Aftahan Press

Darussalaam Masjid ee waqooyiga London Xaggee Marayaa?
Waxaa mahad kulligeed iska leh Allaha Awoodda leh ee inoo sahlay in aynu mashruucan sida dhakhsaha iyo fudaydka leh ugu guulaysano, nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato nebigeenii suubanaa Muxamed ibnu Cabdullaah, kaas oo Alle inooga dhigay mid aynu kaga dayano sidii aynu u noolaan lahayn nolosha aduunyo uguna diyaargaroobi lahayn ta aakhiro.

Anaga oo ah Maamulka Masaajidka Darussalaam Southall eewaqooyiga magaalada London, Waxaan jecelnahay in aan halkan kusoo gudbino warbixin ku saabsan Masaajidka Daarussalaam, taasoo isugu jiri doonta siduu ku bilawday, meesha uu marayo hadda iyo waxa laga rabo mustaqbalka.

Masaajidka daarussalaam waxaa uu ku yaallaa meesha ay ku kulmaan Southall (London Borough of Ealing), Hayes (London Borough of Hillingdon) iyo Heston (London Borough of Hounslow) oo ah saddex xaafadood oo soomaali aad u badani deggan tahay, waxaa la bilaabay hawshiisa taburucaad aruurinta ah bishii Ramadaan (2009) bilawgeedii iyada oo la isticmaalayay idaacadda la iska arko ee Universal TV, mashruucaas waxa ilaahay ka dhigay mid midha qaaliya u dhala ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan , waxaa tabarucaadda laga soo dirayay shanta qaaradood.

Mashruucan ayaa waxaa la odhan karaa waa mashruucii ugu horeeyay ee tusay shacabka soomaaliyeed in haddii ay niyadda wanaajistaan Ilaahayna talo saartaan iyaguna u midoobaan ay qabsan karaan wax walba oo baniaadam qabsan karo.

Waxaa xusid mudan in la sheego baahida masaajidadu u leeyihiin muslimiinta ku nool dhulalka aan islaamka ahayn; masjidku waa meesha ay bulshooyinku Ilaahooda ku caabudaan, ubadkooda ku baraan diintooda iyo dhaqankooda, kuna xanaaneeyaan waayeelkooda. Waxaa xaqiiqa ah iyaduna in masaajidada ku yaalla qurbuhu ay ka duwan yihiin kuwa ku yaalla caalamka islaamka ee aynu inteena waaweyni kusoo barbaarnay; dhulalkeenii masaajidku wuxuu ahaa meel lagu cibaadaysto , diintana lagu barto, laakiin waxaa ku soo kordhay wadamadan in uu noqday meesha laga baraarujiyo ama laga saxo bulshada masaajidkaas ku xidhan amaba caruurtoodu ay u soo doontaan meel ay ku nefisaan kuna ciyaaraan waqtiyadooda firaaqada ah, waayeelkooduna ku nastaan, laga caawiyo ciddii dhibi hayso, lagu xalliyo arrimaha qoyska iwm (community centre or cultural centre). Maqnaanta uu masjid soomaalidu gacanta ku haysaa ka maqnaa Southall waa ta sababtay muuqaallada rajo la’aanta ah ee ka muuqda qaybo badan oo bulshada halkaa ku dhaqan ah haba u badnaadeen Jiilka soo koraya.

Baahidaasi waa ta ku dhalisay dad khayr doon ah inay u istaagaan hawshaas iyaga oo kaashanaya Alle, kuna tashanaya shacabkooda soomaaliyeed inay garab istaagi doonaan, ilaahay mahaddii waxaa ah inay hawshii sidii la filayay u dhacday.{fadligeedana Alle ayaa iska leh}

Maalintii ciidda soonfur waxaa soo xerootay in ku dhow saddex meelood laba meel (2/3 lacagtii lagu iibin lahaa daarta masjidka laga dhigayo, sidii laga sheegay fagaarihii ciidda lagu tukaday, aadna ka daawateen Universal TV; waxaa ilaahay sahlay in bishii December 2009 aanu idiinka sheegnay Universal TV inay soo wada xerootay lacagtii daarta lagu iibsan lahaa.(AlxamduLilaah)

Reg Charity No: 1134548 North Hyde House, North Hyde Wharf, Hayes Road, Heston UB2 5NS.

Waxaan akhristayaaasha sharafta leh xasuusinaynaa in daarta la iibsanayaa ay tahay meel xafiisyo ah, taas oo sida aad dareemaysaan aan ahayn masjid, markaa waxaa lagama maarmaan ah in daarta loo beddelo Masjid . Masjidka waa in loo sameeyo meelihii weysada iyo musqulo ku filan raga iyo dumarkaba, waxaa intaa sii dheer albaabadii ay ka soo geli lahaayeen ragga iyo dumarku iyo weliba meeshii meydka lagu dhaqi/maydhi lahaa. Waxyaabaha la soo xusay ayaa waxay u baahan yihiin dhismo hor leh amaba in la beddelo siyaabihii meelaha qaar u dhisnaayeen; Ka dib markii loo tegay dadkii khibrada u lahaa dhismaha waxaa ay noo sheegeen in ay ku baxayso lacag ka badan nus milyan (500 oo kun).

Waxaa maamulka masaajidku idiinku soo gudbiyeen universal TV sawiradii tusayey sida loogu talo galay in loo dhiso masjidka iyo qiimahooda iyaga oo ku magacaabay mashruuca darusalaam masjid qaybtiisii labaad, uruurinta lacagtaasina waa socotaa ilaa iyo hadda; haddii Alle idmona waxaa la idiin sheegi doonaa mustaqbalka dhow.

Waxaa arrin xasuusin mudan ah in dhisidda masaajidadu aanay ahayn arrin u gaara bulshada soomaaliyeed ee ay tahay arrin diini ah oo Alle loogu dhowaado rasuulkeeniina  uu (SCW)inagu boorriyay; taas oo loo baahan yahay in la isu tilmaamo in laga qayb qaato .

Nebigu ( SCW ) markii uu Madina yimi shaqadii ugu horeeysay ee uu qabtay waxay ahayd inuu dhisay masjid ;hadaba sadaqada aad Alle dartii uu bixisay waa in aysan kula badan, maadaama ay adiga uun meel kuu taallo haddii Alle kaa aqbalo. ha illaawin noloshan qofba ilaahay wax buu u fududeeyay , qofbaa loo fududeeyay inuu jidka Alle u taagan yahay oo maal iyo wakhtiba ku bixiyo isaga oo doonaya keliya in Alle raali ka noqdo, meesha qof kale lagu mashquuliyay inuu aduunyo keliya u jeedo aakhirona uusan warkeedaba hayn.

Intaas waxaan kaga soo gudubnay meesha hadda la marayo, waxaa is waydiin mudan maxaa intaas ku xiga haddaba? Masaajidka waxaa haddii Alle idmo lagu bilaabi doona dhismaha iyo dibuhabaynta aan soo xusnay, waxaan alle ka rajaynaynaa in masaajidku diyaar noqdo inta aan la gaadhin bisha Ramadaan ee soo socota 2010. Wixii dib udhac ah ee yimaadda(Alle ha inaga hayee) waa la idinla soo socodsiin doonaa.

Masaajidku marka uu si buuxda u furmo waxa uu yeelan doonaa qaybahan:

• Musalla ay raggu ku tukadaan .

• Musalla ay dumarku ku tukadaan.

• Makhaayad, Dukaan iyo makhtabad isla socda, laba xafiis iyo Xarun lagu jimicsado.

• Malcaamad iyo meesha maydka lagu maydho/Dhaqo.

• Dabaqa ugu sareeya (saddexaad ayaa isagu noqon doona mid loo isticmaalo waxyaalo kala duwan

sida: musalla, classes, xarun dhalinyaro iyo wixii la arko in bulshadeenu u baahan tahay.

Ugu dambayntii waxaa halkan uga mahad celinaynaa shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay

joogaan, waxaan Allaha awoodda leh u waydiinaynaa inuu aduunka iyo aakhiroba wanaag siiyo.

Waxyaabaha aan soo sheegnay qaar ka mid ah ayaa waxa ay u baahan yihiin ogolaansho dowladda hoose, wixii war ahna waan idinla soo socodsiin mar walba.

Wixii faahfaahina nagala soo xidhiidh xarunta taburucaadda ee masjidka:

Mamulka.

Tell:(+44) 208 571 4848

E-mail: info@dmcc.org.uk

Madaxweyne Shariif oo si heersare ah loogu soo dhoweeyey UK
Madaxweynaha Dowladda Ku meel gaadhka ah ee Soomaaliyaa, Mudane Sheikh Shariiff Sheikh Axmed ayaa si heer qaran ah ay dowladda Ingiriisku ugu soo dhowaysey dalkan UK, isagoo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Biritan uu kula kulmay xafiiskiisa Downing Street;

Soo dhoweyntaa oo si maamuus iyo qaranimo ku jirtay waxay u dhacday sidan ee daawo fiican:

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="640" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/EF_jVlVTDSo&hl=en_GB&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="640" height="385" src="http://www.youtube.com/v/EF_jVlVTDSo&hl=en_GB&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

Source: Siciid Nabaddoon.

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Shir Jaraaid qabtay
Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Hargeisa ku qabtay shir-jaraa’id oo ay kaga hadlayeen kaadhadh cusub oo ay dhowaan soo saari doonaan, isla markaana ay ka gaabsadeen inay cayimaan wakhtiga doorashada madaxtooyada Somaliland; waraysigii oo dhan halkan ka dhegeyso..

Warsaxaafadeed: Halkan ka dhegeyso

<object classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" width="300" height="27" id="ssg_gplayer_object-0">
<param name="movie" value="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/dhegeyso/ShirDoorashooyinka.mp3" />

<object type="application/x-shockwave-flash" data="http://www.google.com/reader/ui/3247397568-audio-player.swf?audioUrl=http://www.aftahan.com/dhegeyso/ShirDoorashooyinka.mp3" width="300" height="27">

</object>

</object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="600" height="400" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="flashvars" value="host=picasaweb.google.com&hl=en_US&feat=flashalbum&RGB=0x000000&feed=http%3A%2F%2Fpicasaweb.google.com%2Fdata%2Ffeed%2Fapi%2Fuser%2Faftahanpress%2Falbumid%2F5446765907736526833%3Falt%3Drss%26kind%3Dphoto%26hl%3Den_US" /><param name="src" value="http://picasaweb.google.com/s/c/bin/slideshow.swf" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="600" height="400" src="http://picasaweb.google.com/s/c/bin/slideshow.swf" flashvars="host=picasaweb.google.com&hl=en_US&feat=flashalbum&RGB=0x000000&feed=http%3A%2F%2Fpicasaweb.google.com%2Fdata%2Ffeed%2Fapi%2Fuser%2Faftahanpress%2Falbumid%2F5446765907736526833%3Falt%3Drss%26kind%3Dphoto%26hl%3Den_US"></embed></object>

Somaliland oo Si wayn Looga Xusay Maalinta Haweenka Caalamka
Hargeysa (APTAN)- Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka ayaa maanta si wayn looga xusay maalinta Haweenka Caalamka oo sanad walba maanta oo kale (8 March) looga dabaal-dego.

Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa munaasibad ay soo qaban-qaabisay oo si qurux badan loo soo agaasimay ku dhigtay Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Md Cabdiraxmaan Maxamed Maal, oo ka hadlay munaasibada xuska Haweenka ayaa hambalyo u diray dhammaan haween waynaha Somaliland, isaga oo sheegay in wasaaradoodu u taagan tahay sidii ay haweenka dalka u horumarin lahaayeen “Maanta waa maalin haweenka adduunka oo dhami dabaal-dagayaan, maalintan waxa la cayimay 1977-kii, waxaana loo gartay inay noqoto maalin la xuso sidii xuquuqda dumarka loo dhowri lahaa, waxaana laga xusaa adduunka oo dhan” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada qoyka, waxaanu intaa ku daray “Wasaarada xilkeedu waa inay daryeesho haweenka Somaliland. Wasaaradu waxay qaaday talaabooyin horumarineed oo wax loogu qabanayo dumarka.” Ayuu hadalkisii ku soo xidhay agaasimuhu.” Ayuu yidhi Md. Maal.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Md Cabdiraxmaan Xueen Cadami oo isna halkaas ka hadlay, ayaa hambalyada uu haweenka u diray ka dib xukumada iyo xisbiyada qaranka ku canaantay in aanay fulin balanqaadyo ay haweenka hore ugu qabteen. “Madexda dalku xukumada iyo xisbiya-ba waxaay ku balan qaadeen in ay dumarka wax la qabtaan, laakiin balanqaadkaasi muu fulin, taasina waxay cadaynaysaa in aanay diyaar u ahayn in gacanta laaban kala furaan” ayuu yidhi.

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Md Jaamac Yaasiin Faarax oo isna halkaas kalamado kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin xuska maalinta haweenka aduunka taas oo uu sheegay in ay tahay maalinta kaliya ee haween weynaha aduunka loo asteeyey.

Munaasibadan oo ay ka hadleen shakhsiyaad muhiim ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyaradda Ciyaaraha Somaliland Md Maxamuud Siciid Muxumed, ayaa waxaa soo gabo-gabaysay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshadda, ayaa ugu horeyn hambalyo u dirtay haween waynaha Somaliland. Iyada oo tilmaamtay sida mar kasta wasaarada Qoysku diyaarka ugu tahay daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Xuska maalintan oo ay ka qayb-qaadanayeen kooxa muusigada ee ciidanka booliska ee Baamboyda loo yaqaano ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo la xidhiidha maalintan iyo heeso muujinaya muhiimada hooyadu leedahay.

Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland ka kooban yahay ayaa Wasaarada Qoysku ay ku soo bandhigtay munaasibadaha loogu dabaal-dagayo maalintan 8 March oo loo asteeyay in caalamka sanad walba maanta oo kale looga dabaal-dago.

Sidoo kale caawa ayaa Hoteelka Ambassador ay ka dhacaysaa xaflad loogu dabaal-dagayo maalinta Haweenka.

Waxaanu Ka Cabanaynaa Xukuumadda Oo Beertayadii Waddo Ka Dhigatay
Xornimada dalkan iyo calankan ina dulsudhan waxaa loo soo maray marxalado aad u qalafsan , iyo halgan dheer oo naf iyo maalba loo soo huray. hadaan xuso dhacdooyinkaas mid ka mid ah , waxaan xasuustaa dharaarihii xasuuqii ugu horeeyay ka bilowday Hargeisa inksasta oo ay dhibaatadu wada taabatay ummada reer somaliland, hadana waxaan ka mid ahay kuwa ay si gaarka ah ay u raadeeysay islamarkaasna ay qalbigooda xusuusta ku reebtay. markasta oo aan maqlo iyadoo laga hadlayo xasuuqii loo geystay ummada reer somaliland hanqalka ayaan la soo kacaa waxaanay dib u xasuustaa x .

1988 30 May , dadkii ugu horeeyay ee la dilay waxaa ka mid ahaa adeerkay Xasan Carab Xaaji Muxumed iyo Xaaskiisii Marxuuma Nuura Sheekh Cali Sheekh Madar waxaana lagu dhex dilay beer aanu ku lahayn schoolka Faarax Oomar dhinaciisa bari , halkaasi oo imika ah wadada ku meel gaadhka ah ee shacab Area loo maro tan iyo markii uu biriijkii shacabku go,ay.

hadaba nin ayaa hore looga hayay ma dadka dhintay baan u ooyaa mise kuwa nool , taasoo aan uga jeedo dadkii reer somaliland ee dadkoodii hore loo xasuuqay ee qofba uu ku waayay qofkii uu dunida ugu jeclaa miyaan u ooynaa , mise agoonta ay dadkaasi ka tageen ee hantidoodii cagta la mariyay ee xaqoodii la duudsiyay ayaan u ooynaa .

Marxuun Xasan carab wuxuu ka mid ahaa fanaaniinta horseed ee qarankii soomaaliya waxaana dilay taliskii dhiigyacabka ahaa taariikhdu markay ahayd 31 may 1988 isaga iyo xaaskiisaba , hadaba iyadoo maanta aanaan filayn in xaqooda la doodsiyo hambadii ka badbaaday xasuuqii dawladii hore ee soomaliya ay dadkan u gaysatay ayaad moodaa in ummada tabarta daran aan loo tudhayn oo hantidoodii ay gaarka u lahaayeen sidii la doono loogu tagri falayaa  iyada oo aan lagala tashan waxna laga weydiin.

hadaba beertii agoontaa cagaf ayaa la geliyay ,ceelashiina waa la baabiiyay iyada oo aan wax nalaga weydiiyay jirin ,  mudo ku meel gaadh loogu ahaado dhul agooni leedahayna waa la dhaafay ,hadana biriijkii daadku qaaday wax kasoo naaso cadi lama arkee dawladu halka ay wado ka dhiganayso ayaa laga rabaa ineyl dhul dawladeed wuu buuuxaa waataa markasta ay ku tagri fashee ee iibsato dhulkii dhisnaa iyo kii banaanaa ee danta guud ahaabee.

guntii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay dawladu haw banayso agoontaa dhulkooda , wixii hanti ah ee ay ka baabiiysayna magdhawgeedii ha bixiso.

Maxamed Xuseen X Muxumed  (Jagac)

Munaasibad ilyartu isqabsatay oo Daaha Lagaga rogay Adeegyada Shirkada Cusub ee Somtel
Munaasibad ilyartu isqabsatay oo Daaha Lagaga rogay Adeegyada Shirkada Cusub ee Somtel

Hargeysa (APTEN)- Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel oo ku soo biirtay saaxada shirkadaha ka ganacsada isgaadhsiinta Somaliland ayaa maanta si rasmi ah daaha uga rogtay adeegyo casri ah oo ay dalka ka bilawday.

Munaasibad xadhigaga lagaga jaray adeegyada ay qaban doonto Somtel oo ka dhacday Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, Goleyaasha Baarlamaanka Shirgudoonadooda Xildhibaano, Wasiiro xukuumada ka tirsan, Salaadiin, Culimo-awdiin caan ka ah wadanka, Madax-dhaqameedyo, Abwaano, Aqoonyahano,  Masuuliyiinta Jaamacadaha ka jira Somaliland iyo Ardaydooda, Haween, Dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee ay bulshadu ka kooban tahay.

Shirkada Somtel oo hore uga shaqayn jirtay meelo ka mid ah gobolada Somaliland, isla-markaana ay mataano yihiin oo uu leeyahay mulkilaha shirkada Dahabshiil ayaa waxay maanta shaqadeeda ka bilawday guud ahaanba dalka, iyada oo munaasibado lagu furayaana ay ka dhaceen isku wakhti guud ahaan gobollada  iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay.

Gudoomiyaha Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay munaasibada furitaanka ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada isgaadhsiineed ee ay u soo bandhigayaan bulshada iyo waxyaalaha ay kaga duwanaanayaan kuwa ay hada qabtaan shirkadaha wadanka ka

jira ee iyagu ka shaqeeya isgaadhsiinta. “Waxaanu bulshada Somaliland ugu bushaaraynaynaa inaanu bilownay adeeg cusub oo kala ah Mobilo laba kaadh leh oo kaadh aad u isticmaali karto SOMTEL midka kalena shirkada aad adigu jeceshahay.waxaanu keenay Mobilo cadceeda ku shaqeeya.Internet deg deg ah oo aan filayo in baahidiisii laga haqab beeli doono oo isugu jira GPRS-ka, Wireless,  kaadhka yar laga geliyo Kombuyuutarka iyo kuwa kaleba waxaana qofka isagoo dariiqa maraya inuu adeega Internet-ka uu galo.”sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha shirkada Somtel, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaanu ku soo kordhinay Shirkada Adeegga cusub ee loo yaqaano GSM-ka iyo adeegyo kale duwan oo casri ah oo uu ku jiro Internet-kii oo aad qiime jaban oo macquul ah aad ku helaysid, sababta keentay in SOMTEL ay dib u habayntan samaysay isla markaana bulshadu ay u baahan tahay tartan ganacsi oo xalaal ah oo ku salaysan Ganacsiga Xorta ah, sidaasi ayaanu u damacnay inaanu soo kordhino adeegyadan. Anagoo ka duulayna in loo baahan yahay qalab tayo leh oo aan ahayn qiimahiisa ayaa jabane’e soo iibso. Qalabka malaha cida ugu horreysaa waa dunida reer Galbeedka qalabkayagan waxaanu ka soo iibsanay shirkad Faransiis ah oo ku jirta kuwa ugu horreeya. Waxaanu adeegan dadweynaha ku siinaynaa qiime macquul ah oo duruuftooda la jaan qaadaysa. Telefoonkayagu maanta laga bilaabo waxa laga heli karaa Laascaanood Illaa Lawyacaddo.”

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="600" height="400" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="flashvars" value="host=picasaweb.google.com&captions=1&hl=en_US&feat=flashalbum&RGB=0x000000&feed=http%3A%2F%2Fpicasaweb.google.com%2Fdata%2Ffeed%2Fapi%2Fuser%2Faftahanpress%2Falbumid%2F5445650194524353585%3Falt%3Drss%26kind%3Dphoto%26hl%3Den_US" /><param name="src" value="http://picasaweb.google.com/s/c/bin/slideshow.swf" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="600" height="400" src="http://picasaweb.google.com/s/c/bin/slideshow.swf" flashvars="host=picasaweb.google.com&captions=1&hl=en_US&feat=flashalbum&RGB=0x000000&feed=http%3A%2F%2Fpicasaweb.google.com%2Fdata%2Ffeed%2Fapi%2Fuser%2Faftahanpress%2Falbumid%2F5445650194524353585%3Falt%3Drss%26kind%3Dphoto%26hl%3Den_US"></embed></object>

Gudoomiyaha oo ka hadlaya adeegyada cusub ee ay qabanayaan ayaa sheegay in Saddexda Murashax ee u tartamaya madaxtinimada dalka ay siin doonaan Tilifoono ay dadka shacabka ah ee la hadlaya bilaash uga dhigayaan adeega hadalka. “Waxaanu sadexda murashax ee Madaxweynaha Somaliland waxaanu u samaynaynaa Telefoonada dadka soo garaacayaa waa bilaash.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Mr. Xirsi in Dawlada, Axsaabta iyo Ciidamada Qaranka intaba ay u samayn doonaan nidaam isgaadhsiineed oo ay number-doodu isku xigayaan, isaga oo intaa ku daray in Saddexda Ciidan ee dalka ay si gaar ah u dhaqaalayn doonaan.

Arrinta sida wayn loogu sacaba-tumay isla-markaana dareenka dadka soo jiidatay ayaa ahayd markuu Gudoomiyuhu ka dhawaajiyay in shirkadoodu samaynayso adeeg u gaar ah dhamaan Saldhigyada Booliska ee guud ahaan dalka, Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada)  oo si lacag la’aan ah loogu xidhayo Macaamiisha Somtel ee u baahda. ““Waxaanu soo kordhinay adeeg telefoon oo isku xidhaya Saldhiyada Booliska ee gobolada dalka. “Waxaanu bulshada u soo kordhinay oo aanu daymo gaar ah u leenahay dadka dhaqaalahoodu hooseeyo sida ciidamada qaranka waxaana aanu ka qaadi doonaa qiime gaar ah. Waxa intaasi dheer  waxa jirta in had iyo jeer lacag uun lagu bilaabee mudada tijaabada ee tijaabadu socoto  oo aanu hubinayno in qof waliba ku qancay nidaadka Isgaadhsiintayadda waa lacag la’aan.”

Arrinta kale ee xusidda mudnayd ayaa ah in shirkadu bedeli doonto habkii xadhkaha (Cables-ka) ha noqdaan kuwa laga laadlaadiyo biiraha ee jidadka dhinac-mara amaba kuwa dhulka hoostiisa la mariyo, iyada oo dhamaan adeegyada shirkada sida Internetka iyo Land Line-kuba ay noqonayaan kuwo Wireless ah. “Ma jiri doono waayiro Telefoon oo aanu dhulka u qodayno iyo kuwo aanu dusha marinaynaa.waxaanu isticmaalaynaa adeeg kale oo ka casrisan oo ah madaxyo guryaha la dhiganayo.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu, waxaana uu intaas raaciyay in shirkada ay ka soo iibsadeen qalabka isgaadhsiintu tahay shirkad Faransiis ah oo aad looga yaqaano adduunka Alcatal.

Muftiga Caanka ah ee Reer Somaliland Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir oo munaasibada xadhigaga laga jaray Shirkada Somtel ka hadlaya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay adeegyada casriga ah ee ay bulshada wakhtiga kooban ku horkeentay shirkadan cusub, waxaana uu ku dheeraaday baahidii loo qabay isgaadhsiinta oo haatan la daboolay iyo dhibaatooyinkii lagala kulmi jiray isgaadhsiinta wakhtiyo aan fogayn, iyada oo loo tagi jiray wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Itoobiya.

Geesta kalena waxa uu sheekhu hadalo kaftan ah ku tuuray maamulka shirkada Somtel oo uu ugu baaqay in inay Shuyuukhda wadankana u sameeyaan adeega ku-hadalka bilaashka ah ee ay ugu u shaaciyeen hogaanka Saddexda Xisbi Qaran isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaan odhan lahaa waa mahadsan tihiine’e haddii aad tidhaahdeen sadexda Murashax Telefoonka lagala soo hadlayo waxaanu ka dhignay bilaash, waxaan odhan lahaa Anigoo aan ku hinaasayn dee sadex wadaadna iyaba dhinacii diinta ayaa lagala soo hadlayaaye’e bilaash ka dhiga.”

Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Md. Abiib Xasan Filfil ayaa ku dhawaaqay inay xukuumadiisu soo dhawaynayso shirkadan cusub iyo kuwa dhigeeda ah, waxaase uu farta ku fiiqay in aan loo baahnayn inay shirkadaha ganacsiga ku loolamayaa ay noqdaan kuwo isku dumiya awood dhaqaale. Isaga oo balan-qaaday inuu si buuxda ula shaqayn doono shirkadan cusub, una fududayn doono wixii sharciyan kaga xidhma ka wasaarad ganacsi ahaan.

Gudoomiyeyaasha Axsaabta Mucaaradka ah Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo iyaguna hadalo ka jeediyay madasha furitaanka Shirkada Somtel ayaa ammaanay shirkada Dahabshiil ee iyadu ka ganacsata lacag xawilaada taasoo mulkiilaheedu hirgeliyay shirkadan soo bandhigtay adeegyada lala dhacay.

Xoghayaha Xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax ayaa isaguna soo dhaweeyay dhinaciisa adeegyada ay la timi shirkada Somtel, isaga oo sheegay in loolanka ganacsigu uu dan yahay bulshada.

Mulkiilaha Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel  Maxamed Siciid Ducaale ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Axsaabta qaranka in ay kaga daydaan anshaxa tartanka xorta ah masuuliyiinta ganacsiga, isla-markaana ay ka dheeraadaan cayda iyo aflagaadada ay isu mariyaan warbaahinta. “Annagu ismana cayno mana yooyantanee hoostaasaan ka tartanaaye sidaasaan idinka filaynaa hadii aad tihiin Axsaabta Qaranka Somaliland.”

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida, Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh, Wasiir ku xigeenka Boosta iyo Isgaadhsiinta, Marwo Adna Aadan Ismaaciil ayaa dhamaantood ka mid ahaa masuuliyiintii kale ee munaasibada furitaanka adeegyada shirkada Somtel hadalada ka jeediyay.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland, Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo uu soo wakiishay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibada lagu marti-qaaday hase yeeshee la sheegay inuu ugu baaqday hawl shaqo ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray shirkada Somtel.

Ugu dambayntii, waxay shirkadu madashaasi ku qaybisay hadyado ay ugu talo-gashay dadkii ka soo qayb-galay xaflada furitaanka.

Dhamaan gobolllada iyo degmooyinka dalka ayaa munaasibado noocan oo kale ay shirkadu ku soo bandhigtay adeegyadeeda casriga ah.

Cabdiqani Xuseen Baynax

APTEN Media, Hargeysa

email:baynax@gmail.com

Xisbiga Kulmiye oo ku Baaqay in Loo Gurmado Deegaanada Roobabku Waxyeeleen
Hargeysa (Apten)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan in ay gurmad degedg ah u galaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha naf iyo maalba leh ee roobabku gaadhsiiyeen magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale.

Md. Axmed-Siilaanyo warsaxaafadeed uu shalay ka soo saaray xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu tacsi u diray dadweynaha magaalooyinkaas oo khasaaraha naf iyo maalba leh ka soo gaadheen roobab mahiigaan ah oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey guud ahaan gobollada dalka Somaliland.

Warsaxaafadeedka Guddoomiyaha KULMIYE oo faahfaahsanna, isla-markaana soo gaadhay xafiiska APTEN MEDIA ee magaalada Hargeysa ayaa  waxa uu u qornaa sidan: “Sidaynu wada ognahay waxa bilowday raxmaadkii roobka gu’ga, Ilaahayna aynu ugu shugri naqayno, maadaama uu innaga soo jabiyey abaartii baahsanayd ee guud ahaan ka jirtay Somaliland. Roobabkaasi waxay khasaaregaadhsiiyeen magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, waxaanay waxyeelleeyeen goobo kala duwan oo ku yaal magaalooyinkaas.

Haddaba, xisbiga KULMIYE waxa uu ka tacsiyadaynaya khasaaraha naf iyo maalba leh ee soo gaadhay magaalooyinka Wajaale iyo Berbera. Sidaa darteed, xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, dawladaha hoose iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah inay u gurmadaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha soo gaadhay magaalooyinkaas.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa, kuna talinayaana xukuumadda Somaliland inay qorshe habboon ka yeelato waxyeellooyinka sida caadiga ah roobabku gaadhsiiyaan magaalooyinka Somaliland, sida daadadka galay bakhaarrada Wajaale iyo Maxjarka Xoolaha ee Berbera.

Ugu dambayntii, waxaannu kula talinaynaa xukuumadda Somaliland in la sameeyo qorshe lagaga faa’iidaynayo biyaha roobabka ee sannad walba iyagoo qulqulaya badda toos u taga, dadweynahana waxaannu ku boorrinaynaa inay xoogga saaraan sidii ay u kordhin lahaayeen wax-soo-saarkooda dallagga beeraha, iyagoo ka faa’iidaysanaya roobabka. Bulshow aynu isku tashano, nimaan dhididini ma dhargee,” ayuu yidhi Guddoomiye Siilaanyo.

APTEN MEDIA

HARGEYSA OFFICE

SOMALILAND

Somaliland: Roobabkii Gu’ga oo curtay iyo Baaxada Khasaaraha ay Gaysteen
Hargeysa (Apten)- Roobabkii Gu’ga ayaa ka curtay gebi ahaanba geyiga Somaliland.

Saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa laga war-helay roobab aan kala go’ lahayn oo si isdaba joog ah uga da’ay magaalooyinka waawayn iyo deegaanada Somaliland.

Hadaba, iyada oo ay wadanka Somaliland ka jireen abaaro mug leh oo ay ku le’deen xoolo tiro badan, isla-markaana uu la darsay dadyawga reer guuraaga iyo beeralayda ah xaaluf dhuleed ayaa dhinaca kale roobabkan da’ayna ay sababeen khasaare xoogan oo dhinacyo badan.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku geeriyooday, boqollaal kun oo neef xoolo ahna way ku dhinteen roobab aad u culus oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey si aan kala joogsi lahayn uga da’ayey degaannada degmooyinka Tog-wajaale iyo Alleybaday oo ka tirsan Gobolka Gabiley.

Waxa kale oo roobabkaas mahiigaanka ah khasaare maaliyadeed oo ballaadhan gaadhsiiyeen ku dhowaad kala badh hantidii taallay meheradaha magaalo-ganacsiyeedka Wajaale oo daadadka roobabkaas ka dhashay galeen.

“Roobab aad u laxaad weyn oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey si aan mar qudha joogsi lahayn uga da’aya magaalooyinka Tog-wajaale iyo Alleybaday, ayaa sababay khasaarihii ugu ballaadhnaa ee abid roobabku u geystaan degaannada Gobolka Gabiley.

Inta la ogyahay ilaa hadda waxa geeriyooday oo daadadku la tageen saddex qof gudaha degmada Wajaale. Sidoo kale waxay roobabku dileen badi xoolihii noolaa ee dadka degaankaas lahaayeen, waxana baaxadda dhimashada xoolaha lagaga qiyaas qaadan karaa qoys keliya ayey roobabku ka dileen 200 neef oo adhi ah.

Waxa kaloo aannu aragnay qoys wax xoolo ah lahaa 25 lo’a ah oo dhammaantood roobku dilay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Gabileya Mr. Maxamed Axmed X Cabdi (Xabiib) oo ka waramay baaxada khasaare ee ay roobabka da’ay u gaysteen deegaanada Galbeedka Somaliland.

Badhasaabka oo sii faahfaahinayey baaxadda khasaaraha roobabku u geysteen degaannada ka tirsan Gobolka Gabiley, waxa uu intaa ku daray, “Marka laga yimaad khasaaraha nafeed iyo dabargo’a xoolaha, waxa kaloo daadadka roobabka culus ka dhashay khasaare hantiyeed oo aad u ballaadhan sida meheradaha ganacsiga degmada Wajaale oo 40% daadadku galeen, isla markaana qooyeen inta badan hantidii hoostaallay oo aad u tiro badan.

Waxa kaloo roobabku baabi’iyeen dhammaan balliyadii biyaha ee ku yaallay inta u dhexaysa magaalooyinka Alleybaday iyo Togwajaale, sidoo kalena waxay waxyeello weyn u geysteen oo roobabku dumiyeen laba sakadood oo ka mid ah dhismayaasha guryaha degmada Alleybaday.

Sidoo kale waxay daadadku khasaare soo gaadhsiiyeen oo inta badan burburiyeen kaabaddii kala qaybinaysay xuduuudka Itoobiya iyo Somaliland, moosaskii biyaha toga ka qaban jiray magaalada Wajaale. Waxa kaloo daadadku xannibeen gebi ahaanba isu-socodkii gaadiidka ee gudaha magaalada, alaaboyinkana tunka ayaa lagaga gurayaa bakhaarrada camiran ee ganacsiga, jidka carro-tuulka ah ee xidhiidhiya Wajaale iyo Kallabaydh ayaa isagana daadadku waxyeello culus u geysteen oo aan hadda gaadiidku mari karin.”

Ugu dambayn, Badhasaabku waxa uu si adag ugu baaqay in gurmad qaran iyo mid bani’aadamnimo oo degdeg ah lala soo gaadho dadka ku dhaqan degaannada degmooyinka Wajaale iyo Alleybaday oo uu sheegay inay ku sugan yihiin xaalad nololeed aad u qallafsan, gaar ahaan dadka reer miyiga oo uu carrabka ku adkeeyey inay qarka u saaran yihiin dhimasho iyo macaluul, kadib markii daadadku la tageen gurihii ay ku noolaayeen iyo xoolihii ay munaafacaadsan jireen.

Magaalada Aw=barkhadle oo uu maro jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa waxa daadkii roobabka shalay ka dhashay ay baabiiyeen beero tiro badan.

Geesta kale, Guddoomiyaha Tuullada Aw- Barkhadle Md. Jaamac Ruush, ayaa sheegay in khasaare xoog leh ay gaadhsiiyeen deegaankaas roobabkii shalay da’ay. Waxaana uu intaasi ku daray in daadadkii ka dhashay roobkii shalay ay baa’biiyeen 28 beerood oo ku yaalay degaankaas, isaga oo warbaahinta arrintaasi uga waramayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Waxa daadkii roobabkii shalay ka dhashay ay baa’biiyeen 28 Beerood, 21 Ceel Biyood, isla markaana ay qaadeen 25 Mishiin Biyood iyo 85 beebabka biyaha ah.”

Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Tuulada Aw Barkhadle intaasi raaciyay in daadkii ka dhashay roobkaasi ay la tageen gaadiid tiradoodu dhan tahay Laba Gaadhi oo rabay inay ka gudbaan dooxa wayn ee badhtamaha magaaladaasi oo uu maro jidka laamiga ahi, iyada oo dadka deegaankaasi ay u gurmadeen oo ay ka samato bixiyeen labadaasi gaadhi ee uu la tagay daadku. “Waxay dadweynaha deegaanka Aw Barkhadle ay badbaadiyeen laba baabuur oo nooca xamuulka qaada ah oo daadkii la tagay, waxa kale oo roobabku ay khasaare u geysteen Jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera oo ay Gaadiidku maanta aad ugu xanibmeen.

Xil. NacNac Oo Telefoon Kula Xidhiidhay Budhcad-Badeedda Soomaalida & Lammaanaha Ay Af-Duubeenba “Waxa Uu Waanwaan Ka Galay Qaddiyaddan”
Hargeysa (APTEN) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Xaaladda lammaanaha Ingiriiska ah ee  Mudada dheer  Budhcad badeeda u afduuban, Isaga oo sheegay inay Budhcad badeedaasi ay la soo xidhiidheen kana codsaday inay iska sii daayaan lamaanahaa Da’da ah ee Goblanka ah ee Lixdan jirka ah ee aan wax lacag ah haysan intaanay ku dhiman Inay faraha ka qaadan, waxaanu Bulshada Somaliland iyo Somalidaba ugu baaqay inay u gurmadaan lamaanahaas la haysto, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay sidan:-

“Xaalada lamaanahaasi meel adag ayey maraysaa markii aan baaqa Bixiyey laba cisho dabadeed  ayey Muqdisho igala soo hadaleen niman, waxaanay I waydiyeen in aan ahay xildhibankii baaqa jeediyey waxaan ku idhi  Haa  waxanay  yidhadeen waxa kula soo hadli doona budhcadbadeedii

Kadibna way ila soo hadleen qoladii budhcad-badeed meesha ay igala soo hadleena waxaan u malaynayaa in ay ahayd Xarardhere ama gobolada dhexe ee dalkaas aynu jarka nahay ee Somaliya.

Nimankii waanu wada hadalnay waxaan ku idhi walaalayaal iska sii daaya dadkan masaakinta  ah ee Goblanka ah, aan waxba haysan  ee Lixdan jirka ah ee Buka waxba ka helimaysaane iska sii daaya.

Markaa waxay yidhaahdeen anaga budhcadbadeed ayaa lana yidhahdaa dadkan waanu arkaynaa laakiin waxaanu doonaynaa wixii naga galay in nala siiyo.

Markaa nimankii aad aynu u wadahalnay waxaanan ku idhi bal Itusa in ay noolyihiin iyo in kale markaa islaantii ayey ila hadalsiiyeen,  markiiba islaantii waxay igu biloowday maxaa ninkeygii la iigu geyn wayeey?

Waxanay igu tidhi adigu maxaad ahayd waxana ku idhi waxan ahay Xildhiban Somalilander ah nimankan ku haystan Waa dad aanu  Jaar nahay  dad magac wadaaga aynu nahay lakiin laba Dawladood aaynu kal nahay in anuu ku barino in nimankani ku si daayaan ayaanu doonaynaa, markaa waxay tidhi  sideeyntu hay joogte ninkaygii ha lay geeyo. Markaa nimankii way ila soo hadleen labacisho dabdeed waxayna igu yidhahadeen waanu isku gaynay  ee nala soo hadla hadan waxay yidhahdeen waanu kale kaxayn markii ay waayeen waxay doonayeen marka imka lamaanhii ingiriiska aha way kala maqanyihiin

Markaa waxaan ka codsanayaa shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo insaaniyad garanaysa in loo gurmado lamaanaha Ingiriiska ah ee ay dhibaatadu haysato, waayo Dadka Somaaliduba waxay ku nool yihiin wadanka Ingiriiska oo la siiyaa waxbarasho, Caafimaad, Shaqo iyo Nolol si fiicana waa loo soo dhaweeyay, markaa caalamku wuu inagu eegayaa ficilkaa  xun ee ay samaynayaan, budhcad badeedaa aan garanaynin bini’aadanimada iyo noloshu waxay tahay” ayuu yidhi  Xildhibaan Ahmed Maxamed Diriye(Nacnac).

M.S.Cumar,

APTEN, Hargeysa/Office.

Siilaanyo Oo Sheegay In Af-Duubka Lammaanaha Ingiriiska Ahi Magac-Xumo Ku Yahay Ummadaha Geeska Afrika
Hargeysa (APTEN) – Guddoomiyaha Xibiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lammaame Ingiriis ah oo in muddo ah af-duub loogu haysto Koonfurta Soomaaliya. Guddoomiyuhu oo shalay u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, wuxuu baaq u diray af-duubayaasha, waxaana u muujiyay sida uu shakhsi ahaan, xisbi ahaan iyo shacbi ahaanba uga xun yihiin. Axmed Siilaanyo waxa uu haysashada lammaanahan ku tilmaamay magac-xumo iyo taariikh-xumo dul taalla guud ahaan Mandaqadda Geeska Afrika. “Baaq ayaan u dirayaa, waxaa weeye haddii aad in uun bani-aadaminimo ku abtirsataan, waa in aad dadkaa iska sii daysaan.” Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Guddoomiyuhu waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee La-haystaasha da’da ah ee reer Ingiriis. Isaga oo arrintaas ka hadlayana, waxa uu raaciyay: “Dadkaa masaakiinta ah ee da’da ah ee wax alla wax ay galabsadeen aanay jirin, mandaqadda aynu ku nool nahay inteenna kale iyo kuwa haysta-ba, waxaa inaga soo gaadhayaa waa ceeb, waa taariikh-xumo iyo magac-xumo aan waligeed hadhayn. Markaa waxaanu codsi u jeedinaynaa dadkaa haysta lamaanaha ee masaakiinta ah ee aanay jirin wax ay galabsadeen, ha iska sii daayaan inta aanay farahooda wax ku noqon, iyaga oo nabad-qaba, damacaa iyo hungurigaasi waa kii Ilaahay inaga xaaraantimeeyey. Markaa waxaanu ugu baaqaynaa hadii aanu reer Somaliland nahay in la iska sii daayo.” Ayuu Guddoomiye Siilaanyo hadalkiisa ku soo gunaanaday.

M.S.Cumar,

APTEN, Hargeysa/Office.