii hooyo?

Miyaad qurbaha ku aragtay waranle beesha waalli, iyo wax daran kula dhex wareega?

Miyaad qurbaha ku aragtay wadaad ku diinwaangashan in isaga iyo oridiisii ay kala noolyihiin?

Miyaad qurbaha ku aragtay shiikh shanta salaadood tukada misana shar, shuush iyo shirqool ku shaqeeysta?

Miyaad qurbaha ku aragtay dadkii oo firqooyin iyo faracyo ama jifi, jilib iyo jeesjees u kala qaybqaybsan oo bacaluullo baas ay hor boodaan?

Miyaad qurbaha ku aragtay qurbajoog dhaqankii bahalhiglada leh?

Miyaad qurbaha ku aragtay ruux aan xeer, xigaal iyo xaas midna xeerinnin oo xasarad-ku-nool ah?

Miyaad qurbaha ku aragtay xin, xirrib iyo xaasidnimo oo beesha dhex taalla?

Miyaad qurbaha ku aragtay xumaanta oo xoog loo tilmaamo, xalkeediise la xakameeyo?

Miyaad qurbaha ku aragtay runtii oo been ah, beentii oo run ah?

Miyaad qurbaha ku aragtay in been laysku dhoofiyo, dhiibo laguna dhaqmo?

Miyaad qurbaha ku aragtay ruux dhowr dal ka kala dhiiban oo dhowr magac ku kala dhiiban?

Miyaad qurbaha ku aragtay qof cararaya oo caafimaad qaba oo curyaannimo ku caanammaala?

Miyaad qurbaha ku aragtay qof aan dalkii uu martida ku ahaa ka muuqan kiisiina ka maqan oo aan wax micne leh ku fadhiyinnin?

Miyaad qurbaha ku aragtay waalidyo aan carruurtooda casharka iskuulka ka caawin karinnin?

Miyaad qurbaha ku aragtay odaygii qoyska oo goobta qaadka iyo fadhi-ku-dirirka ku jira oo aan warasadiisii war iyo wacaal ka haynnin?

Miyaad qurbaha ku aragtay furriinkii qoysaska oo fara batay?

Miyaad qurbaha ku aragtay qoys is-qaba misana kala qoran?

Miyaad qurbaha ku aragtay dumar diiday duqoodii oo duddo kale sii daawo leh?

Miyaad qurbaha ku aragtay say ka baxsaday siddeed uu dhalay iyo hooyadood oo tu sagaal carruur leh u baxsaday?

Miyaad qurbaha ku aragtay qoys aan qorshe ku shaqeeynnin?

Miyaad qurbaha ku aragtay is-afgaranshawaaga ka dhex taagan waalidka iyo warasadiisa?

Miyaad qurbaha ku aragtay isu-qabe aan looba qabinnin?

Miyaad qurbaha ku aragtay ruux weyn oo isu-qaba inuu qummanyahay oo qowlkiisa aan cidina qaban karinnin?

Miyaad qurbaha ku aragtay qolyaha adeegga bulshada oo tiro badan oo carruurtii qurbajoogta ah la wareegtey?

Miyaad qurbaha ku aragtay gurboodyadii oo jeelasha ka buuxa?

Miyaad qurbaha ku aragtay afkii hooyo oo aan la dhiiriggelinnin?

Miyaad qurbaha ku aragtay wareer, walaahow iyo walbahaar oo qurbajoogta wada saameeyey?

Maxamed Xasan “Alto”

xasan_maxamed@hotmail.com

London, 29.03.2010

Wixii jawaabo ah ku gudbiya emailka sare ee qoraha faalladan

Faallo – Buugga Hantaaqo Jacayl
Waxa qorey Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf-Dhegey

Sida weelka caanaha

hadii laabta loo culayo

Bal aan soo cidaadee

maxaa cunaha dhaafaaye.

Curuuqda maxaa kala dhex geli

cadaha hoostooda

Ma ciidaamkanaa jabinaya

cunaya dhuuxooda.

Inaanse cadaydo mooyee

waxaan calalsho la’ii diidye

Caqliga yaa ka bi’in tuu

Ilaah ku cir-cadaayeeyey.

Cimrigayga oon jirin

intii lagu ciroobaayey

Muga inaan cadaadaan

ka biqi Canab darteede

Cududuhu ma naxaan qofkay

talo ku ciirtaaye

Erayadaasi waxa ay ka mid ahaayeen, gabay ka mid aha gabayadii uu tiriyery Cilmi Boodhari.

Inbadan baa laga gabyey Caashaqa, inbadan baa laga heesay. Inta badan heesaha soomaalida ee laxanka la saaray waxa ay ku saabsanyihii Jacayl. Inkastoo qoraalka buugaagta ee soomaalidu qortay ay iskaba kooban yihiin, haddana waxaaba laga yaabaa in ay kasii xag-jiraan buugaagta laga qoray jacaylka. Ha noqdo mid laga qoray sheeko dhab ah ama mid Maanka laga curiyeyba’e. Waxa laga yaabaa, in marka la maqlo buuggaasi waxa uu ku saabsanyahay jacayl—— uu qofka soomaaliyeed yidhaahdo—– waar, maad wax dhaanta qortid. ”Soomaalidaa caado xume, iguma caydeene, oo ima canaanteen sidaan, cuud ka foofsadaye, waa Cilmi oo gartiisa marsanayey IHN-tee. Jacaylku waa dhismaha Qoyska. Adduunkuna waa qoysas sidaa darteed ” Haddii aan jacayl jirin, nolol wanaagsani ma jirto. Waxa saldhig u ah waa jacayl. Haba kala duwanaado, oo ninka soomaaliyeed marka uu tilmaamayo jacaylkiisa, dee, inta badan wixii uu jeclaa buu ku metelaa, oo waa kii ninkii gabyey lahaa ”Geeluba Ugaasooy, markuu ayda miranaayo, Abeerkiisa naaxiyo, hadduu aaranku iswaayo, isaguba ma kala aamusee waysu Ololaaye”.

Intaa Hordhac iyo Afeef is huwan dheh. Haatan aan u galo maqaalkan aan ugu talo galay buugga la magacbaxay ”Hantaaqo Jacayl” ee uu qoray qoraaga da’da yar Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Buuggaagta Afsoomaaliga ku qoran, oo beryahan danbe soo badanaya gaar ahaan dalka Sweden, ayaa ah wax lagu farxo. Dhinac kasta oo bulshada laga eego waxa loo baahanyahay in wax laga qoro, dhaqanka, diinta, Aqoonta, taariikhda, fanka iyo suugaanta iyo qaar kaloo badan. Buuggan oo aan hubo in ay dhallinyaro badani akhriskiisa isha boobsiin doonaan. Waxa uu ku saabsanyahay Cawo iyo Cawaale, oo barasho horteed uu xiise galay Cawo. Barasho dabadeedna jacayl uu halkaa ka unkamay. Jacaykaa oo gaadhay heer adag oo qoraagu uu si farshaxannimo ah inoo soo hordhigay. Jacayladdu iskuma jiraane, waa mid uu qoraago ku hadheeyey Xakame dhaqan iyo diinba oo is xanbaarsan oo aan lahayn hab jacayl-qalaadeedka. Laba goorba waa la guursanayaa Cawo, oo waxa ay Marwo u noqonaysaa laba nin oo aan ahayn Cawaale, labada midna ma ay aqalgelin. Wixii dhacay iyo Jacaylkii Cawaale iyo Cawo, siduu ku danbeeyey waxa aan u daynayaa buugga laftigiisa oo aan leeyahay adigaa noo faahfaahin, laakiin, aan dul kaxaadsado qaabka qoraalka buugga.

Buuggu waxa uu qoraagu adeegsaday erayo aan adkayn oo la wada fahmi karo. Lahjadaha Afsoomaaliga waxa uu qoraagu isku deyey in ay ka dhexmuuqdaan. Sheekadu waxa ay dhacday ama Maancusriskeedu uu ku beegan yahay siddeetamaadkii. Waa xilli qof ahaan aan si fiican u garanayo. Sidaa darteed sheekadu si fiican ayay uga turjumaysaa waayihii xilligaa jiray si guud. Waxaana xiise leh qoraagu xilligaa imisa jirbuu ahaa.? Waxa yaab leh sida quruxda badan ee uu qoraagu, waa Muuse’e uu innoogu soo gudbiyey Qorane ama dhigane isku xidhiidhsan. Inta badan sheekooyinka jaadkaas ah waxa qoraaga dhib ku noqota xidhiidhinta sheekada oo u baahan si farshaxannimo leh, oo fududaysa fahamka akhristaha. Taasoo lagu kala fiicnaankaro, una baahan taxaddar badan, ayuu Muuse Maxamuud buuggiisii ugu horreeyey aan odhan karaa imtixaankaa waa uu ka gudbay. Waxa aan leeyahay Muusoow, mar haddii kaagii ugu horreeyey kan yahay, ku xigsii mid kale iyo mid kaleba. Kana faa’iidayso, wixii aad waaya-aragnimo kala kulantay kan kuugu horreeyey. Qoraagu waxa uu qoraa waxa uu xiisaynayo—— rabitaanka qoraaga isagaa xor u ah, oo ma aha in la yidhaahdo, oo maxaad u qori wayday waxaasoo baahi ah ayaa jirta’e. Waxa aanse ku dhiirri gelinayaa qoraa kasta, waxa uu rabo ayuu ka gungaadhi karaa oo u fudud. Qor xiisahaaga iyo rabitaankaaga. Dabcan marmarka qaar waa ay la kulmi kartaa qoraaga arrin uu u arko in ay muhiim tahay in uu qalinka u qaato. Taasi mar mar waa ay dhacdaa.

Buugga Hantaaqo Jacayl, sida magacaba ka muuqata jacaylka Cawo iyo Cawaale, wuu Hantaaqayaa, waxa uu kuu danbeeyona buugga ayaa inoo sheegi. Waxa Buugga ku jira oo qoraagu inoo soo xulay oo geliyey, meelihii ay ku habboonaayeey, heeso caan ah oo la qaaday siddeetamaadkii iyo wixii ka horreeyey. Hees kasta halkii ugu habboonayd ayuu qoraagu geliyey. Mar haddii aan qoraalka ku bilaabay gabaygii IHN-tee Cilmi Boodhari, bal aan ku soo gabagabeeyo hees ka mid ah kuwii uu qoraagu u dooray Cawo iyo Cawaale ee ay iyagu isu gudbiyeen. Marka guudka loo dabo, Timaha geddefka, loo xidho, Tirsadaan gu’ qaangaadh, Gayaankoodu uu soo baxo, Ee geedka loo baxo, wada hadasho guurtidu, Laga keeno Guunyada, Gacanqaadku uu dhaco, Gibladiyo Cayaaraha, La gimgimo Arooskii, Waa gaari nolol wacan lagu soo Gardaadshee gobsanaa Hablahayagu. (Heestaa waxa qaada Saalax Qaasin Naaji). ”Hadba walalacdaadii, laykaa Widhwidhiyoo, Wanaag iyo kalgacal laygu kaa wadhyeey, wehelkaygiyoow i weedhaamisee, Wahdiyoo i wiiqdee, Socodkii wahsadayeey—–Warsan iyo Weedhsan ii soo waceey” IHN-tee waxa qaadi jirtay Habboon Cabdillaahi.

Ugu danbeyn waxa aan leeyahay Hanbalyo qoraaga buugga qoray Muuse Maxamuud Ciise (dalmar). Dhiirrigelintaydu waa buugaag kalena noo qor oo ha ku joogsan kan aad ku bilawday, qalinka iyo khadka aad ku ibo furtay, kuna gashay bahweynta qalinlayda. Dedaal baad samaysay ee halkaa kasii kordhi. Akhristayaashana waxa aan leeyahay dhiirri gelintu waa ay noocya badan tahay ee mid ama laba jaad oo dhiirri gelin ah ku dhiirri geli qoraa kasta oo buug soo saaray.

Nabaadiino

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf-Dhegey

Sweden

Qarni Dumay by Mubaarik Qoorubaxay
Waa gabay kooban oo ka hadlaya qaybo ka mid ah waayihii iyo dhacdooyinkii qarnigii aynu ka soo gudubnay waxaa tiriyey Mubaarak Mohamed Nur “qoorubaxay” gabaygan oo ah kii uu ka tiriyey arooskii abwaanka weyn ee caanka ah ee Maxamed ibraahin warsame hadraawi 21.06.2000

Gabayga oo cod ah halkan ka dhegayso

wuxuu ku bilaabay:-

Aduunyadan sidii loo gogliyo gedahan ay joogto

Galab waliba sheekay lahayd gunud xasuuseede

Waxba yaanan guuraha ku noqon waayihii gudaye

Umadyahay qarnaa kaa galbaday gawna kaa yidhiye

Muran gooyadeeda ku roon kii garwaaqsada e

Nimankii gankiisaba tidcaday gaagax may barine

Gadaashood inaan soo godlaa igu gef weeyaane

Gamuutiyo salaaniyo ninkii guniyo baareeg dheh

Gahayriyo ninkii timacadiyo dhegacun geestaa dheh

Calidhuux gankiisiyo qamaan raage gudubkii dhe

Ninkii ararta googoyn yiqiin gedihi haabiil dhe

Wadaadkii arlada gelelfiyo gulufyadiisii dheh

Qaajii ka geeraari jiray gobo haliseed dheh

Gufaacooyinkii fadal markuu gole ka baanaayo

Sidii loogu gogol xaadhi jiray gocashadeedii dheh

Faarax nuur gudoonkuu dhigiyo gumucdi iidaan dheh

Afqalooc geyiga waa ku caan gabayadiisii dheh

Lafcanbiyo sidii loo gudiyay beyle gunudkii dheh

Markuu gaawaheeda u cushee goolasha u loogto

Buraalahaan gadaashii nin kale geed ka kicin ii dheh

Yawliyo gigtii cali xamaal maydhax gumareed dhe

Goonbaasyadii ciise dhemesh giririgteedii dheh

Hinigiyo gankii baashe iyo gumucdi baabuur dheh

Cabdilaahi muuse arlada kaga gariirsiiyey

Gashigay rag soo kala muteen godob tilmaanteed dheh

Guubaabadii qaasim iyo gabayadiisii dheh

Gudbaniyo sidii beel la galay guluf abraarkiisa

Ama gobiyo heemaal markuu goray u heesaayey

Laanjeer godkii uu ka degey lagama guuraan dheh

Tobanaanka gaargaar ah ee garayaruu soofshay

Caaradhuub gabaatiga siduu boqol u geeyuun dhe

Gedihii xaleef xiiray waan laga gol roonayne

Xasaniyo intaan garanayiyo anigu gaagaale

Gudaha reer togdheer buu ahaa gabay tis qaadaaye

Alaylehe rag baa lagu galaday gabay odhaahdiiye

Gidigood anoon wada xusayn amase gaadhaynin

Goob kuma dhamaynkaro ragii kugu gadaanaaye

Genbi baa ku dhacay maansadii gurada wayneyde

Dhaqankeenu wuxu guud ahaa waa la gaasiraye

Maxaan kaga gam’aa waxa genbiyan garashadeediiye

Afartaa qarniga kaa gudbiyo gocashadiisii dheh

Tixa guuna taariikh gu weyn galabsigeedii dheh

Nin gamaana heensaynayiyo garashadiisii dheh

Aduunyada gablooshee tagtiyo gelimadeedii dheh

Niman baa gabraarsi u tirshiyo gini ku soo qaade

Sifaa ararta loo giringirshiyo godaladaydii dheh

Male laguma guuree runtaa lagu goboobaaye

Gooshaash sidiisii balaan geedi kale meersho

Wuxu yidhi hadaan kuman u go’in guud cadiyo wiilal

Gelbis iyo mashxarad laguma helo calan gobaadeede

Xinjir wada guduuduu qaboo geedka loo huraye

Sebenkii gumaysiga ragbaa diiday gibishiiye

Ama geeri ama guul xornimo yidhi go’aankiiye

Gobo’dooda dhiigaa u qubay oon gam’i aqoone

Gaalada nijaastale markuu gebagebaynaayey

Ee uu gudooonkooda nacay gacana raacsiiyey

Sidii sheikh bashiir ba ugu go’ay waa la sii garane

Oomaar xil gaar uma ahayn waana kii gudaye

Wixii gooni loogula baxee loogu xadhig giijay

Gobanima u dirir buu ahaa neceb gumeeyaaye

Isaguna gedii buu ku baxay gawdhiskuu qabaye

Gulufkii wadaadkii isagu gobo dirireedka

Gaashaan biruu kala hor tegey gamas colaadeede

Isaguna gedii uu ku baxay waa la sii garan

Guubaabo kicintii shacbiga goor iyo alalaylba

Ganbadooda dumarkii u furay qalabki guudkooda

Gabayada wadanigiyo fankiyo gacalka suugaantu

Hadii aanay geestooda hayn caday ma goyneene

Ileen geesiyaal baa ku maqan guushan caliyoowe

Gargaarkii allaa lagu hantiyay waana loo go’aye

Qarnigaan ku goobnuu ahaa gumaradeeniiye

Afartaa qarniga kaa gudbiyo gocashadiisii dheh

Tixa guuna taariikh gu weyn galabsigeedii dheh

Nin gamaana heensaynayiyo garashadiisii dheh

Aduunyada gablooshee tagtiyo gelimadeedii dheh

Niman baa gabraarsi u tirshiyo gini ku soo qaade

Sifaa ararta loo giringirshiyo godaladaydii dheh

Male laguma guuree runtaa lagu goboobaaye

Gooshaash sidiisii balaan geedi kale meersho

Gubniyaal gantaaliyo rasaas culus ku gaashaaman

Guutooyin meeshay galaan ciidu gubanayso

Hitlar gaasas xoog weyn wuxuu meel isugu geeyay

Wixii uu ka gees iyo ka gees dunida gawdiidshay

Galab keliya baa wish la go’ay goobataal dhigaye

Gardarada ileen eebaheen kuma gargaarayne

Goobtuu ku baxaybaa khalqigu goobayaa weli

Muuse liini gooh kuma yarayn baandaduu guraye

Gelin buu ku baxay ina barii gaadhadhka adkaaye

Jeseskona gadoodkii shacbigu sumuc ku googooye

Waa tii bukaasaba ka guday gogoshi hoos tiile

Saamweldoona gumucii cuskaday iilka ula guurye

Girligaamadii uu watay ugu gamuureene

Xaylena god baa lagaga riday xooluhuu guraye

Mingistena sidii baa loo genbiyay uu ku soo galaye

Numeerina gabood waa la’ayahay goonidaaq noqoye

Gabadanada waa kaa fadhiya gegi habaas weyne

Qarnigii galaaftuu ahaa gocoradii jaane

Afartaa qarniga kaa gudbiyo gocashadiisii dheh

Tixa guuna taariikh gu weyn galabsigeedii dheh

Nin gamaana heensaynayiyo garashadiisii dheh

Aduunyada gablooshee tagtiyo gelimadeedii dheh

Niman baa gabraarsi u tirshiyo gini ku soo qaade

Sifaa ararta loo giringirshiyo godaladaydii dheh

Male laguma guuree runtaa lagu goboobaaye

Gooshaash sidiisii balaan geedi kale meersho

Gujisyada badaa quusayiyo guuxa sabaraynka

Iyo dayaxgacmeedada la gane guudka sare meeri

Idaacado wargeys gudub socdiyo telefisyoon gaara

Oo wararka loo gooman yahay kugu gargaaraya

Kumbiyuutar garashada naflaha yaab ku gelinaaya

Gaastiyo shidaalada la helay ama wixii gaaxsan

Ee aan go’ayn abadankood geda kastay joogto

Qarniga goolashaa laga dhashaa kaa gabaabsiyaye

Gunaday israa’iil heshiyo godobta ay hayso

Falastiin guhaaday qabtiyo garab la’aanteeda

Geyigaa wareegee carbeed gooninimadiisa

Markii dadabta loo goynayaan laga galiilyoone

Qarnigii guracay buu ahaa goosankaan tebaye

Afrikana guyaal iyo guyaal nacab ku goobyaalye

Ganaciyo gasiin waxay lahayd gaax kamay dhamine

Gasiirada kalaa looga raray gamashigeediiye’

Dabarkii markuu gooyey iyo caynki lagu giijay

Ama heeryadii ay gubtiyo hilaygiguudkeedu

Waa tii tashiga laysu guray eey wada gorfeeyeene

Waa tii gamuun iyo falaadh qaaday gamaskiiye

Waa tii cadaawihi la ganay gees kastay tahaye

Waa tii gondaha lagaga jaray gudin afaysnayde

Gobanimada waa tii heshee gaafka loo dhigaye

Geney iyo hadaad gaariyiyo tarabi gaadhsiiso

Ama uu hadraawiba u galo gole fardoodkeedu

Qarnigay aduunyada gashaa kaa gabaabsiyay

Afartaa qarniga kaa gudbiyo gocashadiisii dheh

Tixa guuna taariikh gu weyn galabsigeedii dheh

Nin gamaana heensaynayiyo garashadiisii dheh

Aduunyada gablooshee tagtiyo gelimadeedii dheh

Niman baa gabraarsi u tirshiyo gini ku soo qaade

Sifaa ararta loo giringirshiyo godaladaydii dheh

Male laguma guuree runtaa lagu goboobaaye

Gooshaash sidiisii balaan geedi kale meersho

Gagabkii dagaalkii labaad nabaraduu geystay

Guryihii burburay gawricii dhiigu gobo’leeyey

Gabaniyo wixii hooyadii kala gabnaysiiyay

Wixii gaari saygay jeclayd gadatay ruuxiisa

Wixii garab cas lagu soo deldelay amarka goynaysa

Wixii janano goobtuu ku jabay gaar isugu toogtay

Is maqiiqa geerida wixii gebi ka duulaayey

Ninkii gini adkaa maalintii geedna qarin waayey

Ee ciida laysugu gabaday gadawyadii hoose

Gudcur dumay god seegii ka dhacay guuldaradi taalay

Gidaarkii adkaa maalintii gudubka loo jeexay

Baarliina gacalkii is dhalay kala go’doomaayey

Nukliyeerku goortuu qabsaday gaanka horishiima

Ee goboladii naagasaak samada qiiq gaadhay

Gelgelintii jabaan lagaga dhigay maalin gudaheeda

Guulamadii laga fajacay dunida guudkeeda

Inuu gaag ka hadho bay ileen gacanta taageene

Qarni loogu go’ay buu ahaa gaade weerara

Afartaa qarniga kaa gudbiyo gocashadiisii dheh

Tixa guuna taariikh gu weyn galabsigeedii dheh

Nin gamaana heensaynayiyo garashadiisii dheh

Aduunyada gablooshee tagtiyo gelimadeedii dheh

Niman baa gabraarsi u tirshiyo gini ku soo qaade

Sifaa ararta loo giringirshiyo godaladaydii dheh

Male laguma guuree runtaa lagu goboobaaye

Gooshaash sidiisii balaan geedi kale meersho

Taariikhdu gunud bay lahayd goob la joogaba’e

Markaan garashadaydii hadeer wax isu geegeeyo

Ee aan gadaal ugu noqdee galaha baadhbaadho

Gabno iyo galoof bay lahayd gaaniyo irmaane

Goblaniyo mid caydhay lahayd gorofta baaheede

Guunyada mid maalay lahayd gaaja aan qabine

Gabadana qabaw bay lahayd gawdhe dhaxameede

Golcas iyo gadiid bay lahayd goor xun dhalandhoole

Gudcuriyo habeen bay lahayd guura bahaleede

Gabow iyo cusayb bay lahayd gu’ iyo waayeele

Garaad iyo suldaan bay lahayd caaqil geed taga

Gibir iyo cashuur bay lahayd sedo la gooyaa

Gulufiyo dagaal baa ka jiray labada gooroode

Aano iyo godob bay lahayd aar la soo gudo

Giiryaale iyo bay lahayd geesi aan biqin

Arin waliba geed buu lahyaa lagu gorfeeyaa

Guurtidu xilkeeday tiqiin goor iyo ayaan

Gudi iyo xaq soor baa ka jiray gariyo meesheed

Nin uun baa gudoon qaadan jiray loo gud boonyahay

Guur iyo gabaatay lahayd yabadh la geeyaa

Gaaf iyo aroos bay lahayd xeedhyo loo guro

Giblo iyo ciyaar bay lahayd jiib u gooniya

Gabadhuna dhibaad bay lahayd dhaqan gobaadeed

Gaaridu xishood bay maryaha ugu galoolayd

Garas iyo galool bay lahayd gawlaliyo jiic

Gudin iyo hangool bay lahayd buuxsin loo guro

Guunyadana geelaw mudnaa gu’iyo jiilaal

Gendi iyo dhukaan bay lahayd shilin gabaareeye

Gaaliyo islaam bay lahayd guule caabuda

Hanti goosi iyo bay lahayd shuuci gaamuray

Goboliyo waxay kala lahayd dawlad gooniya

Gaashaandhig iyo bay lahayd boolis iyo geesh¨

Gurmad iyo difaac bay lahayd geyfan weligood

Guulwade kacaanay lahayd kaadir hawlgabay

Xabsi lagu gufeeyay lahayd kaan giblo u tumin

Golihii afweynay lahayd gawrucuu dhigay

Garoon loogu toogtay lahayd ruuxan eed gelin

Dheel iyo gabayray lahayd amase guuleed

Xasuuqii gasiiray lahayd maato gawricid

Gumaadkii hargeysay lahayd tii gabyow dhigay

Gaani iyo gefkii moorgan kaahiyaad garan

Jabhadii gadooday lahayd buuragelidii

Galadii burciyo waxay lahayd gudagalkeedii

Gurmadkii jihaadkay lahayd gaylan dirirkii

Guushaad ogayd bay lahayd geesiyow maqane

Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxan ku soo gooyey

Allahayoow hadii kani galbaday nagana sii guuray

Oo uu mid kale soo gab yidhi guule waa adiye

Allahayoow geyiga nooga yeel gacan irmaanaada

Oo aan mar naga gaagaxayn ama gabnoobaynin

Oo nabada waw goomanahay gooriyo allayle

Allahayoow wixii godob dhex yaal aano laga giigo

Eeboow adaa garan karee naga gadaan dhiilo

Eeboow gef bay uumiyii naga gelaayaane

Eeboow inaan gooni nay nagu giriifeene

Eeboow gartana way arkaan waanay gees mariye

Soomaalidaa kala gudee kala gawaan raacday

Ee kala go’dee kala tagtay nagu gujeeyaane

Gaar inaanu kala nay ogyiin mana garaabaane

Eeboow sidaa loo guracay lama gudboonayne

Guuloow aqoonsiga na sii oo hanagu giijin

Eeboow ganaanaad ogtiyo xamar gunteediiye

Eeboow godkii waa halkii laygu ganay waaye’

Eeboow ma garatadu waxay gaysataan gocane

Eeboow lafii baa gayaxan uu gigay waraabuuye

Guuloow malkiyo waa durduro gawsa debed yaale

Eeboow inaan tii ka gudo garan ma waayeene

Eeboow go’aan baa ka yaal loo gudoonsadaye

Eeboow haduu goodi yahay gele hadalkiisu

Arin aan ka gabar gaalayaa laygu gelinsiine

Eeboow hadii lays gilgilo guuldaraa xigiye

Soomaliland waa gudoon shacabku gaadheene

Eeboow qarniga lagu galado horumar kii geeya

Eeboow wixii ay gashayio muuja gudideeda

Eeboow gargaarkaaga sii gooman yay noqone

Xubnaha Komishanka ee Heer gobol/Degmo oo Maanta La Dhaariyay
APTEN Hargeisa – 71 Xubnood oo ka kooban Komishanka Doorashooyinka heer Gobol iyo mid degmo ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay waajibaadkooda shaqo, sidoo kalena waxa loo furay tababar la xidhiidha hawlaha Doorashooyinka iyo qaabka ay u shaqayn doonaan.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay dhaarinta xubnahan ayaa waxa ka soo qayb-galay Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Saraakiil ka kala socday Saddexda Xisbi Qaran, Masuuliyiin ka socday Maxkamada Sare iyo Maxkamada Degmada Hargeysa iyo Madaxda Komishanka Doorashooyinka ee heer gobol iyo mid degmo loo soo xulay.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Ciise Maxamed Yuusuf (Ciise Xamari) ayaa ugu horayn dardaaran u jeediyay masuuliyiinta tababarka loo furay ee maanta loo dhaariyay xilalkooda. “waxaynu maanta si rasmi ah u furanaynaa tababarkii Madaxda iyo shaqaalaha Komishanka ee heer gobol iyo mid degmo, iyada oo laydin dhaarin doono. Walaalayaal xilkan laynoo dhiibay waa imtixaan laynagu eegayo, waa xil culus, waa masiirkii umada. Laba mid uun bay noqon, inaynu xilkaas si daacadnimo iyo muwaadinimo ku dheehan tahay u gudano iyo in aynu ku mutaysano magac-xumo iyo ceeb-qaadasho.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu, isaga oo dardaraankiisa iyo hoga-tusaalaynta uu u jeediyay masuuliyiintan yidhi; “waxaad wada ogaydeen inaynu beri dhawayd siganay oo aynu qarka u saarayn burbur, taasoo ay sababtay habkii loo maamulay diiwaan-gelintii codbixiyeyaashu. Waxa noo cadaatay in khaladaadkii dhay ay qayb wayn ku lahaayeen hawl-wadeenadii goobaha ee Komishanku, taasoo yar iyo waynba laga qayb-qaatay, taasi waxay ina dhaxal-siisay muran, waxaanaynu ku siganay AL-HAAKUMU-AL_TAKAASUR.

Waxa laydinka baahanyahay in aad u shaqaysaan si xilkasnimo iyo daacadnimo leh.”

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga UCID ayaa isagu ka hadlay madasha dhaarinta saraakiisha komishanka ee heer gobol iyo mid degmo. “waxaan leeyahay raggiina I horfadhiya ee hawl-wadeenada ah, waxa laydinku dhaarinayaa inaad si daacad ah oo hufnaan ah hawshaa laydiin igmaday u fulisaan doorashada soo socota ninoowna godka cidi kula geli mayso hadaad ka samayso wax cadaalad daro ah.”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Axmed Cige ayaa isaguna u soo jeediyay masuuliyiinta tababarku u furmay inay ka dheeraadaan eexda iyo cadaalada-darada si loogu xardho taariikhdooda boga xusuus wanaaga Somaliland. “Waxa xaaraan ah in qofku isaga oo Islaamnimo sheeganaya hadana cadaalad-daro sameeyo.

Hadaad si fiican uga soo baxdaan xilkaas laydiin dhiibtay dad la xuso oo aan waligood la ilaabin ayaad noqonaysaan idinka iyo xubnaha komishanka oo dhami. Waxaad u naxariistaan hooyada iyo aabaha masaakiinta ah ee hawsha laydinka sugayaa noloshooda saamaynta ku yeelanayso.”

Gudoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax oo hadlay Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa isaguna weedho talooyin ku duugan yihiin u jeediyay xubnaha la dhaariyay. “Waxaan idiin rajaynayaa dhawrsanaan, inaad iska kaaya ilaalisaan, waayo wuu jecel yahay xisbi waliba inuu idinka helo meel uu idinka dhex-maro.” Sidaas ayuu yidhi Cumar Jaamac

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maxamed Xirsi Oomane ayaa dhaarta ka hor isna munaasibadaas hadal kooban ka jeediyay “Xilka laydiin xilsaaray, ama laydiin tababarayaa waa xil culus, waa masiirkeenii, waa wadaniyadii aynu doonaynay, waa wixii dhibka badan loo soo maray. Qof walba oo idinka mid ah waxa saaran waajib ka Madaxweynaha le’eg, ka Gudoomiyaha Maxkamada Sare le’eg, Ka Baarlamaanka le’eg. Xilku yaryaraysi malaha”

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel ayaa kitaab gacanta u saaray dhamaan masuuliyiinta komishanka doorashooyinku u soo xushay inay uga masuul noqdaan hawlaha doorashooyinka ee gobollada iyo degmooyinka dalka isaga oo toos halkaasi ugu dhaariyay.

Talaabadan ayaa hordhac u noqonaysa hawlihii laga sugayay komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland iyo diyaar-garawga doorashooda Madaxtooyada Somaliland ee dhawrka jeer baaqatay iyo waliba xal-u-helidda arrinta kala shaandhaynta dadkii isku diiwaan-geliyay codbixinta.

APTEN Media

Hargeisa, Office

BUUG CUSUB: HOGGAAMINTA WANAAGSAN
BUUG CUSUB: HOGGAAMINTA WANAAGSAN

Qoraha Buugan: Cabdi Shire Warsame

“Hoggaamintu waxay muhiim u tahay nolosha iyo horumarka aadamiga, habsami u adeegsigeeduna wuxuu suurtogeliyaa in la gaaro halka la higsanayo. Haddii aan hoggaamin jirin laguma guuleysan karo gaaritaanka halka maanka lagu hayo”. Waxaa maadadan saldhig u ah “Hoggaamiyaha” oo ah kan wax saameeya wuxuu jeexaa jidka la qaadayo’.

Bulshadu waxay u baahan tahay hoggaan, hoggaamiyuhuna wuxuu u baahan hay xirfad iyo aqoon hoggaamineed, buugganina wuxuu daboolayaa baahida hoggaamiyaha, si uu isna dabooloo baahida bulshadiisa.

Buuggu, wuxuu qeybta koowaad ee hore si waafi ah faham guud uga bixinayaa hoggaamin dhaqameedka ee Soomaalida iyo halka ummadani ka gaarsiisan tahay maadadan. Asagoo isla mar ahaantaana iftiiminayaa saldhigga hoggaaminta casriga ah, gaar ahaan tilmaamihii Sokraatis. Dhinaca kale, wuxuu si kooban inoogu soo bandhigayaa siyaabaha ay aqoonyahannada qaarkood u macneeyeen hoggaaminta.

Qaybta labaad; tiirarka hoggaaminta, waxay muujinaysaa xeeladaha waxtar ah ee hoggaamintu adeegsato iyo tilmaamaha fiican ee la qabo in hoggaamiyaha lihi uu guulaysto;

Qaybta saddexaad; marinka iyo mas’uuliyadaha hoggaamiyaha, waxay sharaxaad ka bixinaysaa farqiga u dhaxeeya hoggaamin iyo maarayn iyo sida ay isugu xiran yihiin, isuna kaabaan. Ugu dambeyn, waxay qaybtani si waafi ah u faahfaahinaysaa mas’uuliyadda hoggaamiyaha (gaarsiiye, koox-dhise, himmo-geliye, khilaaf-iyo-dhibaato-xalliye, go’aan qaate iyo wax-beddele) iyo sida ugu habboon ee uu u gudan karayo.

Waxaa buuggu u qoran yahay qaab akadeemig ah, waxaana uu ku habboon yahay in loo isticmaalo koorsooyinka lagu baranayo maaraynta iyo hoggaaminta ee ka baxa machadyada tacliinta sare ee maaraynta iyo jaammcadaha dalka. Waxaa buuggu wehel iyo qalab ay joogto u kaalmeystaan u noqon karaa siyaasiyiinta, maareeyeyaasha, guddoomiyeyaasha sharikadaha, agaasimeyaasha heerarka kala duwan, madaxda ururrada samafalka, hoggaamiyeyaasha ururada bulshada iyo cid kasta oo danaynaysa in  wax-qabadkeedu noqdo mid hufan oo haybad u yeela.

Taariikhda Qiraha oo Kooban

Cabdi Shire Warsame: (Laurea in Jurisprudence, MOD & MBA)

Cabdi wuxuu muddo dheer ahaa dibolomaasi, wuxuuna xilal ka soo qabtay: Wasaaradda arrimaha dibedda; Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, Kenya; Siihaye magacaaban ee Safaaradda Soomaaliya ee Tehraan, Iran; Wasiir-ku-xigeen, Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee J. Soomaaliya (TNG); Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda TNG.

Si aad u oggaato meesha kuugu dhow ee aad buuggaan ka heli karto, fadlan la soo xiriir qoraaga: Cabdi Shire Warsamecirfe_50@hotmail.com

Wefti u Hogaaminayo Gudoomiyaha UCID oo Galabta Gaadhay Ceel-Afwayn
Ceel-afwayn (APTEN)- wefti ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaadhay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay si wayn ugu soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.

Weftigan oo maanta ka ambo-baxay magaalada Burco iyaga oo u sii jeeda magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga UCID ee degmadaasi Ceel-afwayn. Waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah ay uga sii gudbi doonaan dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Socdaalka weftigan uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa lagu tilmaamay mid ay u kuur-galaayaan xaalada dadka iyo deegaankaasi ku sugan yihiin iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Madaxtooyada.

Laba Ruux oo ku dhintay Dagaal Aano Qabiil Gobolka Sanaag iyo baaxada khasaaraha
Sarmaanyo (APTEN)- Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen weeraro isdaba socday oo la xidhiidha aano qabiil oo shalay iyo xalay ka dhacay deegaanka Sarmaanyo oo ka tirsan gobolka Sanaag, oo 15 Km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Xuddun ee gobolka Sanaag.

Sida ay APTEN MEDIA u xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka shaqaaqadu ka dhacay oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay. Wararka aanu jiiddaas gobolka Sanaag ka helayna ayaa intaas ku daray in weeraradani daba socdeen aano iyo dilal hore u dhex-maray labada dhinac muddo laba sano ka hor ah.

waxaana warku intaa raaciyay in aanay jirin wax waan-waan nabadeed ah oo laga dhex-wado ilaa hada labada qabiil ee xurguftu dhex-martay. Wararka aanu ka helayno ilaa caawa magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in laga dareemayay fiidkii caawa isku hub-urursi la xidhiidha labada beeleed ee xurgufta dagaal dhex-martay.